Home » Maqaallo »

Soomaaliya sidee bay Nabad iyo Xasillooni ku gaari kartaa ? | Daadurey

Soomaaliya ayaa waxay soo martay marxalado kala gedisan oo aad u adag tan iyo intii ay burburtay Dowladii dhexe ee Dalka Soomaaliya taasina waxay abuurtay Nabadgelyo la’aan ku baahda Dalka oo dhan , waxaanna Xasilooni darradani ka faa’idaysanaya Dad aan Soomaaliya u dhalan oo Dalalkoodii Dembiyo ka soo galay oo la raadinayo oo gabaad ka dhiganaya Xasilooni darrada ka jirta Dalka Soomaaliya , Nasiib darro waxaan arrimahani garanayn Shacabka Soomaaliyeed oo iyagu noqday kuwa lagu adeeganayo oo lagu Xasuuqayo Shacabkoodii Walaalaha la ahaa , Xasilooni iyo Nabadna loo diidayo inuu Dalka ka dhaco.
 
Haddaba kooxaha Dagaallamaya ee Dowladda ka soo horjeedaa miyey ogyihiin Dadka ay Xasuuqayaan inay yihiin Soomaali ?mise way Riyoonayaan oo weli waxay moodaan inay Dalka Xabasi haysato? Runta lagama raysto Dowladan waa Dowlad Dib u Heshiiseeneed Qabaqablihii Qabiilka wax ku laynayey haddii uu Miiska wada hadalka fadhiyo war adiga oo Magac Diineed wataa maxaa kuu Diiday inaad Nabadda ka Taliso? Dhiigga Dhallinyarada Soomaaliyeed ee aad Daadinaysaan kuwii Jaamacadaha ka baxay ee lagu Iflaaxi lahaa oo aad Xasuuqaysaan Miyaad Diin Moodeen? Diinta Islaamku waa Diin Nabad; Qeexidda Muslmka ama ” Defenition of Muslim “ayaa waxay tahay Qof laga amaan helay Carabkiisa iyo Gacantiisa ama “Nabad” ama Salaama”.sida Nebi Maxamed CSW laga soo weriyey.
 
Kooxaha sheeganaya Magaca Diineed ee Naftoodii iyo tii Walaalaha kale ee Soomaaliyeed ee la Diinta ahi Dilaaya waxaa Xaqiiqa ah inaysan wax Daliila u haynin inay Naftooda iyo mid kaleba Dilaan iyagoo Xukun raadinaya , Xukunka iyo Qisaasta ay ka Sameeyaan Goobaha ay ka Taliyaana ma aha Mid Sharciga Islaamka Waafaqsan waxaana leeyahay ha ka joogaan , Soomaaliya waxay leedahay Dowlad KMG ah oo Dunida Caalamka laga aqoonsan yahay iyagaana ah “Ulu Amar”waxayna ku dhawaaqday in ay Dalka ku Xukumayso Shareecada Islaamka idinkana wax idin aqoonsan ma jirto haddii aad Xukun Qisaas ah Fulisaan waa Sharci darro Xitaa haddii uu qofkaasi uu ku Cad yahay Dembiga waxaa awood u leh Qofkii ama Ehelkii Qofka laga Dilay iyo Dowladda Xaqa ah ee Dalka ka Talisa idinka waxba idinkaama banaana inaad ka qabataan
 
Sharciga “Islamic Law” wuxuu u baahan yahay inaad Dib u akhrisaan Dadka Xasuuqa ka daaya Rabi  ayad hortagi doontaan idinkoo Qaawan oo Caga la’ Xisaabna way idin sugaysaa.
Heshiiska iyo Nabadda ayaa horumar lagu gaaraa Soomaaliya waxay leedahay Laba Webi oo aad u Waaweyn Biyaha Webiyadaan 20 Sanadood Badda ayey u aroorayeen Badihiina waa laga Kalluumaysan waayey oo Buraddii iyo Kalluumaysatadii ayaa la kala garanayn  , maxaa wacay? wax beera qotaa ma jiraan.
 
Dhallinyardii waxay noqdeen kuwa Qorya qaata ama kuwa la Qarxiyo ama la Qaxiyo oo la Tahriibiyo, taasina waa nasiib darro waxaa ku adeeganaya Nin Kursi Doonaya oo aan wax Caqiidda ahi lahayn, Diinteenu waa Diin Ammaan iyo Nasteexo, ee ma ah Diin Dagaal  kuwa ku faanaya inay Dadka Ismiidaameeyaan Idaacadaha iyo Warbaahintana ka sheegaya inay Bannaan tahay waxaan u soo jeedinaynaa “Ogow Alle inuu ku Xisaabin Doono “Heshiis qaado oo Dhallinyarada Soomaaliyeed ha Dhammayn , Baarlamaanku wuu Ballaaran yahay maxaa Sababay inuu Baaxad intaa le’eg noqdo waa Nabad ha la gaaro , Diintaada ,Dadkaaga iyo Dalkaadaba Badbaadi oo Doqon ha noqon Dagaal Door ma Dhalo.
 
