Home » Warar »

Sheikh Shariif ”waxaa la idiin tababarayaa in aad Badda Soomaaliya ka difaacdaan kooxaha Burcad Badeedka”

Sheikh Shariif Sheikh Axmed”waxaa la idiin tababarayaa in aad Badda Soomaaliya ka difaacdaan kooxaha Burcad Badeedka”

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha DFKMG Soomaaliya ayaa la hadlay ciidammada Badda Soomaaliya, isagoo ka dalbaday inay isku diyaariyaan sidii ay u difaaci lahaayeen Badda Soomaaliya ayna hortegi lahaayeen burcadbadeeda.waayadaan dhibaato ka wadey badda soomaaliya .

Madxweynaha DFKMG Soomaaliya ayaa Ciidanka badda ku Guubaabiyay inay difaacaan Badda Soomaaliya, wuxuuna canaan dusha kaga tuuray kooxaha burcadbadeeda ah oo uu sheegay inay yihiin kuwo dhibaatooyin ku haya maraakiibta ku safraya biyaha Somalia “waxay doonayaan Burcadbadeeda in ay iska horkeen beesha caalamka iyo dadka soomaaliyeed”.

Sheekh Shariif waxa uu ka hadlay sidoo kale Maraakiibta shisheeye ee Badaha Soomaaliya sida sharciga aan ahayn uga kalluumeysta, wuxuuna ku tilmaamay kuwo aan loo baahnayn, isagoo dusha ka saaray inay mas’uul ka yihiin sameysanka kooxaha burcadbadeeda Soomaalida ah.

“Waxay ka mid yihiin ciidanka badda ciidamada xoogga dalka , waxaana la idinka doonayaa inaad dhexda u xirataan inaad ka hortagtaan khataraha ka jira badda Somalia” ayuu yiri Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif.

Xafladda ayaa ka dhacday xarunta Maamulka Gobolka iyadoo ammaanka ay sugayeen ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo wata gaadiid dagaal, iyadoo aanay jirin wax qalalaase ah oo dhacay intii ay xafladdu socotay.

Madaxwaynaha DFKMG ayaa soo hadal qaaday Bannaanbixii ka dhacay deegaanka Ceelasha biyaha ee dadweynaha deegaanku uga cabanayeen markii dugsiga ibnu khuseyma calan ka taagnaa la dejiyey hase yeeshee qaar ka mid ah masuuliyiinta xisbul Islaam ayaa sheegey in aad uga xun yihiin wixii dhacay iyagoo sheegey in ay baaritaan ku sameyn doonaan

Madaxwaynaha ayaa sheegay in tallaabada dadka degan Ceelasha biyaha uga dibad bexeen dhibaatada ay ku hayaan Maleeshiyaadka Xisbul Islaam ay tahay mid wanaagsan oo muujinnaysa sida kooxahaasi ay cadow ugu yihiin wuxuu ugu yeerey danaha shacabka soomaaliyeed.

Madaxweynaha DFKMG Soomaaliya Sheekh Shariif wuxuu tacsi u diray dhammaan dadkii ku dhintay Qaraxii ka dhacay Muqdisho iyo kuwii ku dhintay Mudaaharaadkii shalay ka dhacay Ceelasha biyaha iyo weliba dadkii ku dhintay “Siyaaradii” Sheekh Xasan Macallin.

Dhanka kale madaxweynaha DFKMG ayaa maalmahaan waday booqashooyin uu ku taagayay Xeryaha ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed, taasi oo uu ku dhiirri galinayay in ay si hagar la’aan ah ugu shaqeeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

W?D Amiin Yuusuf Khasaaro
E_Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.