Home » Gabay »

Gabey lamagac baxay , ( Waa sedxumo weyne ).

Gabey lamagac baxay , ( Waa sedxumo weyne ).

Gabeygan Waxa Tiriyey Abwaanka Deda yare ee Maxamed Nuur Maxamuud oo ku magic dheer ( kuluu ) .
Ujjeedadii iyo dulucdii lootirey waa Iyadoo mantay marxalada somaliyed meel xun marayso hadan aan ummadii somaliyed wax u damqanaayo oo wadaniyad iyo qiiro qaaday aysan jirin balse shacabkiina ay khaladkii iyo saxdi kala aqoon wayeen oo ay kala saari wayen. waayo wax maantay Somalia ka socda ma ah wax caadi ah .
Mar marka qaarkood ruuxu wax uu isa su,aala Goor ma ummaadan dhibkan ka baxaysa ??

Balse wax jabaatiisu ruuxa tahay ummadu hadii aysan garaneyn cudurka hayo iyo meesha laga soomaleegaayo dhibatadan sanado jirsatay oo aysan kala aqoon cadowgooda iyo saxiibkooda waxa marag madoonta ah inaan dhibkaan sida looga bixi karo ay tahay mid adag .

Hadaba waxa uu abwaanku yaro suraynaayo in waxkasta oo aduunka jooga ay leeyihiin sabab iyo Sedo , waxaa kale oo uu abwanku tibaxaya oo uu gabeygaan ducada ah utiriyey in ummadu ay illahay unoqoto oo ay baryaan in dhibkan illahay ka korqaado

Ummaduna ay isa samaxaan oo ay seefaha iyo sirinta cadowguudo marinaayo ay ka waantoobaan .
Horaa loyiri ruuxii Illahay waaniyo baa Waantooba .
Waxaan ruxii gabeygaan akhiray oo ku arka wax deelqaaf ah soodhoweyna dhaliishiisa waayo ruuxaan wax khaldin wax masoxo .
Hadana aan idin kala dhexboxo gabeygaan uu Abwaanku ugu magic daray ( Waa sedxumo weyne )

Ninba sedada iyo Saadka meel baa Illaah uga sameyaaye .
Soomaali oo saaxi ah oo silicna aan Seexan.
Sacabada is wadaheysatoo oo Seefahana tuurtay.
Ayaan Saadir Weyna Illaah Saakey Weydiistay.

Sebenadan Dhibkii nagu sakirin waa sedxumo weyne .
Sokeeyaha walaa isdilay oo is wada dooxay .
Somcadooda hoos wada tagtaa Uunku saamacaye .
Soomali wexey soomartay iyo Sararta Naafowdey
Waa midaan lasaafeyn Karin saxal xun weeyaane .

Sanadaha lays isku, saalteynayo ,oo haatan soconaaya.
Qaaarbaa Gabood seexad oo gurina aan heysan .
Inta Seexiga ahaydna waa kuwaa, soocodka doonaaya

Asaagood dhulay Saanacdeen safar ku aadaaya .

Ninba sadada iyo Saadka meel baa Illaah uga sameyaaye .
Soomaali oo saaxi ah oo silicna aan Seexan.
Sacabada is wadaheysatoo oo Seefahana tuurtay
Ayaan Saadir Weyna Illaah Saakey Weydiistay .

Sebenadan Dhibkii nagu sakirin waa sedxumo weyne .
Soonaha wixii nimoc ahayd oo saadir nagu deeqay .
Hadii saakey ruuxaan udhalan sahal u qaadaayo
OO aan cid su,aalaynin waa Sal iyo raad beele .

Soomali wexey sacab sadeen weygaa helaye.
Sacaan joogno khaladkiyo saxuba waa isugu sooce.

Sunjigood wixii saa ugalay oo aan kala soocin .

Sidii ruux sarqaan ah oo suriinta garan waayey .

Siriqdii Cadowgood udhigay weyagan Sarine .

Sidey uga bad baadana wey siloontahaye .

Simir iyo dulqadkaba ,Somaali weydaan sugine.
Weyagaan silic waxay mareen hoos ug dhiganayne .
Somaali waxa saa ugaley weli ka daahsoone .

Subxaanow Illahow ducaa, lagu samaadaayee
Rabow naga koryeel sidaanu nahay , Saamicbatahaye.

,,,,,,,,,,,Aamin Aamin Aamin Aamin Aamin,,,,,,,,,,,,,,,,,,,

Mahadsanidiin

Qore: Abwaan ,Mohamed Nuur (Kuluu )
Pakistan Islamabad
Email: kuluu22@hotmail.com
Tell: 00923455199507

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.