Shir Looga Hadlaayo Burcadbadeeda iyo Saameynta ay ku yeesheen Dhaqaalaha Aduunka oo ka dhacay dalka Holland.
Halkan ka Daawo Sawirada Shirka….
Waxaa maanta ka dhacay dalka Holland magaalada Den haag shir aad u balaaran kaas oo looga hadlaayo Burcadbadeeda Soomaaliya iyo saameynta ay ku yeelatay dhaqaalaha aduunka. Shirka waxaa soo qabanqaabiyey ururo ay iska leeyihiin qurbajoogta Soomaaliyeed ee dalka Netherland. kuwaas oo kala ah PUNTNED, NEDSOM iyo OTP.
Shirka waxaa ka soo qaybqalay marti sharaf aad u faro badan kuwaas oo ka kala yimid meelo kala gedisan oo caalamka ka mid, kuwaas oo ay ka mid ahaayen hayádo caalami ah, hayádaha dawliga ah ee Midowga Yurub, xildhibaano iyo ergo kale oo ka socdey beesha calamka.
Shirka waxaa xiriirinaayey Prof. Mohamed Salihi oo ka socdey Intenational Institute of Social Studies, waxa uu ugu horeyntii ku soo dhaweeyay marti sharaftii ka soo qaybgashey shirka waxaana uu si kooban u sheegay martida ku qoran in ay khudabadaha ka jeediyaan kuwaas o kala ahaa:
- Dr.Abdiweli M. Ali Ph.D Associated Profossers of Economics
- Dr. Mohamed Hassan Barre Analyst & Consultant to Puntland State of Somalia
- John Limen Rainbow Consultancy
- Christoffer Brand: Chairman of konservative Folkepart of Denmark
- Dr.Yusuf Mohamed Ismail (Bari bari)Somali Ambassador /Permenent Representative to the UN Geneve
- Gen. Abdullaahi Ahmed Jama Interior Minister of Puntlnd State of Somalia
- Mohamed Mohamoud Guled (Gacmadhere) MP Somalia & Former Interior Minister of Somalia
Xiriiryaha shirka Prof. Mohamed Salihi ayaa ugu horeyntii shirka ku soo dhaweeyay Drs. Faduma Yasin oo ah madaxa hayádda OTP oo ka mid ah ururada suurta geliyey shirkan Drs. Fadumo ayaa shegtay muhimada uu leeyahay, iyada oo sheegtay in ay aad ugu rajo weyntahay in ay ka soo baxaan talooyin wax ku ool ah oo calamku u baahan yahay, waxayna si kal iyo laab ah u soo dhaweysey marti sharaftii shirka iyada oo sheegtey in shirku furan yahay. Furitaankii shirka ayaa muddo 1 daqiiqo ah loo istaagay in la xasuusto dadkii ku dhintay qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho 3dii bisha December.
Prof. Cabdiweli
Prof.Abdiweli Maxamed Ali oo cilmiga dhaqaalaha ka dhiga jaamacada Niagara university ee dalka Marykanka ayaa ugu horeyntii ka hadley sameynta burcadbadeedu ay ku yesheen dhaqaalaha adduunka. Prof. Abdiweli ayaa sheegay in heerka madaxfurashada ee burcadbadeedu uu maraayo meel aad u sarayska marka loo bar bardhigo sida uu aha sanadihii hore, sidoo kale waxa uu ka hadley sida ay kor ugu kacdey weerarka lagu hayo maraakiibta ganacsiga ee maraya gacanka cadmeed iyo badweynta Hindiya.
Prof. Cabdiweli ayaa sheegay in isbedel weyn ay ku keeneen burcadbadeedu dhaqaalaha aduunka iyo kan gudaha ee Soomaaliya. waxa uu sheegay in aduunku sida uu ula dhaqmaayo ay tahay nin Kaneeco dubbe ku dilaaaya halkii a arinta waddo saxsan u mari lahaayeen, waxa uu sheegay in kaluumaysiga sharci darada ah ee lagu hayo badaha Soomaaliya uu uga sii daraayo arinta Burcadbadeeda.
