- Culimada Reer Kenya oo si aad uga horyimid in la joojiyo Aadaanka Salaadda
- Xisbul Islaam oo sheegay in aysan waxba kala socon wixii ka dhacay Dugsiga Ibnu Khuseyma
Culimada Reer Kenya oo si aad uga horyimid in la joojiyo Aadaanka Salaadda
Dalladda Culumaa’udiinka dalka Kenya ee Supkem ayaa si kulul u cambaareeyay isla markaana ka hor timid ku dariddii ay Dowladdu ku dartay Aadaanka Salaadaha waxyaabaha dadku ay dhibsadaan ee qeylada ah.
Xoghayaha guud ee Dalladda Supkem Aadan Wachu ayaa shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Nairobi ku sheegay, in Aadaanka uu yahay mid aan laga maarmi karin oo dadka muslmiinta ah u tilmaamaya xilliyada salaadda. Marka la gaaro
Mudane Wachu ayaa sheegay Aadaanka Salaadda uu yahay mid leh xilli gaar ah oo go’an, ee uusan ahayn mid habeen iyo maalin iska socda.
Wuxuu intaa raaciyey in dastuurka ay ku caddahay in Diimaha Dalka ka jira ay cibaadadooda xor u yihiin. Isagoo ugu baaqay Masaajidyada iyo Culama’udiinka reer Kenya inaysan u dhega raaricin go’aankan ay soo saartay dhowaan Hay’adda deegaanka ee Nema.
Mudanihii i hore ee Deegaanka Bartamahga Mandhera Bilow Kerow ayaa isna ku tilmaamay go’aankan mid aan socon karin.
Mr Kerow ayaa ugu baaqay hay’adda ilaalinta Deegaannada ee Nema inay wax ka qabato sawaxanka kalaabyada ee habeenkii iyo dhibaatooyinka kale ee ka jira deegaannada.
Dhowaan ayaa wargelin ay soo saartay Hay’adda ilaalinta deegaanka ee Nema, waxay ku sheegtay in Aadaanka Masaajiddada uu yahay mid qeyladiisa ay dadku dhibsadeen sidaa daraadeedna lagu amrayo Masaajidada inay joojiyaan
Dhawaan ayaa qaar ka mid Dowladaha reer Yurub waxa ay joojiyeen in la dhiso Minaaradaha Masaajidada iyagoo ku tilmaamey mid ay ku sii fideyso Diinta Islaamka hase yeeshee Qaar ka mid ah Muslimiinta ayaa yiri”Markii Reer Galbeedka iyo Mareykana ay dagaal iyo dhaqaale wax uga qaadi waayeen Muslimiinta ayey hadda waxay iska dhaadhiciyeen in Masaajidada ay yihiin Isha ay ka soo burqaneyso Muslimiinta “
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail Amiinkhasaaro@hotmail.com
,……..
Xisbul Islaam oo sheegay in aysan waxba kala socon wixii ka dhacay Dugsiga Ibnu Khuseyma
Dadweynaha ku nool inta u dhexeysa Afgooye iyo Muqdisho ayaa waxay mar qura abaabuleen banaanbax rabshado watay kaas oo ay kaga soo horjeedeen kadib markii ciidamo ka tirsan Xisbul Islaam oo wata labo Gaari oo Tikniko ah ay galeen Dugsiga Ibnu Khuseyma oo ku yaala Deegaanka lagu barakacay ee Ceelasha Biyaha, iyagoo markiiba halkaas ka dejiyey Calanka Soomaaliya iyagoo ku bedelay calan madow.
Ciidamada Xisbul Islaam ayaa sidoo kale horey u soo qatay maamulihii dugsigaasi oo ay ku xireen saldhig ay ku leeyihiin Ceelasha Biyaha, waxaana markiiba bilowday Banaanbax balaaran oo is qabsaday wadada dheer dhex marta Ceelasha Biyaha, waxayna dadweynuhu gubayeen Taayiro, waxayna xireen isku socodkii Gaadiidka.
Dadweynahaasi ayaa banaanbaxooda waxay ku tageen halkii uu ku xirnaa maamuluhu, waxayna halkaasi ku soo furteen maamulihii Iskuulka, waxaana marba marka ka dambeeya sii siyaadayey banaabaxaasi, iyadoo markii dambe ciidamo ka tirsan Xisbul Islaam la soo buuxiyey wadada, waxayna dadka qaarkii ay sheegeen in rasaas ay rideen ku dhinteen hal ruux dhowr kalana ay ku dhaawacmeen.
Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Ururada diiniga ah galaan Dugsiyo halkaas ay ka dejiyaan Calanka Soomaaliya, isla markaana suraan Calanka Madow, hase yeeshee mas’uul u hadlayey Xisbul oo u qaabilsan dhinaca Warfaafinta oo lagu magacaabo Sheekh Max’ed Macallin ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Ururka Xisbul Islaam aysan wax war ah ka heynin waxa ka dhacay dugsiga Ibnu Khuseyma, waxa uuna caddeeyey in ay aqoosan yihiin Calanka Soomaaliya, waayo shacabka Soomaaliyeed ayaa doortay calankaasi, waxa uuna ugu dambeyn sheegay in ay baaritaan ku sameyn doonaan wixii halkaasi ka dhacay, waxaana haatan degan xaaladda inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye, waxaana dib u soo laabtay isku socodkii Gaadiidka iyo Dadweynaha.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail Amiinkhasaaro@hotmail.com
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.