Home » Warar »

Xarumaha Caafimaadka MSF ee Gaalkacyo, Soomaaliya oo ay buux-dhaafiyeen carruur nafaqo-xumo ay hayso

Wixii xog dheeraad ah kala soo xiriir: Lucy Kang’ethe, Nayroobi, + 254 (0) 720 839 245

Xarumaha Caafimaadka MSF ee Gaalkacyo, Soomaaliya oo ay buux-dhaafiyeen carruur nafaqo-xumo ay hayso
Disembar, 2009

WAR DEGDEG AH: Tirada carruurta laga daaweynayo nafaqo-xumada ba’an ayaa gaartey halkii ugu sarreysey ee abid soo marta barnaamijka nafaqeynta ee MSF ee Gaalkacyo, Soomaaliya.

In ka badan 1,300 oo carruur ah ayaa hadda lagu daryeelayaa mashaariicda nafaqeynta MSF ee Cusbitaalka Koonfurta Gaalkacyo iyo Xarunta Quudinta ee Waqooyiga Gaalkacyo.
Tiradan ayaa ah kalabar wadartii tirada carruurta ee degaanka looga daweeyey nafaqo-xumo sanadkii 2008da.

Faadumo waxa ay dhinac fadhidaa canuggeeda ay hayso nafaqo-xumada ba’an waxaana si aan deganneyn ay uga eegeysaa calaamado muujinaya in uu soo roonaadey. Canuggeedu waxaa uu ka mid yahay in ka badan 1,300 oo ah carruur ay hayso nafaqo-xumo ba’an oo hadda lagu daryeelayo barnaamijyada nafaqeynta ee Médecins Sans Frontières (MSF) ee Koonfurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo, Soomaaliya.

“Xaaladdu waa mid ba’an,” ayaa ay tiri Madaxa Ergada MSF ee Soomaaliya, Karin Fischer Liddle. “Tiradani waa tii ugu badneyn ee ay MSF abid ku daweyso degaankan. Intaa waxaa dheer, waxa aan ka welwel qabnaa in qof kasta uusan na soo gaari karin. Waxa aan ku arkeyno barnaamijyadeenna dhexdooda ayaa laga yaabaa in ay yihiin keliya qayb yar oo ka mid ah dhibaatooyinka ballaaran ee jira.”

Waxaa wax laga xumaado ah, in keliya qayb ka mid ah dadka u baahan daryeelka ay soo gaari karaan xarunta MSF, taas oo weli ah tan keliya ee gargaar caafimaad oo lacag la’aan ah ku bixisa boqollaal kiilomitir oo Gaalkacyo ku hareereysan. Muddo dheer, ayaa nabadgelyo-xumadu ay MSF ka hortaagan tahay in ay adeegyada dadka ugu geyso halka ay joogaan iyo in ay bukaannada geyso ayna ka soo qaaddo tuulooyinka fogfog.

“Waxa aan ogahay in ay kuwo badan ku dhimanayaan tuulooyinka. Safarku ma ahan oo keliya mid dheer ee sidoo kale waa mid qaali ah oo qaar badan oo dadka ka mid ah aaney awood dhaqaale u lahayn,” ayaa ay tiri Ubax, oo ah hooyada dhashey ilmo kale oo ay xarunta MSF uga socoto cunto-ku-daweyn baaxad sare leh iyo daawada cudurka qaaxada.

Tirada haweenka xambaarsan carruur yaryar oo nafaqo-xumo ay haysto ee ku sugan qolka sugidda ee MSF ee buux-dhaafey ayaa sii badanaysa. Qaar badan oo ka mid ah ayaa halkaan yimid markii ay wax walba oo kale ay ka soo quusteen, carruurtooda xannuunsan ayaa ay waxba u tari waayeen daawooyinka ay degaankooda ka iibsadeen iyo hababkii daawo-dhaqameedka.
“Tuulooyinka waxaa ku yaalla farmashiyeyaal yaryar oo iibiya daawooyin laakiin ma lahan waraaqo daawooyin ay dhakhaatiiri soo qortey. Haddii aad u maleyso in uu ilmuhu qabo duumo (malaariya) waxa aad iibsaneysaa kiniiniga duumada lagu daweeyo. Daaweynta noocan ah ayaa ay qaar ku caafimaadaan laakiin qaar kale ayaa ka sii dara una dhinta,” ayaa ay tiri Faadumo.

Dadka imanaya barnaamijyada nafaqeynta ee MSF ayaa ka sheekeysta sida abaartii dabadheereyd ee sanadkan ay uga sii dartey xaaladdii horeba u xumayd; saboolnimadii daba-dheereyd, dalagga soo ga’ay ee xumaa, qiimihii cuntada ee qaaliga ahaa iyo rabshadaha socda.

