Home » Warar »

Deegaanka raadeerka oo ay isaga sii qulqulayaan dadkii daganaa

Madaafiic xoogan ayaa (Habeenkii Talaadada)  la sheegay in qeybo ka mid ah wadada warshadaha isku dhaafsadeen Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM iyo xoogaga ka horjeeda.

Dadka deegaankasi ayaa ku waramay in madaafiicda  ay ku dhacayeen xaafado dad rayid ah dagan yihiin.

Madaafiicdaan ayaa ka dhacayay inta u dhaxeysa Wasaaradii hore ee gaashaandhiga iyo Kuliyadii Jaala-siyaad halkaasi oo ay ku kala sugan yihiin Ciidamada AMISOM iyo Xoogaga ka horjeeda.

Inta badan dadkii deegaanka xafada raadeerka oo ka tirsan dayniile Gobolka banadir ayaa u jeheystay dhanka deegaanada ka fog wadada laamiga ah ka dib markii ay noqotay goob ay isaga horyimaadaan ciidamada dowlada FKMG & kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo xoogaga ka soo horjeedo taasina ay sababatay qasaare isugu jira dhaawac iyo dhimasho .

Dadkaan ayaa bilaabay in ay isaga hayaamaan guryahoodii ka dib markii ay la kulmeen duqeymo iyo madaafiic aan kala go.laheyn habeen iyo dharaar kuwii oo aan wax dagaal ah kujirin waxaana u sii dheer caga jugleynta iyo wadadii ay mar lahaayeen oo ka xiran .

Dagaalada ayaa waxaa ay noqdeen kuwo ku soo noqnoqdo wadada warshadaha ilaa Excontrolkii Afgooye ee Magaaldfa Muqdisho waxaana si joogto ah uga dhacayey dagaalo iyo duqeymo aan loo abe yeeleynin xafada raadeerka oo ay ku yaryihiin guryahay dhagaxa ka sameysan inta badan dadka deegaanka ayaa dagan guryo jiingado ka sameysan oo aan celin Karin xabada iyo madfaca .

Dagaaladaan kuwii ugu danbeeyey ayaa waxaa ku nafwaayey tiro badan oo ka mid ahaa dadka deenkaa waxaana sidoo kale dhawaco kala duwan soo gaareen qaar kale oo aan wax dagaala h ku jirin waxaana indhaooda sareyn goog madfac ku dilay ilaa 6 qof oo deegaanka ah iyada oo qaarkodna ay ku waayeen xubnahooda sida nin caanka ahaa deegaanka raadeerka oo lagu magacaabo aweys baqbaqaani kaas oo lugtiisa ay goni u faniintay gantaal xafada lagu riday ka dib kaas oo ku habsaday guri uu daganaa .

Ilaa saaka ayaa la arkayey dadweyne raxan raxan u socdo kuwaas oo ay la socdaan caruurtoodii iyo wixii xoolo ay lahaayeen iyaga oo kala baxsanaya naftooda gantaalaha ay ridayaan Ciidamada AMISOM ee fadhiisinka ku leh wadada warshadaha xaruna ka sameystay dhismihii kuliyada abaanduulka ee jalle siyad iyo warshadii kabka oo ay dagan yihiin ciidamada dowladafaradalka KMG somaliya

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.