Home » Warar »

Yaa ka dambeeyey in Ciyaartooydii Eretereya ku baxsadaan Magaaladda Nairobi

 

Warar ay baahiyeen saraakiil dhanka ciyaaraha ah oo ka tirsan Afrika ayaa sheegay in 12-ciyaartoy oo ka mid ah xulka Qaranka dalka Eritrea oo uga qaybgalay dalka Kenya ciyaarihii bariga iyo bartamaha Afrika ay goosteen

Nicholas Musonye oo ah xoghayaha guud ee xiriirka ciyaaraha bariga iyo bartamaha Afrika ayaa saxaafadda ugu sheegay Magaalada Nairobi ee dalka Kneya in tababarihii xulka Qaranka Eritrea iyo hal sarkaal ay dib ugu laabteen Magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea.

Markii la doonayay in diyaaradda lagu celiyo ciyaartoydii ka socotay dalka Eritrea ayaa la waayay, waxaana dib ugu laabtay oo keliya laba qof oo mid uu ahaa tababarihii” ayuu yiri Musonye.

Sarkaalkan ayaa sheegay inay tahay markii saddexaad oo ciyaartoyda dalka Eritrea ay goosanayaan tan iyo markii xiriirkan la sameeyay, waxaana kooxdii ugu dambeysay ay ku goosteen dalka Tanzania 2006-2007, markaasoo dalkaas lagu qabtay ciyaaraha bariga iyo bartamaha Afrika.

Xukuumadda Eritrea oo cadaadis xooggan ku haysa dalkeeda ayaa loo sababeeyay goosashada ciyaartoyda xulka Qaranka, kuwaasoo aan loo ogoleyn sida qaarkood ay horay u sheegeen inay ciyaaro dalka dibaddiisa ugu baxaan.

Warar kale oo la heley ayaa sheegaya in Ciyaartoyda markii ay ku sugnaayeen Hotelka ay u yimaadeen Dipolamasiyiin reer Yurub kuwaas oo la sheegey in ciyaartooyda ka dhaadhiciyeen in aysan ku laaban dalka Eretereya , iyagoo u balan qaaday in ay dalalkooda Magangelyo laga siin doono hase yeeshee Dipolamasiyiintaas ayaa qorshahooda ahaa in ay Madaxweyne Afawarke ku cadaadiyaan in uu u dhaga lugnaado Arrimahooda balse Dowladda Eretereya ayaa markiiba sheegtey in Ciyaartooygii soo laabta aan waxba loo raacan doonin

Xulka Eritrea ayaa ciyaar uu la yeeshay xulka Somalia wuxuu kaga adkaaday 3-1 gool oo xiriir ah, iyadoo ciyaartii ugu dambeysay oo ay la yeeshaan dalka Tanzania looga adkaaday, mana jirto goob lagu ogyahay ciyaartoydaas oo badankoodu ahaa kuwa ay ku dhaarto dalka Eritrea.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.