Home » Warar »

Muqdisho: Jaaliyadda Somaliyeed ee ku nool dalka Norway oo maanta Deeq Lacageed Gaarsiiyay mid ka mid ah Dugsiyada Qur’aan

Jaaliyadda Somaliyeed ee ku nool dalka Norway oo maanta Deeq Lacageed Gaarsiiyay mid ka mid ah Dugsiyada Qur’aanka karimka ee degamadda karaan ee magaalada Muqdisho

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah
 
Waxaa maanta la gaarsiiyay deeq lacageed oo gaareysay $200 Doolar mid ka mid ah Dugsiyadda ku yalla magaaladda mugdisho. gaar ahaana degmadda kaaraan ,kaas oo ay Xiligaan wax ku bartaan arday Soomaliyeed kuwaasi oo la barra Qu’aanka karimka ah iyo Xifdintiisa iyo tarbiyadda akhlaaqadda wanaagsan iyo casharro kale oo muhiim ah
 
deeqdaasi oo ay ugu deeqeen dugsigaasi Jaaliyadda Soomaliyeed ee dalka Norway gaar ahaana magaaladda Oslo ayaa ugu tala galay in lacagtaasi lagu hormariyo wax barashadda Goobaha lagu barto diinta islaamka isla markaasna kor loogu qaado Moraalaka Macalimiinta haatan ku hawlan in ay caruurta soomalaiyeed xiligaan wax baraan iyadoo weliba lagu jiro marxalad aad iyo ad u adag, waxayna jaaliyadaasi somaliyeed lacagatasi u wakiisheen Wakiilka Webka CALAYAALE ee Magaaladda mugdisho maxamuud Xasan cumar iyo marwo Xajiya Xabiba Abrroe cumar, iyadoo lacagtaasina uu ka gudoomay macalinka dugsigaasi oo lagu magacaabo macalin Xasan Maxamed Muxumed oo ahaa macalinka gacanta ku haaya arday gareysay ilaa 60 Arday oo xiligaan wax ka baerta dugsigasi.

kaalmo

Dugsigaan ahaa ku fadhiya dhul dhan–30X20, waxaana uu ka koban yahay 4×4–8 Mitir, kaas oo labaddii sanno ee ugu dambeeyay ay ka socotay waxbarashadda dhinaca Qur’aanaka kariimka ah iyo xifdintiisaba.
Macalin xasan Maxamed Muxumed oo gudoonka deeqdaasi lacageeyd ka dib mahad naq u jeediyay Jaaliyadda Soomaliyeed ee dalaka Norway ayaa si weeyn uga mahadceliyay lacagtasi wax ku oowl ah ee maanta la agarsiiyay, waxaana uu ka ahadlay baahidda xiligaan ka ajirta dugsiga.
 
macalin waxaa u sheegay in loo baahan yahayin wax laqa qabto dhinacyadda aas aaska u ah wax barashadda ardaydda sida M usqulha, Balaarinta dugsiga, Biyaha, caafimaadka, jiifka Korontadda iyo wixii soo raca waxaana uu ka codsaday jaaliyadaha kale ee soomaliyeed in ay ku daydaan jaaliyadda soomalyeed ee ku nool dalka norway,isagoo ugu baaqay in ay sii lababa laaban wax u qabashadda goobaha muhiimka ah ee lagu fidiyo diinta islaamka iyo tarbiyadda suuban ee bulshadda, gaar ahaana ardaydda soomaaliyeed ee xiligaan

Mahamud Ahmed Hassan
xuurshe114@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.