Home » Warar »

Arday ka Qalin Jabisay Schoolka Al-Aqsa Ee Nairobi

Arday ka Qalin Jabisay Schoolka Al Aqsa Ee Nairobi

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Dec 15, 2009: Xaflad aad looga soo sheqeeyay islamarkaana ay ka qalin jabiyeen Arday tiradoodu kor u dhaafayso ilaa 1500 oo Arday ayaa waxaa ay ka dhacday holka wayn ee lagu magacaabo islii mool oo ku yaalo badhtamaha magaalada Nairobi..

Munaasabadan Qalin Jabinta aya waxa iskugu yimi Aqoonyahano iyo Culima Awdiin sidoo kale wax garad kale o badan
Ugu horayntii ayaa wxaa halkaas aayadaha qur aanka kariimka ah ku furay sheekh Ibraahin Abdi Mohamed aayadaha ayaa waxaa ay soojiiteen dadkii munaasabada is kugu yimi.

Kadib waxa hadalkii lagu wareejiyaya sheekh Mohamed Xassan Cumar waxaan uu halkaasi ka soo jeediyaya muxaadaro muhiib ah sheekh ayaa waxaa uu ka warbihiyay sida waca ee loo agaasimay xafladan qaaliga ah waxaan uu ku baraarujiyay dhamaan dhalinyarada in ay halkaasi ka sii wadaan.

Waxaa isna lagu soo dhaweeyay MIC Ustaad sucidiin cumar oo ah Ustaad la wada yaqaan isna waxaa hadaladiisa in la helo wiil D.r ah iyo Gabdh D.r ah si loogabaxo xaalada adag ee maanta taagan.

Waxaa isna goobtaas ka hadlay Aqooyahan C/risaaq ismail Ciro oo ah qoraa soomaaliyeed waxaan uu ku baraarujiyay dhalinyarada in ay had iyo jeer u soo jeestaan wax barashada madaama ay haystaan waqtigood aynan iska lumin waxaan uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay dad tiradoodu dhan tahay 1500 ku waas oo dhigtaan schoolka caanka ah ee AL AQSA SCHOOL oo ah mid tayo wax barasho leh.

Sidookale waxaa isna ka hadlay xubnaha ugu sareeyo ee gudiga ganacsatada ee Islii Mohamed Mohamuud Guutaale waxaan uu sheegay nolashu in ay tahay wax barashada qof aan wax aqoon in uu yahay jaahiln waxaan waliba aad loogu baahan yahay in ay dumarka si wacan ay wax u bartaan maadaama ay yihiin iftiinka guriga waxaan sidaa u leeyahay ayuu dhahay marka hooyada Daawo ay u soo qaado ciyaal keeda waa in ay aqrinkartaa waxqita ay dhacayso iyo waqtiga ay soo baxdayba,

naj1
goobta ay ka dhacday minaasabada qalin jabinta waxaa iyana kahadlay wiilal iyo gabdhaba oo qaarkood jilayaya riwaayado ku saabsan wax barasho la aan ta iyo kan wax yaqaan

Abdiwahaab Mohamed Abdiweyne
Nairobi – Kenya
 
Guntiyo gabagabadii waxaa  barnaamijkan  is ku dumaridayay macalimiinta schoolka al Aqsa
qaasatan macali Xuseen Cadan Cali (Kaneec)

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.