Home » Maqaallo »

Soomaalidda qurbaha iyo Al-shabaab | Siciid Cali Axmed

Duruufaha dhaqaale iyo siyaasaddeed ee ka jira dhulalka ay Soomaaliddu degaan waxa ay sabbab u noqdeen in dad badan oo Soomaaliyeed ay hoy ka dhigtaan qurbaha- khaastana wadamada galbeedka. Dhibaatooyinka caruurta, khilaafaadka qoysaska, dhaqaalo yirida iyo la qabsi la’aanta nolasha wadammada loo soo qaxay waxa ay ka mid yihiin dhibaatooyinka ay Soomaalidu kala kulmeen hoygoodda cusub. Dhalliinyaro Soomaaliyeed oo ku barbaaray wadamada galbeedka oo mudooyinkan danbe la sheegay in ay tageen Soomaaliya si ay ugu biiraan ururka Al-shabaab ayaa iyaduna noqtay dhibaatooyinkii ugu danbeeya ee soo waajaha Soomaalidda qurbaha. Maqaalkan waxa aan ku eegi doonaa saamaynta uu jaaliyaddaha qurbaha ku yeellan karo xidhiidh dhex mara dhalliinyarada Soomaalida ee qurbaha degan (qaarkood) iyo ururka Al-shabaab. Sidaas oo kale waxa aan ku eegi doonaa waajibka arinkan ka saraan waalidka iyo, culimadda jaaliyaddaha Soomaaliyeed ee galbeedka degan.

Saamayanta xidhiidhka Al-shabaab

Sida ay qirayaan madaxdiisa Soomaalidda ahi, ururka Al-shabaab waa urur ka tirsan ururka Al-qaacida. Al-qaacidana sida la ogyahay waa urur dagaal kula jira caalamka oo dhan, waa urur ay waddamo badani u arkaan in uu khatar ku yahay amnigoooda. Sidaa daraadeed ku biirida iyo taageerida Al-qaacida iyo ururada kale ee ay fikirka wadaagaanaba waxa ay waddamo badan ka yihiin danbi qofkii sameeya lagu ciqaabayo.

Dhalliinyarada Soomaliyeed ee la sheegay in ay ku noqdeen Somaaliya, waddamadii ay ka tageen waxa looga arkaa dad ku dhacay fal danbi oo hadii/markii ay soo noqdaan khatar ku noqon kara amniga waddamadaas. Saamaynta tagitaanka dhaliinyaradani kuma koobna oo kaliya nolosha dhaliinyaradaas ee waxa uu saameeyay waaliidkii, saaxiibbadii, masaajiddadii (ay dhaliinyradani kuxidhnaayeen) iyo dhamaan cid kasta oo ay dhaliinyaradani xidhiidh la lahaayen. Masaajiddkii ay maalmo galeen wuxuu noqday mid farta lagu fiiqo, sheekh kasta oo ay maalmo la fadhiisteen waa in la baadho in uu isagu ka danbeeyay noqoshadooda iyo inkale, qof kasta oo ay la saaxiibeen waa in la hubiyo in uu Al-shabaab xidhiidh la leeyahay iyo in kale. Si guud, tagitaankooddu waxa uu saamayn aan yaryn ku yeeshay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee degan meelihii ay dhalinyaradani ka tageen.

Masuuliyadda waalidaka

Waaqican cusubi waxa uu waalidka Soomaaliyeed ee galbeedka ku nool hordhigayaa masuuliyad cusub oo waliba culus. In waalidku uu caruurtiisa tarbiyadeeyo kana badbaadiyo dhaqannada xun xun iyo in markii ay caruurtaasi toosaan laga badbaadiyo in ay ku dhacaan dabinka Al-shabaab iyo ururada la fikirka ahi ma aha shaqo fudud. Wadamada galbeedka marka uu qofku gaadho 18 sano jir waxa loo arkaa qof wayn, waxa go’aya xidhiidhkii sharci ee u dhexeeyay qofkaas iyo waalidkii dhalay. Marka uu qofku da’daas gaadho waxa uu xaq u leeyahay in uu baasaboor qaato, lacag amaahdo, tigidh iibasado iyo in uu meeshii uu doono maro. Tani waxa ay cuslaysay masuuliyadii waalidka. Waxa sidaas oo kale masuuliyada waalidka sii cusleeyay tiknoolajiyada casriga ah ee fududaysay in qof degan galbeedku uu xidhiidh adag la yeesho qof ku nool beriga oo aanu waligii arag. Arimahaas oo jira hadana waqtigan xaadirka ah waxa muhiim ah in uu waalidku la socdo isbadalada ku dhacaya nolosha ubadkooda. Waa in uu waalidku ka war hayaa cida ay caruurtoodu la saaxibbayaan, waxa ay dhagaysanayaan iyo meelaha ay u dhoofayaannba. Si uu waalidku u guto masuuliyadda saarana waxa khasab noqonaysan marxaladdan lagu jiro in uu waalidku kordhiyo cilmiga uu u leeyahay diinta Islaamka iyo waliba aragtiyaha dhaqdhaqaayda (ururada) Islaamiyiinta.

