Home » Warar »

Wuxuu kaalmo u heley Tikidhkii wuxuu u baahan yahay in laga caawiyo Kharashka Isbitaalka

Wuxuu kaalmo u heley Tikidhkii wuxuu u baahan yahay in laga caawiyo Kharashka Isbitaalka

Shariif Aybakar Max’ed iyo Abshir Max’ed Xuseen waa dhibanayaal cudurradooda dalka gudihiisa wax looga qaban waayay, waxayna ka codsanayaan walaalahooda Soomaaliyeed inay gacan ku siiyaan sidii ay u heli lahaayeen daweyn dibadda ah.  

Shariif Aybakar waa 30-jir ay buro kaga taallo daanka bidix taasoo dilaacday, wuxuuna sheegay in xanuun daran ay ku hayso, uuna samofayaal Somali ah ka helay lacago uu ku iibsado Tikid, uuna u baahan yahay in laga saacido dhaqtarka.

      “Xanuun aad u daran ayuu nabarku igu hayaan, xitaa wuu urayaa, taasoo keentay in dadka guriga aan la daganahay ay iyagu yiraahdeen nabarkaagu waa urayaa ee nooga guur guriga” ayuu yiri Shariif oo saxaafadda la hadlay maanta.

Dhibbanahan wuxuu sheegay in xanuunkan uu ku dhacay isagoo 17-jir uuna weli hayo, wuxuuna sheegay in sannadaha uu cudurkan hayo uu habeenka intiisa badan hurdo la’aan ahaa, isagoo sheegay in marka uu qabowgu soo dhaco ay u daran tahay.

      “Inta badan waxaan isticmaalaa dawooyin aan xanuunka ku baabi’inayo, inta ay jirkayga ku jiraan ayaana hurdaa, waxaana ka codsanayaa Somalida oo dhan inay gacan iga siiyaan sidii aan u heli lahaa daweyn dibadeed oo deg-deg ah” ayuu yiri Shariif Aybakar Max’ed.

aab1

Your browser may not support display of this image. Shariif wuxuu sheegay inuu ka yimid miyiga uuna Magaalada Muqdisho u soo doontay dawo balse wax laga qaban waayay, wuxuuna si ay calool xumo ku jirto u yiri: “Ma jirto cid aan ka sugayo kaalmo oo aan ahayn shacabka Soomaaliyeed”. 

      Dhanka kale, Abshir Max’ed Xuseen oo 16-jir ah oo isagana uu hayo xanuun dhanka kaadihaysta ah ayaa sheegay in kaadidu ay mar walba iska socoto oo aanu dareen ahaan koontarooli karin, isagoo sheegay in dhaqaatiir badan oo uu u tagay ay u sheegeen inaan dalka gudihiisa waxba looga qaban karin.

“Mar walba waxaan dareemaa qoyaanka kaadida oo dharka iga haleeya, kaadidu waxay u socotaa si dhibco-dhibco ah; waxayna dhaqaatiirtu ii sheegeen in kaadi-haystu aysan awood u lahayn inay kaydiso kaadida sida caadiga ah” ayuu yiri Abshir oo isagana saxaafadda la hadlay.

      Isbitaalka AL-QUDUS MEDICAL CENTER oo ku yaalla deegaanka KM-13 ee duleedka Muqdisho ayaa xaqiijiyay in labadan dhibbane aan dalka gudihiisa waxba looga qaban karin, ayna u baahan yihiin gargaar caafimaad oo dibadda ah.

aab2

      Dhaqaatiirta Isbitaalka oo ay saxaafaddu la kulantay ayaa sheegay in labadan qof ay u sameeyeen qoraallo ay ku cadeynayaan inaan dalka waxba looga qaban karin, ayna u baahan yihiin gargaar caafimaad oo dibadda ah.

“Ciddii doonaysa inay wax badan ka ogaato qoraallada uu Isbtiaalku ka sameeyay labadan qof waa inay nagala soo xiriiraan: Tel: 002525-0-968066 ama 00252-1-5510566 ama E-mail: alqudusmc@hotmail.com” ayuu yiri maamulka Isbitaalka Al-qudus.

      Haddaba ciddii doonaysa inay gacan kaalmo ah siiso labadan dhibbane ee kala ah waxay kala xiriiri karaan cinwaannadooda oo kala ah: Shariif Aybakar Max’ed waxaa laga heli karaa Tel: 00252-1-5097425 iyo Abshir Max’ed Xuseen oo isna laga xiriir karo Tel: 00252-1-5870584.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.