Home » Warar »

Kenya: Soomaaliya Xal miyey la dooneysaa misa xal la’aan?.

FAALLO::: Kenya: Soomaaliya Xal miyey la dooneysaa misa xal la’aan?.

Xaalada Soomaalida ku nool Kenya iyo mida Ganacsi. Sidoo kale warbaahinta iyo doorka dowlada Kenya ee Xalka Soomaaliya.

Wadanka Kenya waxuu kamid yahay Dalalka dariska dhow la ah Wadankeena Soomaaliya, waxuuna door firfircoon uu ku leyahay Siyaasada Soomaaliya, ayadoo dad faro badan oo Soomaaliyeed ay dagan yihiin Wadankaan, sidoo kale waxaa jiro dad Soomaaliyeed oo ku abtirsada in ay yihiin Kenyaan kuwaaso dagan Gobolka ugu weyn Dalkaan ee ledaho Waqooyi Bari Kenya.

Xaalada dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankaan waxa ay tahay mid adag waxeyna la kulmaan Muwaadininta Soomaaliyeed dhibaatooyin kala duwan oo is kugu jiro Xarig, iyo jardil ay ugeystaan Ciidamadda Police ka Wadankaan xiliyada habeenkii iyo waliba maalintii kuwaaso ku eedeyo dadka ay ka rabaan iney ka qataan lacag, in ay yihiin Sharic la’aan ama ay Sharci daro sameynayeen.

Waxaana fudud in aad aragtid Ciidamada Police ka Kenya oo ku mashquulsan qab qabashada Dadka Soomaaliyed, ayadoo isla xiligaasna ay Kooxo Tuugo ah ka wadaan baarasho iyo isbaareysi gudaha Xaafada ay dagan yihiin dadka Soomaaliyeed waxeyna baarasho iyo tacadiyaba ugeysto dadka maraayo Wadooyinka iyo kuwa ku jiro Guryahooda oo ay u dhacaan xiliyada qaar.

Waxeyna umuuqataa Dowlada Kenya in ay tahay mid anan ka danqaneynin Dadkaan Soomaaliyeed ee lagu wax yeleynaayo Gudaha Dalkeeda balse ay ku mashquul san tahay sidii ay oga dhex muqan laheyd isbadalada Siyaasadeed ee Soomaaliya, halka Dadka Soomaaliyeed ee Kenya ku abtirsadana aynan wali ka helin dowlada Kenya xaqii ay ku lahaayeen Madaama Gobalka Waqooyi Bari Kenya oo ah kan ugu weyn wadankaan, Soomaaliduna ay ledahay uu ka hooseeyo Gobalada kale ee dalka Kenya.

Sidoo kale Jaaliyaddo Faro badan oo ka kala yimid wadamada ay dariska yihiin Dalkaan Kenya ama Dalalka ay ka jiraan Colaadaha ayaa ku nool wadankaan, waxaana kamid ah Jaaliyadahaas ku dhaqan Dalkaan, Wadama ay kamid yihiin Kongo, Ugaandha, Burundi, Riwaandha, Itoobiya, Tansaaniya iyo Soomaaliya Kuwaaso badankoodu ay ku joogaan halkaan qaab qaxootinimo balse dadka Soomaaliyeed oo ka firfirfoon Jaaliyadahaas kale ayaa waxa ay sameyeen Ganacsi aad u xoog badan ayagoona ku fiday meelaha ugu caansan Ganacsi ahaan Wadankaan hadii ay ayaan lahaayeen Townka weyn ee Caasimada Kenya Gobolada iyo Rugta Ganacsiga Soomaalida oo ah xaafada islii.

Dadka Soomaaliyeed waxey loolan ganacsi oo xoogan kula jiraan qaar kamid ah Ganacsatada Bulshooyinka kasoo jeedo Qaarada Aasiyo oo ay ugu horeyso dadka Hindida ah oo inta badan hogaanka u hayay dhaqaalaha iyo ganacsiga uu dalkaan ka keeno dalalka dibada ah in kastoo ay dhawaanahaan soo badanayeen Ganacsatada reer Shino oo alaabo aad ufaro badan ka keeno dalkooda dardar cusubna galiyay Guud ahaan Ganacsiga wadankaan Kenya.

