Home » Warar »

Wasiirka Isboortiga iyo dhalinyarada Saleebaan Colaad oo Xaaladiisa Caafimaad ka soo rayneyso

Wasiirka Isboortiga iyo dhalinyarada dalka Soomaaliya mudane Saleebaan Colaad Rooble Allah mahadiis waa uu nool yahay, inkastoo uu weli dhaawac yahay

Waxaan rabaa inaan umadda Soomaaliyeed meel kasto oo ay joogta u xaqiijiyo inuu weli uu nool yahay Wasiirka Isboortiga iyo dhalinyarada dalka Soomaaliya mudane Saleebaan Colaad Rooble islamarkaana uu ka soo raynayo maalinba maalinta ka dambaysa xaaladiisa waana Allah Mahadiis.

Waxaan xirir kale sameeyay arinkaan walaalkiis Claahi Colaad Roobel iyo Cabdirisaaq Cabdi oo jooga halka lagu daawayno wasiirka ayaa i xaqiijiayay in xaaladiisa ay wanaagsan tahay islamarkaana ay gacanta ku hayaan taqaatiir lagana yaabo in dalka Talyaaniga loo qaado maalmaha soo socda hadii Allah idmo.

Waxaa soo booqday safiirada dalalka Talyaaniga iyo Mareykanka u fadhiya dalka Kenya maalinimadii shalayto iyagoo sheegay inay gacan ka siin doonaan sidii dadkaas ku soo dhaawacmay qaraxa sidii ay u heli lahaayeen gargaar iyo daawo, waxaa xusid mudan in Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya howlwadeenada ka shaqaynaya inay si weyn iskugu mashquuliyeen inay garab istagaan dadkii ku soo dhaawacmay magaalada Muqdisho.

Madaxwaynaha dalka Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa shalayto isna soo wacay Isbitaalka islamarkaana xaalada Wasiirka, taqaatiirta iyo ardaydaba kaga dhagaystey masuliyiinta isbitaalka iyo kuwa safaarada xaaladooda islamarkaana la hadlay dadka dhaawaca la jooga eheladooda una sheegay inay garab taagan yihiin dowlad ahaan iyo shacab ahaan dadka dhibaatada ay soo gaarsiiyeen wuxuushta dadka isaga laaya micno darada.

Saleebaan Colaad Rooble, mudanahaan ayaa ka mid ahaa wasiirada ugu dhaqdhaqaaqa wanaagsanaa dowlada Soomaaliya islamarkaana shaqo badan ka qabtey howlaha Isboortiga iyo dhalinyarada tan iyo markii uu xilka Qaran loogu soo dhiibay dalka Jabuuti mudo hada laga joogo 8 bilood.

Wasiirka ayaa dib boorka uga jafay naadiyadii kooxihii hore ee dalka Soomaaliya islamarkaana doonayay inuu Isboortiga dalka Soomaaliya ku soo celiyo gacanta dowlada kana soo celiyo NGO-yada gacanta ku dhigay markii dalka Soomaaliya ay ka dhaceen dagaalada Sokeeye.

w4

Wasiirka ayaa qorshaynayay inuu bartamaha bisha soo socoto ku qabto shirwayne Isboorti oo looga hadlayo soo celinta nidaamka isboortiga dalka Soomaaliya iyo isku xirka dadkadibada iyo gudaha jooga ee ka shaqayn jirey wasaarada isboortiga iyo ciyaartooydii hore ee dalka meel kasto ay joogaan, qorshahaas oo noqon lahaa mid dib boorka looga jafaayo soo celinta Isboortiga iyo maamulka guud.

Mudane Colaad Rooble oo aan saaxiibo ahayn mudo dheer ayaa waxaa u ahaa nin daacad ah oo wadani ah islamarkaana edeb badan, jecelna dadka iyo dalka, isagoo gudanaya masuuliyadiisa Qaran ayay qarax la beegsaday isaga iyo masulliyiin kale oo ka qayb galayay xaflad farxadeed.

Waxaan Allah uga baryaynaa caafimaad degdeg ah isaga iyo dadka kale ee dhaawacyada soo gaarey inuu siiyo, Amiin Amiin, anagana waxaa nagala rabaa inaan u soo ducayno mar walbo insha Allah.
W/D:YUSUF YUSUF
mrsomalia@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.