Home » Warar »

Bosaso: Tababar lagu baranayay Saxaafada oo ay soo qaban qaabisay Jimciyada Tadaamun oo la soo gaba gabeeyay

Tababar lagu baranayay Saxaafada oo ay soo qaban qaabisay Jimciyada Tadaamun oo ku soo gaba gaboobay Magaaladan Boosaaso

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Ku dhowaad 30 qof oo isugu jira Arday wax ka barata Dugsiyada Sare ee Magaaladan Boosaaso iyo Dad Aqoonyahno ah ayaa maanta waxaa uu siminaar ku saabsan Barashada Saxaada uga soo Gaba gaboobay Xarunta Hay’ada Tadamun Social Society ee Magaaladan Boosaaso.

Tababarkan oo ay soo qaban qaabisay Hay’ada Tadaamun ayaa waxaa ay ujeedadiisu ahayd sidii loo Kobcin lahaa Aqoonta Qofka Saxafiga ah islamarkaana uu runta uga sheegi lahaa waxyaabaha Uu baahinayo ama uu qorayo.

Siminaarkan ayaa waxaa goob joog ahaa oo qaadanayay Wariye yaal ama Saxafiyiin ka tirsan qeybaha kala duwan ee Saxaafadda Puntland Siiba Saxaafada ka howlgasha Magaaladan Boosaaso, iyadoona ay qeyb ka ahaayeen Arday u jajaban ama Xiiseynaya in ay Bartaan Saxaadada kuwaas oo isku daya inta Badan in ay Qoraan soona saaraan wargeysyo iyo Majalado Iskooladooda ka soo baxa.

Waxaa Tababarkan looqabtay Dhinacyada Kala duwan ee kor ku xusani Bixinayay Macalin C/fitaax Nuur Ashkir oo isagu Heysta shahaado sare oo Saxaafada ku saabsan kana tirsan Hay’ada Arimaha Bulshada ee Tadaamun.

Waxaa ka mid ahaa Casharadii lasiiyay Ardaydii Qaadaneysay Tabarka.

1″Maxuu yahay saxafigu waa jibka saaran ,

2″Saxafigu waa in uu ogyahay waxa uu samaynayo in ay yihiin wax ay arkayaan bulsho aad u fara badan ayna kala duban tahay Dabeedadooda.

3″Bulshada somaliyeed 70% waa kuwo wax dhagaysta iyadoo taasi ay noqnatay mid meesha ka baxday in ay bulshada somaliyeed wax aqriyaan ,sida wargaysayada iyo maqaaladadaha IWM.

4″waa in uu saxafigu oo noqdaa mid aruuriya maclumeed aad u tiro badan iyo xaqaaiqa ka taagan caalamka.

5″Sida saxafigu uu ula dhaqmi lahaa Wacyiga ka jira Meelkasta oo uu tago ama uu ku noolyahay.

Siminaarkan oo soconayay mudo 2maalin ah ayaa Waxaa uu ku soo gaba gaboobay si wanaagsan islamarkaana ay ardaydii ka qeyb gashay ka faaiideen Macluumaadyo badan oo ay dareemayene in ay ka maqantahay sida ay noo xaqiijiyeen.

bosr

Sikastoo ay ahaataba Jimciyada Tadaamun ayaa ah hay’ad banadaaba u adeegta Bulshada Soomaaliyeed iyadoo qatabay Siminaayo iyo Waxyaabo badan oo ay kor ugu qaadeyso Garaadka Dhalinta Soomaaliyeed, iyadoona ay sheegeen Madaxda Hayadaasi in ay halkooda ka sii wadayaan Howlaha ay u heyso Umada Soomaaliyeed waxaanay xuseen in ay soo socdaan Tababaro ceynkan oo kale ah oo kor loogu qaadayo Aqoonta Dhalinta Soomaaliyeed Meelkasta oo ay joogaan sida uu Xaqiijiyay C/laahi Faarax mire, oo ah Madaxa XAfiiska Warbarashada Jimciyada Tadaamun.

C/qaadir Siciid Cali (Gaanni)
gaani18@hotmail.com
Somalitalk.com Boosaaso

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Bosaso: Tababar lagu baranayay Saxaafada oo ay soo qaban qaabisay Jimciyada Tadaamun oo la soo gaba gabeeyay "

  1. ASLI says:

    WAXAAN HALKAN UGU MAHAD CELINAYAA HAY’ADDA TADAAMUN WAXA QABADKEED KU AADAN ARIMAHA BULSHADA GAAR AHAAN WAXBARASHADA WAXAAN LEEYAHAY ALLAHA IDINLA JIRO EE HALKIINAA KA SIIWADA HANA KA CAAJISINA HORUMARINTA DALKIINA IYO DADKIINA