Home » Warar »

Agoonta Ayuub Marka oo Xustey Sannad Guuradii labaad ee Maana Xaajow

Agoonta Ayuub Marka oo Xustey Sannad Guuradii labaad ee Maana Xaajow

Xarunta oo Codsanaysa in dib Xoriyadoodii lagu soo celiyo Shaqaalihii Hayadda WFL

 Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Xarunta Suldaan C/raxmaan Sulddaan Cali Ciise(AYUUB) iyo goobo kale oo badan, waxaa maanta ka dhacaya 2 Munaasabadood oo kala ah, 1. Xuska Maalintii ay geeriyootay Marxuumad Maana Suldaan C/raxmaan( Maana Xaajow). 2. codsi ah in xuriyadooda Alle u soo celiyo Faama Xaajow iyo shaqaalihii WFL oo af duuban in ka badan hal sano iyo bar

Aan ku horeyno :-

Maanta oo kale 14kii Dicember 2007dii, Subaxnimadii saacadu markii ay aheyd 8:30 waxaa Magaalada Marka ee Gobolka Shabeeladda Hoose si kedis ah ugu geeriyootay, Marwo, Maano Suldaan C/raxmaan Suldaan Cali (Maana Xaajow). GEERIDII DISHAAY GEEDKAA HA BA’O.

· Waxay aheyd Haweeney Soomaaliyeed oo ku caan baxday howlaha samafalka iyo u adeegidda bulshada.

Maano oo hadda geerideeda ay kasoo wareegtay 2 sanadood ayaa maanta oo kale waxaa meelo badan oo ay ugu horeyso xaruntii Agoonta AYUUB ee ay abuurtay laga xusayaa, iyadoo la sameeyo Alle bari iyo soo bandhigid iyo ka sheekeyn wax qabadkeedii lama iloobaanka ahaa.

Haddii aan si kooban u guud marno, howlihii ay qabanjirtay Maano sanooyinkii u dambeeyay nolosheeda waxaa ka mid ah:-

Waxay aasaastay xarunta Suldaan C/raxmaan Cali Ciise (AYUUB), 1992dii oo ah xarun lagu xanaaneeyo agoonta, xilligii loo yaqaanay cagabararka.

2. Waxay deegaanka Marka iyo tuulooyinkooda ka hirgelisay 32 dugsi Hoose/dhexe ah oo ay dhiganayeen maalintii ay dhimaneysay 7500 arday, goobaha ay ka furnaayeen dugsiyadaas waxaa ka mid ah: Ceel Jaale, Ceel Cadow, Ceel Axmed, Boorow, Shalambood, Buulo Mareer, Ugunji, Janaale, Siigaale, Malable, Busleey Daa’uud, Sagaaroole, Maduulow, Biibi Ma’eer, Gaawarow iyo meelo kale.

3.Waxay aasaastay dugsi sare oo lagu barto cilmiga beeraha kaasoo ay ka hirgelisay Magaalada Marka .

Xarunta AYUUB waxay kaloo hirgelisaa howlaha ay ka mid yihiin:-

  • U gargaaridda Haweenka laga geeriyooday
  • Hirgelinta iyo Baraarujinta caafimaadka.
  • Aasaasida iskaashatooyin yar yar.
  • Fidinta waxbarashada aasaasiga.

Waxay geerideedii wax yar ka hor Maana Xaajow aasaastay, xarun cusub oo ay ugu magacdartay TIMACADDE, taas oo lagu daryeelayo caruurta nafaqadarada la liidata, waxayna ka furtay magaalada Marka duleedkeeda kore.(Fiiri Sawirka Xarunta Cusub ee TIMACADDE).

Waxaa xusid mudan ardaydii Maano ay noloshooda badbaadisay ee ay xanaaneysay, qaarkood markii ay dhameysteen dugsiyada sare waxay hadda dhigtaan jaamacado dalka gudahiisa iyo dibadiisaba ah, kuwo kalena waxay hadda ku shaqeystaan xirfado iyo mihnado ay barteen, sida, farsamada korontada, Makaanikada, Faryaamada IWM , waxaa intaas dheer wiilal iyo gabdho ay soo barbaarisay oo ay isu guurisay ka dib markii la baray sidii ay noloshooda u maareyn lahaayeen.

Aniga ma soo koobi karo wax qabadkeeda Maano Allaha u naxariistee, geerideeda kadib, waxgarad ku kulmay aqalkeeda, waxay soo jeediyeen, in aan la beylihin howlihii ay qaban jirtay iyo Mashaariicdii ay aasaastay oo ay sidoodii u sii socdaan.