In ubadka laga badbaadiyo daroogada, jeel iyo dhaqan xumadu waxa ay waalidka Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool ku ahayd culays. In caruurtii cuduradaas ka badbaaday laga badbaadiyo darafka kale ee ay matalyaan ururada fogaaday sida Al-shabaab iyo Al-qaacida waa culays kale oo ku soo biiray culyskii hore ee waalidka Soomaaliyeed. Waase culays ay waajib tahay in isna la waajaho.

Masuuliyada Culimada

Lama dafiri karo doorka ay culimada Soomaaliyeed ee qurbuhu ku leeyihiin ilaalinta shaksiyadda qofka Soomaaliyeed ee qurbaawiga ah. Dhisidda masaajiddo ay jaaliyadu ku cibaadaysato, barida Quraanka ee ubadka soo koraya, faafinta duruusta diiniga ah ee jaaliyadda lagu wacyi galinayo, ka jawaabida su’aalaha diinta ee ay jaaliyadu u baahantahay iyo qabashada shirar diiniya oo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee qurbaha deggani ku kulmaan waxa ay ka mid yihiin shaqooyinka ay culimada Soomaaliyeed ee qurbaha daggani u hayaan jaaliyadooda. Waxaanse shaki ku jirin iyana in xidhiidhka ka dhaxeeya dhaliinyarda iyo culimada Soomaalida ee qurbuhu aanu adkayn, marar badana aabanu jirin. Xidhiidh la’aantaasi waxa ay fududaysay in mararka qaarkood ay dhaliinyarada qaarkood xidhiidho la samaystaan ururo uu fahankooda diintu xag jiro laakiinse ku hadlaya luqad ay dhaliinyaradaasii fahmi karaan. Sidaa daraadeed waa in masaajidada Soomaalida iyo culimadooduba ay adkeeyaan xidhiidhka ay la leeyihiin dhalinyarada. Waa in la soo saaro culimo dhalinyaro ah faham fiican u leh diinta Islaamka iyo waaqic nololeedka dhaliinyarada qurbaha ku nool. Ugu danbeyntii waa in ay culimadu si cad uga digaan fitnada iyo dhibaatooyinka ka iman kara qaadashada fikirka ay xambaarsan yihiin ururada sida Al-shabaabka oo kale ah.

siciid

Siciid Cali Axmed

maqaalo.siciid.cali@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Soomaalidda qurbaha iyo Al-shabaab | Siciid Cali Axmed "

  1. A.caleykum maqaalka waa mid fiican oo runtii aad looga shaqeyay lkn digninta ayad ka badisay yacni al shabab waa urur kamida ururada islaamiga ah ee caalamka kajira kaliya cilladoda waa fudeyd madax adeyg, gaaleysinta dad muslimin ah iyo go’an qaadasho keli ah, marka waxaa fiican inad ka fekerto sidii arimahas loo xalin lahaa halki aad ku mashquli laheyd digniintoda wabillahi towfiq

  2. Xassanyare says:

    Ilahey ajar ha kaa siiyo, tusaalooyin iyo talo wax tar leh iyo iftiimis arrintu sida aay tahay ayaad soo bandhigtay.
    Waxaan ku talinayaa in koobiyaal intii laga sameeyo in lagu dhajiyo saldhigyada jaaliyadaha Soomaaliyeed aay ku leeyihiin magaalooyinka iyo siiyaba tuulooyinka si arrintan aay u wada gaarto qurbo joogta Soomaaliyeed, Intaas waxaa sii dheer in lagu turjimo afafka kale si aay ula socdan qola kastaba meesha aan ka taagannaha arrintan iyo sida adag oo aay noo saameeysay.
    Fadlan halla gaarsiiyo Web-saadyada kale si Soomaalida oo idil aay u akhristaan.