Home » Warar »

Warsaxaafadeed: Suldaan Axmed Dhore Farax

Kulan balaaran oo ay ka qeyb galeen xubnaha odoyasha dhaqanka ee beelaha hawiye oo lagu soo bandhigay hagardaamooyinka loo maleegayo bulshada islaamka ee somaliyeed .

Nuqul ka mid ah warsaxaafadeedka oo ayaa waxaa uu u qoraa sidaan
Hordhac ………

Waxaa laga wada dharagsan yahay caqabada ugu weyn ee hortagan nabada ka dhalata dalka somaliya in ay tahay faragalinta shisheye ee lehmid ciidan iyo mid siyaasadeed haba ugu sii darnaato markii ay meesha ka baxday dowladii dhexe ee somaliya iyadoo faragalinta ugu badan ay kaga imaaneyso dhowladaha dariska la ah Soomaaliya oo si weyn uga soo horjeedo dowlad ka dhalata dalka iyaga oo arinkaa taakuleyn kaga helayo dowladaha reer galbeedka oo ay ugu weyntahay dowlada mareykanka ,iyadoo mar walbo looga dowlgalo maamulo maqaar saar ah oo ay dibadaha ka soo dhoodhoobeen kuwaas oo ay ku fushanayaan danahoda cadowtinimo .

Ka dib markii ay falanqeeyeen golaha dhexe ee golaha dhaqanka iyomidnimada beelaha hawiye shirqoladooda dhanwalbo kaga soo wajahan soomaaliya ayey ka soo saareen warmurtiyeedkaan .

1. Uruurka la baxay kooxda xiriirka caalamiga ah ( contact Group ) oo uu si sharci daro ah u aasaasay mareykanka ayna ku mideysan yihiin dowlado qasaya deganaansho ka hana qaada soomaaliya ayaa wuxuu diyarinayaa dagaalo cusub oo ka dilaaca soomaaliya isla markaana qaaraan ka uruurinaya beesha caalamka si uu baasiin ugu sii huriyo dabka ka holcaya soomaaliya ,qorashahaas dagaal waxay kooxda u adeegsaneysaa Ciidamada AMISOM ee xasuuqa ka wada Muqdisho iyo kooxda kulamaansan ee TFG-da .

2 Waxaa nasiib daro ah in jaamacada carabta gaar ahaan dowlada sacuudiga ay mariti galisokooxda xiriirka calamiga ah soomaaliya ,dhibaatana dalkeena logu maeego shacabka soomaaliyeed ,waxaana leenahay jaamcada caabta haddii aad ka gaabiseen wax u qabashada shacabka soomaaliyeed haka qeyb qaadanina xasuuqa laguhaayo shacabka .

3 Axmed walad Cabdalle oo shirgudoominayo shirka Kooxda oo ka dhacaya Sacuudiga waa ninkii loo adeegsaday kala jabinta muqaawimadii la dagaalameysay Ciidamadii shisheeye eek u soo duulay Soomaaliya .wuxuuna ka shaqeynayaa sidii loo barakicin lahaa shacabka degan goobaha ay nabada iyo xasiloonida ka jirto .

4 Waxaa xaqiiqo ah in aysan dalka somaliya ka jirin nidaam dowladeed ,dhibaatooyinka isugu jira dhaca iyo boobka hantiyadeed waxayna maalin walbo ka dhacaan goobaha yare ee ay ka taliso TFG-da waxaana geysanayaan maleeshiyada Magaca TFG-dana waa shaabad lagu sharciyeysanayo qabashada dalka soomaaliya bad iyo bariiba .

5 Safiirada reer galbeedka ee fadhigoodu yahay dalka Kenya waxay qeyb ka yihiin ayna fududeeyaanhagardaamooyinka loo maleegayo shacabka soomaaliyeed ,dalka kenyana waa goobta lagu dhaco dhaqaalaha ay besha caalamku bixiyo oo ay ugu tala galeen barkacayasha dalka somaliye iyada %90 ay qeybsanayaan hay.addaha Caalamiga ah iyo N.G.O .yada Gudaha somaliya .

6 Wuxuu dhinaca kale cadowga soomaaliya maleegayaa sidii dalka loogu qweybin lahaa shan imaaradood oo dusha laga mamulo waxayna hada gacanta kula jiraan dhismo dowlad goboleed lagu dhiso gobolada dhexe ,iyada oo maalmaha soo socdo lagu qabanayo dagmada caabud waaq ee gobolka galgaduud shir looga hadlaayo arrintaas ,ayna garwadeeno ka yihiin siyasiyiin ka soo jeedo goboladaas oo xambaarsan Afkaarta isticmaarka Cusub ee Somaliya .

7 Golaha dhaqanka iyo midnimad abeelaha hawiye wuxuu aad uga xun yahay waxa uu ku kacaayo Maamulka Puntland oo ah takoorida dadka ka soo jeedo Koofirta somaliya iyo soomaali galbeed iyada oo rag badan gacanta u galiyey codowga Ethiopia isla markaana ku amrey shacabka puntland in ay gumaadaan dadka reer koofureedka ah arinkaas oo sababikara aano qabiil oo sameyn kuyeelata gobolada dalka oo dhan taas oo aan ka digayno ahna mid u adeegeyso cadowga somaliyeed oo doonayo in la isku laayo qabaail.

8 Goluhu wuxuu ugu baaqayaa gudaha iyo dibadaba in ay midoobaan gacmahana is qabsadaan kana hortagaan shirqooladaas loo maleegayo difaacdaana diintooda iyo dalkooda .

9 Ugu danbeyn waxaan ugu beesha calamka in laga dhaafo faragalinta lagu haayo shacabka soomaaliyeed loona daayo aayo ka tashi gooda ayna ogaadaan in ciidamo shisheeya aana marnaba ogolaaneynin shacabka soomaoliyeed .

naj2

Warsaxaafadeedka waxaa ku saxiixnaa
Gudoomiyahay golaha dhaqankaiyo midnimada beelaha hawiye .

Suldaan Axmed Dhore Farax

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.