Home » Warar »

Joornaaliisteyaashii Lagu Diley Soomaaliya 1991 – 2009

Dhicidii xukunkii Maxamed Siyaad Bare ee 1991 iyo dagaaladii sokeeye ee ka danbeeyey ee ay Soomaalidu ku dad, dal iyo duunyaba beeshay waxa marka laga tago shacabkii faraha badnaa ee lagu diley ka sokow ay dagaaladaas iyo fowdadii dabajoogtayba galaafteen nolosha suxufiyiin fara badan oo la diley iyagoo doonaya iney dunida u soo bandhigaan masiibadii heysatay Soomaalida.

  • Fiiro Gaar ah: Maqaalkan waxa aan sanadkii 2005 isagoo intan ka gaaban ku qoray qaar ka mid ah bogaga Soomaalida.  

Joornaaliisteyaashii lagu diley koonfurta Soomaaliya waxa ka mid ahaa

  • Mahad Aaden Xassan (cadde)
  • Xaange: Nasiib daro weriyahan ma helin magaciisa oo sadexan
  • Cabdi Sheekh Cali:
  • Abuukar Maxamed Nuur:

Afartan weriye oo ka shaqeyn jirey Radiyo Muqdisho waxa ay ka mid ahaayeen dadkii faro ku tiriska ahaa ee aan qabiil ahaan ka soo jeedin beelihii USC da isla markaana aan ka qixin Xamar ridistii taliskii Siyaad Bare ka dib iyagoo dabcan quud dareynayey in dhicidii xukunkii Maxamed Siyaad ka dib ay Soomaaliya heli doonto nabadgalyo iyo cadaalad. Nasiib daro waxa 4tan weriye lagu diley magaalada Muqdisho 8 April 1991. Dilka weriyeyaashan waxa ka danbeeyey nin isaguna weriye ka ahaa Radiyo Muqdisho oo lagu magacaabi jirey Taakeeye kaasoo aan maqlay inuu ka careysnaa nin adeerkiis ah oo lagu magacaabi jirey Korneyl Ibraahin Rooble Warfaa (Doonyaale) oo lagu diley Lafoole 7 April 1991 xiligaasoo uu Afgooye iyo dhulka ku xeeran si xun uga socday dagaalkii sokeeye ee u dhexeeyey beelihii kala taageerayey jabhadihii USC iyo SNF,SSDF,SPM oo isku dhinac ah .

  • Cabdulqaadir Cali Iidle: Inkastoo aanan xasuusan taariiqdii la diley hadana waxa Iidle oo aan deris aheyn kana mid ahaa weriyeyaashii caanka ahaa ee Soomaaliya diley gacan ku dhiigle Taakeeye oo ahaa isla ninkii diley weriyeyaasha kor ku xusan sabab la xiriirta muran la xiriirey maamulka Radiyo Muqdisho oo ay xiligaa gacanta ku hayeen maleeshiyo reer Cadaado ah oo ay isku heyb ahaayeen gacan ku dhiiglaha. Iidle waxa markii la dilayey uu ahaa agaasimaha Radiyo Muqdisho.
  • Jean Claude Jumel: waxa uu ahaa weriye u shaqeynayey TF 1 oo ah TV laga leeyahay Faransiiska waxana lagu dilay Xamar June 18 1993 ka dib markii niman hubeysan ay soo weerareen baabuurkii uu la socday isagoo maraya wadada isku xirta garoonka diyaaradaha iyo magaalada. 
  • Hansi Krauss: Germany/AP
  • Hosea Maina: Kenya/Reuters
  • Dan Eldon: British/Reuters. Noloshii eldon fiiri The journey is the destination, the journals of Dan Eldon
  • Anthony Macharia: Kenya/Reuters

Afartan joornaaliiste waxa 12 july 1993 diley taageerayaashii Maxamed faarax Ceydiid iyagoo filin ka duubaya dhisme ku yaalay agagaarka cisbitaal Digfeer ee Muqdisho oo ay duqeeyeen diyaarado Mareykanku lahaa. (Dilka joornaaliisteyaashan waxa ka badbaaday Mohamed Shaaffi iyo Scott Peterson. Shaafi waxa uu sanadkii 2001 ku geeriyooday magaalada barakeysan ee Qudus.  Dilka 4 joornaaliiste iyo labada badbaaday fiiri buuga (Me against my brother). Meydka labada Joornaaliiste ee Kenyanka ahaa waxa aan shaqsiyan ku arkay dhulka u dhexeeya taribuunka iyo cisbitaalka Digfeer iyagoo dharkii lagala baxay oo qaawan)

