Home » Warar »

Garoowe:- Isbitaalka weyn ee magaalada Garoowe oo la soo gaarsiiyey qalab caafimaad.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Waxaa maanta si rasmi ah loo soo gaarsiiyey isbitaalka weyn ee caasumada Puntland Garoowe agab caafimaad oo isugu jira kuwo qaliin iyo kuwo kale iyadoona wareejin qalabkaasi ay ka soo qeybgaleen masuuliyiin kala duwan.

Qalabkani caafimaad oo ay soo gaarsiiyey isbitaalka dhexe ee Garoowe Dowladda dalka Jarmal ayaa waxa ay u soo marisay ururka bishacas iyadoona wareejinta qalabkaasi ay ka soo qeybgaleen labada gole ee dowladda iyo maamulka gobolka iyo kan degmada guddiga isbitaalka oo iyaga qalabka la wareegay iyo dhakhaatiir ka kala socday hay’adaha caafimaadka.

Ugu horeyn waxaa xaflada wareejinta agabkaasi caafimaadka ka Hadley wasiir kuxigeenka wasaaradda caafimaadka Dr Maxamed Xirsi Ducaale oo isaga mahad celin balaaran u jeediyey dowladda jarmalka iyo cidii ka qeyb qaadatay keenista qalabkani isbitaalka gudaha magaalada garoowe isagoona tibaaxay wasiir in qalabkan uu yahay qalab qaali ah loona baahan yahay in loogu faaideeyo mudda soomaaliyeed.

w17

Sidoo kale xaflada xil wareejintaasi ayaa waxaa ka Hadley Gudoomiyaha Gobolka Nugaal mudane Cabdi Xirsi Cali oo isana si weyn uga hadlay marxalada isbitaalka uu ku sugan yahay iyo in ay fursad qaali ah u tahay umadda soomaaliyeed in ay ka faaideystaan qalabkan caafimaad gudoomiyaha ayaa waxaa kaloo uu codsi u jeediyey dawladda jarmalka oo iyada qalabkan soo gaarsiisay isbitaalka magaalada garoowe in aysan sidan kaga harin qalabkan oo ilaa xad ay la socoto ayna noo keento hadii ay noo awoodo shaqaale khibrad u leh qalabkan caafimaad.

Waxaa kaloo isna halkaasi ka Hadley Gudoomiyaha Golaha Deegaanka ahna duqa degmada Garoowe C\casiis Nuur Cilmi Koor oo isaga ka mid ahaa guddiga isbitaalka laguna wareejinayey agabkan maanta la soo gaarsiiyey isbitaalka weyn ee magaalada garoowe isagoona uga mahad celiyey dawladda jarmalka sida wanaagsan oo ay ula shaqeynayso dowladda puntland isagoona duqa xusay in laanqeyrta cas ee jarmalka ilaa sanadkii 2005 si aad ah uga shaqeynsay gudaha dalka soomaaliya gaar ahaan deegaanada puntland kuna amaanay waxqabadkeeda laanqeyrta cas ee jarmalka.

Waxaa isna hadalo kooban halkaasi ka soo jeediyey sarkaal ka socday laanqeyrtacas ee dalka jarmalka Dr Robert Petzhold oo isagana sheegay in agabkani qiimo weyn ku fadhiyo loona baahan yahay in wax loogu qabto dadka soomaaliyeed isagoona warbixin kooban ka bixiyey laanqeyrtacas ee jarmalka iyo sida ay ula shaqeyso puntland Dr Robert petzold waxaa kaloo uu xusay in ay meelo faro badan gaarsiiyeen agab caynkan oo kale ah.

Ugu danbeyntii waxaa xafladaasi wareejinta agabka oo wakhtigii loogu talogalay qaadatay ka Hadley Madaxa Bishacas ee soomaaliyeed Dr Axmed Maxamuud Foodcade oo isana codsi u soo jeediyey maamulka isbitaalka iyo in ay ilaaliyaan agabkan maanta la soo gaarsiiyey isagoona xusay in qalabkani yahay mid qiimo weyn ku fadhiya aan la heli Karin.

Xuseen Cabdulaahi Xasan
E-Mail Xuseen339@hotmail.com
Garowe Puntland Somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.