“Abaarta dabadheer ee degaanka ka jirta daraaddeed, dhibaatada ugu weyn ee aan hadda arkeyno waa nafaqo-xumo aad u ba’an. Xilliga kaliilaha waxa aan aragnaa bukaanno tiro badan oo ka soo safra meelo fogfog – oo qaarkood ay ka yimaadaan ilaa Itoobiya. Dadkaan ayaa waxaa horeba uga dhammaadey xoolahoodii”, ayaa uu yiri Jibriil oo ah Kormeeraha Xarunta Quudin-ku-daweynta ee MSF.

Waxaa arrin laga xumaado ah, in carruurtu yihiin kuwa ay dhibta ugu weyn soo gaartey, oo dhexda u galey meerto aad u xun oo cudur iyo nafaqo-xumo isugu jirta. “Waxaa jira carruur badan oo ku silcaya tuulooyinka oo aadna u xanuunsanaya,” ayaa ay raacisey Ubax. “Xannuunka canugeygu waxaa uu ku bilowdey jadeeco ka dibna aad ayaa ay u tabar-beeshey. Haddana waxaaba uga sii darey iyada oo dab ku gubatey. Muddo ka dib indhaha ayaa ay beeshey ka dibna waxaa ay miyir la’ayd muddo siddeed maalmood ah. Taa ayaana igu khasabtey in aan keeno cusbitaalka.”

Iyada oo ay mahaddeeda leeyihiin shaqaalaha Soomaalida ah ee MSF ee dadaalka badan, ee wada barnaamijyada caafimaadka ee ururku ku bixiyo Soomaaliya oo dhan, ayaa ilmaha Faadumo iyo Ubaxba ay si wanaagsan uga soo reynayaan. “Waxa aan hadda joognaa 15 maalmood. Gabadheydu weli waa indho la’dahay, laakiin sida kale waa ay u wanaagsan tahay. Waxa ay siiyeen milanno, fitamiinno waxaana ay u sameeyeen quudin-ku-daweyn. Hadda jirkeedu waa uu soo wanaagsanaadey, marka loo eego sidii ay ahayd markii aan halkaan keeney. Hadda waxa ay u soo ekaaneysaa carruurta kale.”

Haseyeeshee, carruur kale oo aan tiro lahayn iyo qoysaskooda ayaa ah kuwo aan sidaa u nasiib badneyn. “Dhaqdhaqaaqeenna ayaa ah mid aad u yar iyada oo ay sababtuna tahay nabad-gelyo xumada ka sii dartey sidaa daraaddeedna ma qiimeyn karno ama wax kama qaban karno baahiyaha caafimaad ee ka jira degaanka ballaaran” ayaa ay tiri Karin Fischer Liddle, “waqtigaan la joogase, arrimaha oo dhan waxa ay tilmaamayaan in ay xaaladdu tahay mid aad u ba’an, taas oo dad aan tiro lahayn, gaar ahaan carruurta, ay silcayaan iyada oo aan laga hadlin oo aaney rajana ka qabin in ay helaan gargaar”.

MSF waxa ay barnaamijyo nafaqeyn ah ka waddaa cusbitaalka Koonfurta Gaalkacyo iyo Waqooyiga Gaalkacyo. Cusbitaalka Koonfurta Gaalkacyo ayaa ah mid ka mid ah xarumaha tiradoodu yar tahay ee koonfurta-bartamaha Soomaaliya ku bixiya daryeel qalliin – daryeelka nafaha lagu badbaadiyo ee uurreyda iyo umulaha iyo daaweynta dad badan oo ku dhaawacmey rabshadaha. Min Jannaayo ilaa Oktoobar 2009ka, shaqaalaha MSF waxa ay daweeyeen 4,803 carruur ay hayso nafaqo-xumo ba’an ah, 321 dhibanayaal qaba dhaawacyo rabshad ka soo gaartey ah waxaana ay xarumahan ku bixiyeen 33,700 oo la-talin caafimaad ah. Waxaa ku dhashey 700 oo carruur ah waxaana ay tallaaleen 6,600 oo qof. Intaa waxaa dheer, 599 bukaan ayaa loo bilaabey daawada qaaxada.

MSF waxa ay 10 mashruuc ka waddaa 8 gobol oo ku yaalla Soomaaliya, taas oo ay mahaddeeda leeyihiin shaqaalaheenna Soomaalida ah ee dadaalka badan, oo ay taageeraan kooxo dibadda ka maareeya oo jooga Nayroobi.

MSF Press Office, Somali
msf-press-somalia@msf.org

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.