Home » Maqaallo »

Hurdaayoo Soo Jeede Ku Dhac | Abdullahi Farah Qaarey

Hurdaayoo Soo Jeede Ku Dhac
Aaway Dalkii Aaway Dadkii & Duunyadii

Somaliyeey:
Ma ogtihiin mase ka war haysaan in ay la soo gudboonaatay Khayraad badeedkii Dalka iyo Baddaba ( Somali Internal waters and Marine resources ) Dhibaatooyin culus, ayna dul joogaan, Maraakiib dagaal, Maraakiibta Kallumaysiga – oo wata shamaago aan waxbaba ka reebaynin – iyo Maraakiibta Sunta xam-baarsan.

Maraakiibta Dagaalka ee ee Dal-walba u soo diraayo biyaha Somalia, waxaa is waydiin leh yeey la dagaalamayaan oo uu kala dhaxeeyaa dagaal, Mase waxay Ilaalinaayaan Maraakiibtooda Kallumaysiga , muddada Somalia ku jirto Jaha wareerka, Iyo Is-goow raca iyo Ismiidaaminta.

Somaliyeey: –
War ma ka haysaan kamaba haysaane – Dhirtii iyo Geed miroodkiiba inta la jaro , Lana gubo dhuxulna laga dhigo in la dhoofiyo, geed –Miroodka qaarkoodna sida Geedaha Cambaha la jaro laga dhigto , ALBAABADA LOO ISTICMAALO GURYAHA IYO DUKAAMADA, inta ka soo harta Geedka Cambahana, Dhuxul laga dhigto, Mase Iswaydiinay halka ay ku danbaysay Ugaartii rabbi dalkeena ku ma naystay.

Mase ogtihiin in dalka lagu beeray Geed Somalidu u bixisay geed Jinni , meeshii uu ka soo baxaba agtiisa geedha rabbi ku beeray oo dabiiciga ahi ay qalalaayaan – Geedkaasna dalka oo dhan lagu daadshay.

Warse ma ka haysaan In Dhallinyaradii Somaliyeed ee ka qaxay Dalka ay daadsan yihiin Saxaraha kuna dhibaataysan yihiin, si joogtaana ugu dhintaan, kuwa kalana Badda ay ku dhimanayaan, kuwana ay ku saxariirsan yihiin xabsiyada dalka debadiisa ,cid ka war haysaana aysan jirinin.

Mase ogtihiin Qaxootiga Somaliyeed ee badbaaday muddadii 20 sano aheed , inay yihiin kuwa soo gaaray Wadamada USA, Europe iyo North America , ayna naga mudan yihiin in dadkooda la daryeelo, lana qafaalan , shacabkeenana la gaarsiiyo lana wacyi galiyo, Abaal buuxa oon la gudi karinna ay nagu leeyihiin, Boqolkiiba boqolna mudan yihiinna, in loo abaal gudo, Somalina ay u wada gurmato sidii loo sii dayn lahaa, kuwa la haysto oo aysan jirin cid ay danbi ka galeen.

Ma is-dareen- siiseen, Markhaatise ma ka tihiin – in hadda loo soo jeestay , markii laga soo jeestay , dadkii Dalka wax u soo bartay – oo laga dhigay mid la dilo , la Gooraco amaba Miina loo dhigo in ay u carareen dalka debadiisa – Dhalliyaradii , Ubixii dalka ayaga oo rafaadkaas ku jira waxna ku soo bartay , in ayagana markoodii loo soo jeestay laguna bilaabay sida aad arkayseen Xasuuqii ka dhacay Hotel Shaamow

Somaliyeey:-
Aaway Aqoonyahanadii Somaliyeed Rag iyo Dumarba ee laga sugaayay inay soo bandhigaan, kana hadlaan , kana dhiidhiyaan Xasuuqa lagu hayo iyo Cawaaqibka xun ee ka dhalan doonta – Xaalufinta Khayraad badeedka & Berrigaba iyo inay noqoto Qashin qub Badda Somalia

Kuwa Bariga isku haystoo, Bad iyo Beriba la dhac, ha isku soo jeesanine u soo jeedsada badbaadinta dalka iyo dadkaba- war dhagihiinu wax ma maqlaan , War- ma idin galaan, Shacbigii wuxuu noqday mid Cararay , Curyaamay iyo mid la Dilay, mase is dareensiiseen yaad xukumi doontaan.

