Home » Announcements »

Nabadoon Sheekh Maxamed Xaaji Cali oo ku geeriyoodey magaalada Jabuuti

Tacsi

Marxuum Nabadoon Sheekh Maxamed Xaaji Cali oo ku geeriyoodey 10/12/2009-ka Is-bitaalka weyn ee caasimada dalka Jabuuti,

Dhamaan Wariyayaasha Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Jabuuti oo kala ah Maxamed Macallin Cismaan (All-man), Miikaahiil Rashiid Barre, Cabdullaahi Muuse (Kalgacal), Maxamed Faarax (Talyaani), Maxamedbashiir Sheekh C/raxmaan, Maxamed Nuur Macallin, Farxaan Xareed, waxay Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan Qoyska Marxuum Nabadoon Sheekh Maxamed Xaaji Cali oo ku geeriyoodey 10/12/2009-ka Is-bitaalka weyn ee caasimada dalka Jabuuti, waxayna eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodey marxuumka meel kasta oo ay joogaan,leeyihiin samir iyo iimaan ilaahay ha idiinka siiyo, isagana Janadii fardowsa Alle haka waraabiyo.

Dhamaan wariyayaasha Soomaaliyeed ee dalka Jabuuti, waxay si gaar ah Tacsi tiiraanyo leh ugu dirayaan Wariye Cabdiqani Sheekh Maxamed oo ahaa aas aasayaashii Idaacada FM-ka Radio Jowhar, waxayna leeyihiin samir iyo iimaan alla ha idiinka siiyo adiga iyo qoyskiina.

Aamiin Aamiin

maxamed macalin
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.