  • Yuusuf Maxamed Cabdi (Agooye) Waxa uu ahaa weriye ka tirsan shaqaalihii Radiyo Muqdisho. Afgooye oo dhicidii xukunkii Maxamed Siyaad Bare ka dib ka mid noqday dadkii sida aadka ah u taageeri jirey siyaasadii jeneral Maxamed Faarax Ceydiid waxa uu 12 / 7 1993 ku dhintay guri ay ku shirayeen taageerayaashii Ceydiid kaasoo ay duqeeyeen diyaarado uu Mareykanku lahaa.  
  • Mursal: Weriyahan magaciisa oo sadexan ma helin waxase uu ahaa Joornaaliiste Soomaali ah oo u shaqeynayey wakaalada AP waxana lagu diley Muqdisho 1993 isagoo isku dayayey inuu difaaco nin ay saaxiibo ahaayeen.
  • 5 joornaaliiste oo Soomaali ah una shaqeynayey CNN ayaa iyagana lagu diley Xamar sanadkii 1993 iimase suurto gelin inaan helo magacyadooda.
  • Alaria Albi iyo Miran Krovatin: Waxa ay ahaayeen joornaaliisteyaal u kala dhashay Italia iyo Croatia una shaqeynayey Telefishinka Talyaaniga ee RAI 3. Labadan joornaaliiste waxa 20 Maarso 1993 lagu diley agagaarka dhismihii hotel Juba ee magaalada Muqdisho iyagoo xiligaa ku sii socday hotel Saxafi ka dib markii ay soo weerareen niman hubeysan oo watay baabuur.
  • Pierre Anceaux: Waxa uu ahaa joornaaliiste u dhashay dalka Switserland lana shaqeynayey hey,ad gargaar oo lagu magacaabo Caritas Switserland. Saxafigan waxa niman hubeysani oo Soomaali ah ay ku dileen xero qaxooti oo ku taalay magaalada Beydhabo 31 Ogoosto 1994 isagoo xiligaa wareysanayey haweeney Soomaali ah.
  • Marcello Palmisano: Waxa uu ahaa Joornaaliiste Talyaani ah waxana lagu diley jidka Afisiyooni ee magaalada Muqdisho 9 Feberaayo 1995 ka dib markii uu sida la sheegay ku soo dhex dhacay dagaal u dhexeeyey maleeshiyooyin kala taageerayey shirkado Mooska dhoofiya oo kala ahaa Dole iyo Somalifruit.
  • Maxamed Jaamac Faarax Carab (Falaxfalax): Falax falax oo ka mid ahaa weriyeyaashii ugu magaca weynaa radiyo Muqdisho intii aanay bur burin dowladii dhexe ee Soomaaliya 1991 waxa sanadkii 1996 ku diley degmada Doolow maleeshiyo ka tirsan koox diimeedka Alitixaad xili uu gobolka Gedo si xun uga socday dagaalkii u dhexeeyey Alitixaad iyo SNF.
  • Axmed Kaafi Cawaale: Waxa uu ahaa weriye u shaqeynayey idaacad taageerta Xuseen Ceydiid. Cawaale waxa 26 Janaayo 2000 ay niman hubeysani ku dileen suuqa Bakaaraha ee Muqdisho isagoo wata shaqadiisa weriyenimo.
  • Abdullaahi Madkeer: Waxa uu ahaa weriye u shaqeynayey Raadiyo  lagu magacaabo DMC Radio oo xaruntiisu aheyd Beydhabo waxana toogasho ku diley niman hubeysan oo ka tirsanaa jabhada RRA  24 janaayo 2003 isagoo xiligaa ka soo waramayey xaflad dib loogu furi lahaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Beydhabo.
  • Kate Peyton: Waxa ay aheyd weriye u shaqeyneysay BBC. Peyton waxa 9 Feberaayo 2005 niman hubeysani ku dileen iridka hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho.
  • Duniya Muxudiin Nuur: waxa ay aheyd weriye u shaqeyneysay idaacada Hornafric. Duniyo waxa uu nin hubeysan ku dilay agagaarka degmada Afgooye 5 June 2005 iyadoo xiligaa u socotay iney ka soo waranto jidgooyo ay sameynayeen gaadiidleyda ka shaqeysa wadada isku xirta Xamar iyo Afgooye,
  • Martin Adler: Waxa uu ahaa weriye Swedish ah oo u shaqeynayey jariidad ka soo baxda Sweden oo lagu magacaabo Aftonbladet. Adler waxa 25 June 2006 lagu diley fagaaraha teribuunka ee magaalada Muqdiisho halkaasoo uu ka socday banaanbax looga soo horjeeday Itoobiya oo ay abaabuleen maxkamidihii Islaamka ee koonfurta Soomaaliya.
  • Mohammed Abdullahi Khalif: Weriyahan oo u shaqeynayey idaacada Radio Voice of Peace waxa niman hubeysani ku dileen Puntland 5 may 2007.
  • Abshir Ali Gabra: Oo ahaa weriye u shaqeynayey idaacadaha Jowhar iyo idaacada Quraanka kariimka ee Muqdisho waxa 15 May 2007 uu isagoo ku dhex jira shaqadiisa weriyenimo ku dhintay degmada Xaaji Cali ee gobolka shabeelaha dhexe halkaasoo ay ku dagaalamayeen maleeshiyooyin beeleedyo iska soo horjeeday.
  • Ahmed Hassan Mahad: Waxa uu ahaa weriye u shaqeynayey Raadiyo Jowhar iyo BBC. Axmed waxa 15 May 2007 uu ku dhintay degmada Xaaji Cali halkaasoo uu ka socday dagaal u dhexeeyey maleeshiyo beeleedyo.
  • Mahad Ahmed Elmi: Waxa uu ahaa weriye u shaqeynayey radiyo Horn Afrik iyo Capital Voice. Mahad waxa 11 Ogoosto 2007 niman hubeysani ku toogteen iridka dhismaha idaacada Horn Afrik.
  • Ali Imaan Sharmarke: Sharmaarke oo aanan hubin inuu saxafi ahaa balse ka mid ahaa milkiileyaasha idaacada Horn Afrik waxa 11 Ogoosto 2007 uu ku dhintay qarax lala beegsaday baabuur uu saarnaa isagoo markaa ka soo noqday duugta weriye Mahad Cilmi. 
  • Abdulkadir Mahad Moallim Kaskey: Waxa uu ahaa weriye u shaqeynayey idaacada Banaadir. Kaskey waxa 24 Ogoosto 2007 niman hubeysani ku dileen gobolka Gedo isagoo markaa ka soo noqday Xamar.
  • Bashir Nur Gedi: Bashiir oo ka mid ahaa milkiileyaasha Radiyo Shabeele waxa 19 Oktobar 2007 ku diley gurigiisa hortiisa niman hubeysan.
  • Xassan Mayow Xassan: Xassan oo ahaa weriye u shaqeeya radiyo Shabeele saldhigiisuna ahaa degmada Afgooye waxa 1 Janaayo 2009 ku diley degmada Afgooye askari ka tirsan ciidamada dowladii Soomaaliya.
  • Saciid Tahliil Axmed: Tahliil oo ahaa agaasimaha idaacada Horn Afrik waxa 4 Feberaayo 2009 toogtay 3 nin oobistoolado ku hubeysnaa kuwaasoo rasaas kaga dhuftay madaxa. Tahliil oo markii la dilayey laga dhex soocay weriyeyaal kale oo la socday waxa dilkiisa loo aaneynayaa ururka Alshabaab kuwaasoo ahaa kuwii iskugu yeeray shir jaraa,id oo uu Tahliil ka qeyb gali rabay.
  • Muqtaar Maxamed Hiraabe: Hiraabe oo ahaa agaasimaha idaacada Shabeele waxa 7 June 2009 ay niman hubeysan oo ka tirsan Alshabaab ku dileen suuqa bakaaraha. Weerarkan waxa ku dhaawacmay kana badbaaday weriye Axmed Cumar Xaashi (Axmed Taajir)