Maxaad isku haysataan fadlan u soo bandhiga Shacabka , si la idiin fahmo waxa uu yahay Qorshahiinu iyo waxa aad isku fahmi la dihiin, Ogolaada wada hadal dhexmara dhexdiina si loo fahmo waxa aad ku midaysan tihiin iyo waxa aad ku kala gadisan tihiin iyo in la idin kala dhex galo si loo joojiyo dhiiga Shacbiga ee Qubanaaya

Shacbigu waa daalay, waa dhibtooday, mar aan dheeraynna waa idin ku soo jeesan doonaa, wuxuuna joojin doona, qaxa uu Qaxaayo,dhaga hana waa idin ka furaysan doonaa, qoryaha aad la ordaysaanna waxba iidima tari doonaa , Aakhirkana fashal baad ku danbayn doontaa ee Hurdaa yoow – soo jeede ku dhac ( Aaway Dalkii , Aaway Dadkii iyo Duunyadii ( Khayraad badeedkii iyo khayraadkii Bariga )

Qoraagani wuxuu la hadlayaa :-
· Qurba joogta & Somaliwaynba, iyo Bulsha waynta Caalamka wuxuuna ka codsanayaa inay iska kaa shadaan wax ka qabashada arrimaha kor ku xussan ee aan lagu fiirsan, waxa ku dhacaaya Shacabka somaliyeed iyo Khayraadkiisaba.

· Waalidiinta Qurba joogta ah ee Caruurtooda Qarinaaya marka ay ku ogaadaan inay Wadankii aadeen ama aadayaan , Waliidkood ayaga oon ka haysan ogolaansho , u na sheegaynin Hayadaha ku shaqada leh ee dalalka ay joogaan, Fal danbiyeedka uu gaysto Wiilkaasi ama gabadhaasi Ogaada Waalidku wax buu ku yeelan doonaaye. Ma Ogeen warna kama hayo meel uu jiro Kaama saari doonto Waalidoow taas bal Ogoo.

qaarey

Avv. Abdullahi Farah Qaarey

E.mail : avv_qaarey@hotmail.com

Tel 00 44 7983322454

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Hurdaayoo Soo Jeede Ku Dhac | Abdullahi Farah Qaarey "

  1. Waddani says:

    asc aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tahay maqaalkaan ay ku dheehan tahay danqashada weyn ee dadkeenna iyo dalkeenna soamliyeed.
    Walaal Abdullaahi waxaa bulshada somaliyeed hoggaanka u qabtay oo waddo qaloocsan mariyey dad aan xilkas aheyn, taasi oo ay ka dhalatay xanuunka aan maanta wada dareemeynno.
    Marka ay aabbaha iyo hooyadu xumaadaan oo dhaqankoodu xumaado, carruurtooda ma wanaag ayaa laga sugaa? Su’aashu waa maya.
    Waddankii wuxuu marti u noqday dad iibinaya oo jeebkoodu u danyahay iyo jiilal ku barbaaray fawdo aan la isugu na xariisan oo aan aqbaleyn dano badan oo ummaddu ubaahan tahay.
    hadda ka hor ayaan qiimeyn ku sameynay dadka somaliyeed iyo masaaxada dhul ee aan haysanno, waxaa noo soo baxay, in gobal kaliya nagu filan yahay deganaansho ahaan oo somali oo dhan ay kuwada noolaan karaan hal gobal, marka loo fiirsho caalamka kale ee dadkiisu badan yahay. Hal ceel oo shidaalna nolol noogu filan. Marka isu fiiri tiradeenna iyo dhulka Ilaahay nasiiyey waasicnimadiisa.
    Marka wuxuu dalku ubaahan yahay hoggaan toosan oo dhiiggooda, waqtigooda iyo maalkooda u hura dalkooda hooyo, diidana hagardaamada shisheeye iyo adduunyo raadiska dhaw.