Home » Warar »

Xubno muhiim ah oo ku dhawaaqay in ay isaga baxeen Ururka SDSI

Xubno muhiim ah oo ku dhawaaqay in ay isaga baxeen Ururka Somali Diaspora Support Initiative (SDSI)

Kaddib markii maalintii shalay aheyd shir Teleefaneed ay kasoo qeyb galeen qaar ka mid ah xubnaha guddiga guud ee Ururka Somali Diaspora Support Initiative (SDSI) looga dhawaaqay in Ururkii samafalka ahaa ee SDSI loo weeciyay in uu yahay Urur Siyaasadeed ayaa waxaa soo baxay xubno dhowr ah oo isaga baxay Ururkaas.

Xubnaha hadda uu magacooda Allgedo soo gaaray ee Ururkaas isaga baxay ayaa waxaa ka mid ah Axmed Bashiir Cusmaan (Madoobe) iyo Cusmaan Muxumed Cali (Shuqaale) oo labadaba ka tirsanaa Guddiga Board of Directors-ka Ururka SDSI.

Madoobe iyo Shuqaale ayaa waxay sheegeen in sababata keentay in ay Ururkaas isaga baxaan ay tahay ayada oo Ururka laga weeciyay mabaadi’dii loo aas-aasay ee aheyd in uu ahaado Urur samafal ah (Charitable Organization) ka hawl gala arrimaha nabadeynta iyo dib u heshiisiinta deegaano dhowr ah oo ay ka mid yihiin Waqooyiga Galgaduud, Jubooyinka iyo Gedo.

Xubnahaan maanta ku dhawaaqay in ay Ururka SDSI ka baxeen ayaa waxay intaas raaciyeen in ay mudadii 7-da bilood aheyd ee uu Ururkaas jiray ay isku taxluujiyeen intii tabartood ah in mabaadi’dii loo aas-aasay Ururka laga ilaaliyo in la marin habaabiyo, hase yeeshee nasiib daro ay ku guuleysan waayeen arrintaas. “Ma’ahan in la marin habaabiyay ujeedooyinkii loo aas-aasay Ururka oo kaliya ee waxaa kale oo si cad usoo if baxay wararkii horayba u sheegayay in ay jiraan shaqsiyaad doonaya in ay Ururka SDSI uga faa’ideystaan danahooda gaar ah ee ay leeyihiin oo ay ugu horeyso mid siyaasadeed oo ah midda maanta sida cad usoo if baxday” ayay yiraahdeen Madoobe iyo Shuqaale oo iyagu galabta lasoo xariiray shebekadda war baahinta Allgedo Online.

Ka bixidda labadaan xubnood ee Ururka SDSI ayaa waxay kusoo beegmeysaa kaddib markii uu isna horay qoraal Allgedo usoo gudbiyay ku sheegay in uu isaga baxay Ururka SDSI Mr. Aden Axmed Colujoog oo ahaa guddoomiyaha waaxda kicinta iyo abaabulka Qurbajoogta Waqooyiga Amerika (Chair person of the SDSI North America Diaspora & Mobilization.)

Dhankakale, ka bixidda Ururka SDSI ee ay xubnahaan ku dhawaaqeen ayaa waxay dharbaaxo iyo dhabar jab weyn ku noqoneysaa wax ka qabashada howlihii Ururka loo aas-aasay ee ahaa Nabadeyn, Dib-u-heshiisiin iyo Dib-u-dhisid deegaanadii loogu tala galay in uu Ururku ka howl-galo.

Cusmaan M. Maxamed, AOL
osmanture@gmail.com

Hoos ka akhri qoraal la xariira ku dhawaaqidii Aden Axmed Colujoog uu kaga baxay Ururka SDSI:
 
 Madaxii waaxda Qurbajoogta ee Ururka Somali Diaspora Support Initiative (SDSI) Aden A. Colujoog ayaa si buuxda uga baxay Ururkaas
 
 Hoos ka akhri qoraal ka hadlaya aas-aaskii Ururka SDSI:
 
 Urur Samafal ah (Charitable Organization) oo magaciisa loo bixiyay Somali Diaspora Support Initiative (SDSI) ayaa looga dhawaaqay Columbus, Ohio

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.