Balse Ganacsatada Soomaaliyeed oo ay ka yara muuqato Aqoon la’aan Ganacsi ayaa waxa ay yihiin kuwo wax ka badal Qimaha wax lagu kala gato ayagoona sameyay qiimo dhimis halka ay hindidu wali taagan yihiin Ganacsigoodii Qimaha Sareyay,

Rajada ay ka qabaan Soomaalida Kenya joogto dib ugu noqoshada Soomaaliya.

Dadka Soomaaliyeed ee Kenya ku dhaqan badankoodu rajo wey kama qabaan iney dib ugu laabtaan wadankodi soomaaliya marka laga fiiriyo xaga arimaha soo socdo, badanaa dadka soomaaliyeed waxey bilaabeen Ganacsi, waxbarasho ayadoo ayna jiraan qaar hada usii socdaalaayo meelo kala duwan oo ay ka mid tahay qaaradaha Yurub iyo America.

Dhanka kala Xerooyinka Qaxootiga ee Dhadhaab waxaa ku nool dad faro badan oo Soomaaliyeed kuwaaso anan rajo fiican ka qabin in ay dib ugu laabtaan dalkoodi Soomaaliya, inta badan marka aad la sheekeysatid dadkaas waxa ay ku sheegayaan meesha uu maraayo Process-kooda ama sida ay u rajeynayaa iney ka tagaan Xerooyinkaas ayagoo aadaayo wadamada horay maray qaarkood, sidoo kale Dhaadhaab Caruurtii ku dhalatay ayaa ku Guursaday Caruurna ku dhalay, marka aad oga sheekeysid Wadankoodi Soomaaliya wax badan kama yaqaanaan.

Siyaasadda Soomaaliya iyo gudaha Wadanka Kenya.

Inta aad jogtid gudaha wadanka Kenya waxaad si fudud umaqleysa ama ad u arkeysa Ololo siyaasadeed ay wadaan dad kamid ah ama taageersan kuwa hor boodaayo Siyaasada Soomaaliya oo ay kamid yihiin Siyaasiyiin, Ganacsato ama Culumo Awdiin kuwaaso mar kasta damacsan in ay ka gadaan fikirkooda dadka dibada oga soo baxay wadankii Soomaaliya, waxaana sidoo kale ka jiro gudaha wadankaan Kenya Uruuro faro badan o ay leyihiin dad Soomaaliyeed, kuwaaso qaarkood ay sheegaan iney udoodaan xuquuqda dadka Soomaaliyed balse magacooda un lagu arko gobo ay dagan yihiin ama ay isku xayeysiyaan.

Sidoo kale waxaa ku yaalo gudaha xaafada islii meelo lagu fadhi ku diriro ayadoo buuqa iyo sawaxankuna uu yahay mid aad ka maqleysid meelo ka fog meesha ay fadhiyaan fadhi ku diriryaashaas.

Inta badan dadku waxey salaan kadib iska wareystaan xaaladihii ugu danbeyay ee ka jiro dalka Soomaaliya ayadoo dadkuna ay aad oga war haynaan isbadalada ka dhaco dalka Soomaaliya waxeyna aad oga xiran yihiin Gobaha laga helo wararka oo ay kamid yihiin
Website-yada.

Warbaahinta Kenya iyo Doorkeeda Soomaaliya.

Warbaahinta ku taalo gudaha wadankaan Kenya oo ay kamid yihiin Wargeysada, Idaacadaha iyo waliba TV yada waxey fikrad qaldan ka haystaan dadka Soomaaliyeed

Dagaal qarsoodi ah ayeyna kula jiraan mararka qaar waxaad ku arkeysaa Bogoga hore ee Wargeysada ugu cansan wadankaan Muqaalo lagu laray qoraalo aad is ledahay Soomaaliya ma sidaan ayey ka istaahishaa Kenya.

Bilihii lasoo dhafay ayey aheyd markii ay sidoo kale ay warbaanta wadankaan qaarkood ay waxyaabo badan oo khalad ah ay kasheegeen qaar kamid ah Culumada misaanka culus ku leh shacabka Soomaaliyed dhexdooda kuwaaso ay kamid yahiin Sheekh Maxamed Cabdi Umal iyo Sheekh Xasan Daahir Aweys, sidoo kale waxaa ayana jirtay in ay sitoos ah ay ufara galiyeen Ganacsiga ay Soomaalidu ku ledahay wadankaan ayagona ku tilmamay in ay Soomaalidu ka ganacsadaan lacag ay ka keeneen Burcad badeednimo ama ay gadaan Hubka noocyadiisa kala duwan ayadoo dhawaan Hub lagu qabtay nin Kenyaan oo dagan Deegaanka Norak ay dhibaato culus u kentay dadka Soomaaliyeed oo la qafaalay halka la rabay in la baaro degaankii laga qabtay hubkaas waxaana baaritaano lagu sameyay kaliya meelaha ay Soomaalidu dagan tahay oo ay kamid yihiin xaafada islii iyo waliba Magaalada Eldorat oo laga xiray Soomaaliyed oo faro badan.

