Home » Warar »

19 qof oo ku dhaawacmey Qaraxii ka dhacay Hotel Shamow oo loo qaadey Sucuudiga

19  qof oo ku dhaawacmey Qaraxii ka dhacay Hotel Shamow oo loo qaadey Dalka Sucuudiga

Your browser may not support display of this image. Dadkii ku Dhaawacmey Qaraxii 3 –da bishan ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotel Shamow, ee ku jiray Isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi, ayaa loo qaaday dalka Boqortooyada Sacuudiga  gaar ahaan Magaaladda Riyaad .

      Dhaawacaan oo tan iyo 5tii Bishan lagu daweynayay Isbitaal lagu magacaabo Aga Khan, ayaa diyaarad gaar ah Nooca Isbitaalada ku rakiban yihiin looga qaadday Nairobi, iyadoo loo duuliyay dhinaca Sacuudiga, halkaasoo ay boqortooyada ka heleen deeq caafimaad.

Isbitaal ku yaalla Magaalada Riyaad ee xarunta dalka Sacuudiga ayaa lagu daweyn doonaa dhaawacyadani, oo isugu jira, dhaqaatiir, suxufiyiin iyo arday.

Dhaawacyadan oo isugu jiray kuwo ay xaaladdooda caafimaad wanaagsan tahay iyo kuwa liita, ayaa si aan kala saaris lahayn u helay deeqdaasi caafimaad ee ka timid dhinaca Sacuudiga, ayna kala qeyb qaadaneyso Hay’adda Qaramada Midoobay.

      Dadka dhaawaca ah ee loo qaaday Sacuudiga si loogu soo daweeyo ayaa la sheegay inay tiradoodu gaareyso ilaa 19 ruux oo dhammaantood ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii 3dii bishan ka dhacay hotel Shamow ee magaalada Muqdisho waxaana sii raacay dad la qaraabo ah dadka Dhaawaca ah waxaa kaloo ku jira Dhaawaca la qaadey Wasiirkii Ispor-tiga Syleymaan Colaad Rooble oo weli ku jira Xaalad Miyir beel ah waxaa kaloo ku jira 7 Dhaqtar oo iyana ku dhaawacmey Qaraxaasii, waxa kaloo ku jirey Dhaawacaas Suxufiyiin, Dhaqaatiir ka qalin jebisey Jaamacadda Banaadir iyo waalidiin

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " 19 qof oo ku dhaawacmey Qaraxii ka dhacay Hotel Shamow oo loo qaadey Sucuudiga "

  1. anigoo ah arday ka dhigta dalka syria waxaan halkaan aaga tacsiyeenaa yaa dad weynaha soomaliyeed gaar ahaan ardada oo ka qalin jibisay jamacada banadir iyo wasiirada iyo macalimiintaiyo mauuliinta iyo hoo yooyinka ku beelay wiilashaa ee ku farxi lahaayeen (ولا تحسبن الذين قتلوا في سبيل الة امواتا بل احياء عند ربهم يرزقون)ص صدق اللة العظيمwaayop waxa ee ahaayeen dad rabayo iney wadankooda iyo dadkooda wax uqabanaayo markakaasina waxa uu kamid yahay jihaad ilaahey janada ha ka waraabsho scw