  Qaar Ka Mid ah Muuqaalka Joornaaliisteyaasha 

joorn

Fiiro gaar ah : Dhamaan Joornaaliisteyaashan aan kor ku soo xusay oo falalkii lagu diley ay iskugu jireen falal burcadnimo, qabiil iyo kuwo siyaasadeed ma jirto cid loo xiray dilkooda oo maxkamad loo saaray marka laga reebo nin magaciisu ahaa Xaashi Cali Cumar oo Talyaanigu u xiray dilkii Alario Albi iyo Miran Krovatin  

Ilaha xogta: International news safety institute, BBC world service, CPJ Org, Hornafric media iyo dhacdooyinka qaar oo aan anigu goob joog u ahaa. Wixii aan ka tagay ama aan si qalad ah u qoray sixid u furan,  

Wixii aan ka tagay sixid u furan wixii aan qaldayna halaga raali ahaado. 

Wixii talo ama tusaale ah iigu soo dir

ugaas1@msn.com 
Qalinkii Abdulaahi M Osman.
Former US Marine corps translator Somalia 1992/94
Sweden  
 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Joornaaliisteyaashii Lagu Diley Soomaaliya 1991 – 2009 "

  1. ibrahim says:

    ILAAHAY DADKAAS DHINTAY HA U NAXARIISTO KUWII DILEYNA CIQAAB ADUUN IYO MID AAKHIRA

  2. ASLI says:

    ILAAHOW UMADDA SOOMALIYEED U GARGAAR OO TAWFIIQDA WAAFAJI.
    OO GARANSII QIIMAHA SUXIFIYIINTA AY MACNA DARADA U LAYNAYAAN.