Sidoo kale Qormo uu sameyay sanadkaan bilowgisa wargeyska Daily Nation ayu Ciwaan oga dhigay, hadii aad rabtid inaad Malyineer noqotid Hubka ka ganacso xili uu ka hadlayay Ganacsiga xorta ah ee Soomaalida asagona Sawir ahaan ku muujiyay mid kamid ah dhismayaasha ay leyihiin dadka Soomaaliyeed ee ku yaalo gudaha xaafadaan islii.

Dhanka kale qaar kamid ah dadka ku xeel dheer arimaha Siyaasada ee ku sugan gudaha xaafadaan islii ayaa waxa ay ku eedeynayaa dadka Soomaaliyeed iney qeyb ka qaateen dhibaatada ay kala kulmayaan dadka rer Kenya ayadoona taas loo aneynaayo Soomaalida oo laga dareemay is dhex gal la’aan iyo waliba Sharci la’aan.

Sidoo kale waxaa lagu eedeynayaa dadka soomaaliyeed ineyna ka qeyb qadanin waxii ah ee ka dhaco wadankaan sida Shilalka, Abaaraha, Masiibooyinka, oo aynan ka geysanin gacantii loga baahnaa sida ay oga qeyb qataan Dadka Hindida ah.
Waxaana lagu eedeyaa dadka Soomaaliyeed iney si fudud ay ubixiyaan lacago laaluush ah ayagoona sameyo Lacag dulsaarid ama Falisid ah marka ay wax gadanayaan.

Ganacsiga Soomaalida Kenya joogto.

Ganacsiga Soomaalida Kenya ku dhaqan aad ayuu u kobcay dhawaanahaan waxeyna ka ganacsadaan dadka Soomaaliyeed Alaabaha kala duwan sida Bagaashka, Shidaalka, Xawaaladaha, Sarifka lacagaha kala duwan, Hantida Banaanka laga keenay, Guryaha ayadoo dhawaanahaana hormar laga dareemaayo Ganacsiga Soomaalida, inkastoo ay aynan haysanin dadka Soomaaliyeed Xoriyada ay haystaan Ganacsatada Shisheeye ee ku ganacsado gudaha wadankaan Kenya waxaana muuqato in ay ka hooseyaan dadka kale ee la ceynka ah dadka Soomaaliyeed.

Isku soo wada duubo wadankaan Kenya ayaa waxa uu marti galiyay dad faro badan oo Soomaaliyeed kuwaaso qaarkood ay shegeen iney dareemeen xoriyad buuxda mar ay yimaadeen wadanka halka kuwa kalana ay qaati ka joogaan nolosha wadankaan ay hada ku nool yihiin ee Kenya.

Dhibaatoyinka ay dareemaan dadka Soomaaliyeed xiliga ay Kenya usoo socdaan ayaa waxa ay kasoo bilaabataa xuduuda ay Kenya la wadaagto dhulka Soomaaliya taaso ay dhib weyn kala kulmaan dadka Soomaaliyeed ee kasoo baxsanaayo xaalda aanan daganeyn ee ka jirto dhul weynaha Soomaaliya.

naj

C/salaan Maxamed Cali (najax)
Emails: najax.usa@hotmail.com
najax@journalist.com,
Tell: +254-722-844-449
Nairobi, Kenya.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Kenya: Soomaaliya Xal miyey la dooneysaa misa xal la’aan?. "

  1. waad mahadsan tahay walaalka Najax waxaana hubaal ah in kenya eeynan xal la dooneynin wadanka soomaaliya maxa yelay waxaan marqaati ka nahay dhibka ay ka wado wadanka soomaaliya iyo sida xun ee aad adiguba sheegtay ee ay ula dhaqanto dadkena soomaaliyeed.
    waxaana an illahay ka baryeeyna inuu soomaaliya xal wanaagsan uu siyo kenya waxba ogama baahnin.
    waad mahadsan tahay adiga najax iyo waliba masuuliyiinta sharagta leh ee website ka somalitalk.com