Home » Warar »

Garoowe: Siminaar loo qabtay xubno ka tirsan Saxaafadda

Halkan ka daawi sawiro dheeraad ah

Garoowe:-Magaalada Garoowe ee Xarunta dowlada Puntland ayaa waxaa siminaar mudo dhan 2casho ah ugu soo gebageboobay ilaa 9 Suxufi oo ka mida kuwa kahowlgala degaanada Dowlada Puntland iyo 6ka tirsan Wasaarada Warfaafinta iyo Howlaha guud,Waxaana siminaarkan Maalgelisay Hay,adda UNHCR Waxaana Fulisay Wasaarada Warfaafinta dowlada Puntland.

Furitaankii siminaarkan ayaa waxaa Si rasmi ah daaha ugu furay Wasiir ku -Xigeenka Wasaarada Warfaafinta,dalxiiska iyo hadaha iyo dhaqanka dowlada Puntland Mudane C/shukuur Mire Aadan,Waxaana uu halkaasi dardaran dhanka warfaafinta ah ugu soo jeediyey Weriyaasha ka howlgala 8Gobol ee dowlada Puntland isagoo kula dardaarmay inay noqdaan kuwa Xaqiiqada dhabta ah ee dalka ka jidha sheega isla mar ahaantaasina si Cadaalada ugu shaqeeya bulshada Reer Puntland ee ay u shaqeyaan.

C/shukuur Mire Aadan oo siwayn looga yaqaan degaanada Puntland isla markaasina ka mida Golaha Wasiirada ee Wasaarada Warfaafinta waxa uu sheegay inay tababarada caynkan ah ee Weriyaasha dowlada Puntland ay Hay,addaha iyo Wasaarada ay siiwadi doonto iyadoo loobahanyahay in sare loo qaado tayada iyo Xirfada weriyaasha Dowlada Puntland.

Suxufiyiintan ayaa ka soo kala Hayaamay Gobolada Bari,Mudug,Hayland ,Sanaag, Garoowe,Waxaana dhamaantood ay ahayeen kuwo qibrad uleh arrimaha warbaahinta,lakiin Ujaadada Workshokani ay ahayd sidii ay meesha ugu bixilahayd Habacsanaanta iyo shaqada Saxaafada ee Xukuumada iyo Hay,addaha Warbaahinta ee ka howlgala Gobolada Puntland.

Siminaarkan ayaa Mudadii 2beri ahayd waxa ay ka doodayeen Weriyaashu Habka bini aadamnimada Xogta dhabta ah ee Dadka rayadka ah iyo sida ugu haboon ee Warka xaqiiqada ah ay Waryaashu ugu badbaadinkaraan Amaankooda iyadoo Dhanka Wasaarada Warfaafinta iyo wasaarada qorshayntuna ay si qoto dheer ugu munaqishodeen mushaakilaadka kala haysta saxaafada Puntland iyo Maamulka.

 gar

Macalinka siminaarka bixiyey Ee goobta Mr Maxamed Saalax oo ka socdey Masuuliyiinta Hay,adda Maalgelisay ayaa sheegay inay Hay,adda UNHCR ay arrintan Siminaarkan ay dalbatay ka dib markii ay u kuurgashay inay jiraan howlobadan oo dhanka bini aadamnimada ah iyo u qareemida dadka wax soo gadhaan oo loo baahanyahay sidii ay saxaafadu u gaadhsiin lahayd bulshada iyadoo aan ka baydhayn sida dhabta ah ee wax u jiraan.

maxamed ciise
geedi7@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.