Prof.Abdiweli M.Ali ayaa sheegay in loo baahan yahay in wax lala qabto maamulada jira, isla markaasna la dhiiri geliyo habkii loo dhaqan celinlahaa wiilasha yaryar ee burcadbadeednimda shaqada ka dhigtey si loogu sameeyo xirfado kale.
Dr.Mohamed Hassan Barre
Sidoo kale waxa shrika ka hadley Dr. Mohamed Hassan Barre oo ah khabiir muddo dheer ka soo shaqeynaayey dalka Soomaaliy isaga oo jagooyin muhim ah ka soo qabtey Dawladdii hore ee uu Madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre.
Dr.Mohamed Hassan aya gundhig uga dhigay khudbadiisa saameynta ay burcadbadeedu kuyeesheen amniga gudaha meelaha ay ka hawlgalaan. Mr. Barre ayaa ka hadley sidoo kale doorka Puntland ee ku aadan Burcadbadeeda, waxa uu sheegay in xeebta Puntland ay tahay mida ugu dheer ee Soomaaliya taas oo so jiidatay burcadbadeed aad u badan in ay ka hawlgalaan, waxa uu sheegay in Dawladda Puntland ay ku qaaday dagaal aan kala harlahayn, qaar badana ay xabsiyada ku jireen oo lagu xukumey sanado badan, Mr.Barre aya tibaaxay in beesha calamku ay ka gaabisey doorkii ay lahayd isla markaasna daawada ka raadineyso meelo kale.
Dr.Mohamed Hassan Barre ayaa sheegay in muhimaddu tahay in burcadbadeeda lagula dagaalamo dhulka dushiisa isla markaasna la tageero Dawladda Puntland.
John Limmen
John Limmen ayaa ka mid ahaa ragii halkaas ka jeediyey khudabadaha Mr Limmen ayaa sheegay in uu la socdey xalka Soomaaliya gaar’ahaan Puntland tan iyo markii ay dhacdey aafadii Tsunami sanadkii 2004. Mr.Limmen ayaa doodiisa saldhig uga dhigey in loo baahan yahay in wax laga qabto, arimaha dhaqaalaha taas oo noqonkarta xalka keliya ee wax looga qaban karo Burcadbadeednimada.
Intaas kadib shirku waxa uu galay fasax yar waxaana loo dareeray cabitaan iyo cunitaan.
Christoffer Brandt MP Denamark
Kadib markii laga soo laabtey fasaxii yaraa waxaa shirka lagu furey Xildhibaan katirsan baarlamaanka dalka Denmark isla markaana ah Hogaamiyaha xisbiga Konserfetivka Mr. Christoffer Brandt, mudanahan ayaa ka hadley doorka dalka Denmark ee ku aadan sidii wax looga qaban lahaa burcadbadeeda, waxa uu sheegay in dalkiisa todobaadkii ugu danbeeyay warbaahintiisa ay haysteen arimaha Soomaaliya, waxaana uu balanqaadey in uu kala hadlaayo meelaha ay khuseyso sidii dadka Soomaaliyeed wax loogu qaban lahaa si ay uga baxaan dhibta haysta taas oo ay sababtey colaadaha iyo fakhrigu.
Ambasador Yusuf Baribari
Waxaa sidoo kale shirka ka hadley Yusuf Maxamed ismaaciil Baribari, Safiirka u fadhiya dlka Soomaaliya Xafiiska Qaramada Midobey ee Dalka Switzerland, Safiir Yusuf Baribari ayaa ka hadley xaaladaha ugu danbeeyay ee Dawladda Soomaaliya iyo sida ay uga hortagayso burcadbadeeda, Safiirka ayaa ka hadley sababaha keenay burcadbadeeda iyo waxa ay ku bilaameen, waxa uu aad uga dheeraadey in caalamku in badan iska indha tiraayo xaqiiqada burcadbadeednimada, khubadadda Safiirka oo ahayd mid aad u xiiso badan ayuu doodiisa gundhig uga dhigey in aaney burcadbadeedu ku istageyn qaabka aduunka hadda uga hortagaayo, waxaana uu sheega sababaha burcadbadeedu in ay ka mid yihiin kaluunka Soomaaliya ay qaniga ku tahay ee la boobaayo isaga oo farta ku fiiqay maraakiibta waaweyn ee jariifaya kuna tilmaamey in ay tahay gardaro garab og oo aan waxba laga qabanay.