Soomaaliya Xuquuqda Aadanaha iyo Xayawaanka
 
Dhibaatooyinka ka abuurmay Dagaalladan ayaa waxaa ugu badan Xadgudubyada ka dhanka ah Aadanaha iyo Xayawaanka waxaa jira inay Dadku ka baqanayaan inay quut doontaan iyagoo Naftooda u baqanaya in la Qafaasho, Xarrig Sharci Darro ah , Dilo, Kufsado, ama la Xasuuqo, Xayawaankii oo loo adeegsado siyaabo aad u Xun oo Naxariis daro ah sida Dameeraha la Rarto ama Geella oo Indhaha laga Xiro oo loo adeegsado “Hab Warshadeed nooca Saliidda Macsarada lagu Marsado”iyadoo la heli karo Habab kale oo ka sahlan oo lagu Badbaadin karro Dhibaatadan
Kooxaha DFKMG ka soo horjeedaa waxay u Doodayaan Xuquuqda Aadanaha ,Laakiin waxay ku Tumanayaan Xuquuqda Aadanaha oo ah tan ugu Muhuumsan Bani’aadanka oo dhan.
Masaajidda oo noqday Goobo laga baqdo oo lagu ugaarto Dhallinyarda oo aan qaarkood waxba galabsan loona Dilayo kuwa Dagaal Oogayaal ah Dartood ama loogu Xiro Xabsi aan la garanayn.
 
Dowladda Maxaa kala Gudboon Arrimahani Cakiran?
 
Waxaannu ognahay inaysan jirin Dowlad kale oo KMG ahi oo sheeganaysa inay Soomaaliya Maanta ka Taliso oo aan ahayn Dowladda FKMG ah ee Soomaaliya ,Kooxaha Dagaalamaayana inay yihiin kuwa Xukun doon ah, Dowladdu waa inay Cafis u fidisaa Dhammaan Kooxaha ka soo horjeedda kaasoo lagu Mudeenayo Muddo 90 Maalmood ah Cidii ka faa’idaysan weydo Muddadaa la qabtay , Xeer Ilaahiyaha Guud ee DFKMG ahi waa inuu Dacwad ku soo Oogaa isla Markaana u Jaraa Warqadda soo “Qabashada “Amarna ku siiyaa Hay’adaha iyo Ciidanka Nabadgelyada in  la soo Qabto Mas’uulka Dagaal Oogaha ah ee Diinta ku Ugaaranaya Sharaftana ka Dilaya Sharacka Soomaaliyeed Maxkamadna si deg-deg ah loo horkeenaa ama la Xukumaa isagoo Maqane ah iyadoo lala Eedaynayo kuwa Hadda Xabsiga ku jira ee hore loo soo Qabtay.   Haddii ay Dowladdu qaado Tallaabooyinkaani waxaa Hubaal ah inay wax weyni iska Bedeli doonan Nabadda Dalka Nabadna  la gaari doono.
 
Gabagabadii iyo Faalladani Ummada Soomaaliyeed waxay u baahan tahay Nabad,  waxayna ku imaan kartaa Nabaddu Dib u Heshiisiinta oo la Taageero iyo Dagaallada iyo Is Qarxinta oo la joojiyo, Miiska wada hadalada oo la wada fariisto Sababtoo kuwa aan Diin lahayn oo ka mid ah Waddamada Afrika ayaa intay Burbureen oo Dagaallo Sokeeye isku Xasuuqeen Haddana Heshiiyey , innagu waxaannu nahay Dad isku Af ah isku Diin ah isku Dhaqan ah haddan weli Xal lama hayo arrintani waa wax muruga leh Soomaaliyeey isu Arxama , isu Naxariista , is Walaalaysta, is Jeclaada oo Wada Heshiiya.
 
Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf(Daadurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Soomaaliya sidee bay Nabad iyo Xasillooni ku gaari kartaa ? | Daadurey "

  1. een walaale,, dhab ahaan waan rabnaa Nabad hase ahatee qaabkaad sheegtay ma maleenayo in lagu helayo,, ean walaal dowlad iyada gacan ku ganbad ah,, oo waziir walbo taagan yahay goormey kugu imaaneysaa wareegtada,, ayaad ledahay een 90 maalmood dad ayay u qabanayaan,, teeda kale meeyay maxkamadad ledahay dakay xukumeysaa,, koley niyadaad noo dhistay qeyr allaha ku siyo,, rajada ilaah laga quusto waan rajeenaynaa waxaad sheegtay