Dadkii howlahaas sida gaarka ah loogu xil saaray waxaa ka mid ahaa, Faaduma Suldaan C/raxmaan oo la dhalatay Maano Xaajow, taas oo ku nooleyd Yurub lagana codsaday in ay kasoo tagto wixii howlo kale ee ay heysay una soo gacan bannaanaato howlihii samafal ee ay wadday Maano.

 ago

· Nasiib daro, Faaduma Suldaan C/raxmaan Cali (Faama Xaajow), waxaa la afduubtay 30kii June 2008dii iyadoo ay la socdaan Maxamuud Cabdi Aadan, Cali Macow, Maxamed Sheekh Cabdi iyo darawalkoodii gaariga u waday Maxamed Ciise Biil (Maadeey Biil) iyagoo maraya meel ku dhow Afgooye.

Howl-wadeenadaas Hey’adda samafalka Water For Life ( WFL), waxay afduubanyihiin laga soo bilaabo 30kii June 2008dii illaa maanta oo ah 14ka Dicember 2009. Muddadaas oo ah 19 bilood, lama hayo wax xog ah oo la xiriira afduubkooda iyo waxa ay kasbadeen.

Waxaan ka ognahay oo kaliya in ay ahaayeen dad samafalayaal oo aan cidna wax dhib ah u geysan u shaqeynayay una adeegayay umadda Soomaaliyeed ee tabaaleysan.

Sidaas daraadeed, iyagoo ka wel welsan, ururada bulshada rayidka ah iyo xarunta xanaaneynta agoonta ee Suldaan C/raxmaan Suldaan Cali (AYUUB), waxay cambaareynayaan afduubkaas sharci darada ah ee lagu heysto shaqaalihii WFL iyo Marwo, Faadumo Suldaan C/raxmaan Suldaan Cali (Faama Xaajow), waxayna ku baaqayaan in si deg deg ah loo soo daayo.

Waxaa sidaas oo kale ay ka codsanayaan dhamaan samawadayaasha in ay u howl galaan sidii afduubnayaashaas ay u heli lahaayeen xuriyadooda dibna ugu soo noqon lahaayeen ehelkooda iyo caruurtooda.

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Agoonta Ayuub Marka oo Xustey Sannad Guuradii labaad ee Maana Xaajow "

  1. waxay ahayd maamo maano cabdıraxman calı cııse maamadıı koonfurta qaas ahaan shabeelaha hoose (by lajecloow)

  2. muslimah says:

    asalaam caleykum waRaxamtullaahi Tacaala waBarakaatuh

    Inna Lillaahi wa Inna Illayhi Raajicuun.
    Dhimashaduu wa xaq…waxayse geerideeda ahayd mid sharaf leh oo ay u xoogeeda iyo wakhtigeeda ku dhameysey Caruurtaa Agoonta ah (Raximuhullaah). Sidaas ayaa diinta sax ah (ISLAM).
    Waxaanse ka xumahay gabadhaa iyo dadkii kale ee la afduubey tan iyo sanadkii 2008dii. oo aan wax war ah laga hayn ilaa maanta.
    Waxaase hubaal ah oo aan shaki kujirin in afduubkaas la afduubey dad u niyadsan in ay sii wadaan shaqadii wanaagsaneed ee ay ka tagtey marxuumadda, in ajarkooda ay ka heli doonaan xagga Alle, waayo waxay u socdeen oo ay niyeesteen in ay sii wadaan shaqadaas.
    Insha Allah aan u duceeyno in ay xoriyadooda helaan sidaa ugu dhaqsaha badan.
    Waxaa iga suaal ah Yaa afduubey gabadhaas iyo dadkii kale?
    Sidee kudhici karaa in ilaa maantaa oo ah 17 September 2009 aan warkoodi weli lahelin?
    wasalaam claeykum waRaxamtullaahi Tacaala waBarakaatuh.

  3. Togane says:

    Allaha u naxariisto Maama Maana Xaajoow.

    Waxay ahady Marwo magac iyo maamuus ku lahayd dadka dhexdiisa oo wax wayna tarto dadka dhibaateysan..

    ILAAHEEY janadiisa haka waraabiyo AAMIIN..

    Appeal: Waxaan si naxariis leh ugu codsanaynaa in cida haysato haweeneyda 19 bilood afduuban xuquuqdeeda u soo celiso, oo ILLAAH dartiis il naxariisleh ku fiiriyaan…