Gen.Cabdullaahi Axmed Jamac
Gen.Cabdullaahi Axmed Jaamac Wasiirka arimaha gudaha ee Puntland oo in badan ay sugeysey khudbadiisa ayaa goobta ka akhriyey khudbad uu wakiil uga yahay Madaxweynaha Punland, Wasiirka ayaa sheegay in ay xabsiyada ku hayaan 300 oo qof kuwaas oo lagu eedeeyay burcadbadeed. Wasiirka ayaa tibaaxay in ay isticmaaleen waddo kasta oo ay kula diriri karaan burcadbadeeda, waxa uu sheegay in ay isticmalaan culimada iyo odey dhaqameedyada si loo waaniyo oo looga saaro shaqada burcadbadeednimada taas oo culimada diintu ay wax badan ka qabteen.
Mudane Ilkajiir ayaa sheegay in burcadbadeednimadu ay la timid dhaqan aad u xun sida mukhaadaraadka iyo cudarada faafa.
Wasiirka ayaa sheegay in loo baahan yahay in la garab istaago Dawladda Puntland la dagaalanka Burcadbadeeda, waxyaabaha loo baahanyahay waxaa ka mid ah:
Ciidan gaaraya 600 oo askeri oo loo tababaro hawlgalada burcadbadeeda
Qalabaynta ciidanka Badda ee Puntland ka hawlgalaya
Samaynta xirfado iyo shaqooyin lagu dhaqan celiyo burcadbadeeda
Joojinta kaluumeysiga sharcidarada ah ee lagu hayo biyaha Soomaaliya.
Wasiirka ayaa khudabdiisa ku soo afmeeray in Puntland ay istaagtey mawqif cad oo muuqda xalka burcadbadeedana ay keentay caalamkanaka looga doonaayo in ay garab istaagaan xalkaas.
Waxaa sidoo kale shirka ka hadley Nin u dhashey dalka Holland isla markaasna ahaa Generaal ka tiranaan jirey ciidanka Badda ee Holland Ret.Gen Henny vad der Graaf Royal Duch Navy.
Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmadheere) oo ahaan jirey wasiirkii arimaha gudaha Soomaaliya ayaa ka hadlay in Gobalada dhexe ee Soomaaliya inta badan dhalinyaradu ay shaqo ka dhigteen Burcadbadeeda, marka laga yimaado Puntland ay tahay meelaha ay saamynta ugu weyn ku yeesheen isla markaana loo baahan yahay in wax laga qabto ee aan indhaha laga daawan, qaabka caalamku ay u waajahayaana uu yahay mid aan miro dhal lahayn.
Ugu danbeyntii waxaa bilaamatay wadahadal ama dood dhexmartey ka soo qaybgalayaashii shirka iyo martidii khudbadaha ka jeediyey, waxaana ka soo qaybgalayaashii ay weydiiyeen su’aalo badan, sidoo kale waxaa comments laga bixiyey waxyaabihii ay ka hadleen.
Xiriiryaha shirka Prof. Salihi ayaa hoosta ka xariiqay gunaanadkii shirka in uu jiro xiriir weyn oo ka dhexeeya fakhriga, shaqo la’aanta baahsan iyo burcadbadeednimada, hawgalada mileteriguna ay uga sii darayan arinta ee aysan xal ahayn waxaana loo baahan yahay in lala dagaalamo wixii sababay burcadbadeednimada taas oo ah fakhriga, shaqo la’aanta iyo kaluumaysiga aan sharciga ku dhisneyn ee lagu samaynaayo biyaha dalka Soomaaliya.
Ismail X. Said
Den Haag, Netherlands
la xiriir: aumusse@gmail.com
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.