Home » Warar »

Ehelada wiil xabad wiifo ah ay bareelis ka dhigtay oo shacabka somaliyeed ugu baaqay in ay ka caawiyaan

Ehelada wiil xabad wiifo ah ay bareelis ka dhigtay oo shacabka somaliyeed ugu baaqay in ay ka caawiyaan sidii dhaqtar dibada ah loogu qaadi lahaa .

Wiil dhawaan xabad wiifto ah ay bareelis ka dhigtay oo walidkiis codsaday beesha caalamka ,ururada samafalka ,ganacsatada ,shirkadaha iyo dhamaan muslimiinta in ay gacan ka siiyaan sidii wiilkooda uu u heli lahaa gar gaar caafimad oo deg deg ah .

Ispitalka banadir bukaanada jiifa oo aan soo booqday ayaan waxaan kula kulmay aabe wiilkiisa oo dhaawac ah la joogo wuxuuna ii sheegay xaalada caafimad ee uu ku sugan yahay wiilkiisu .

Cabdi Macalin Maxamed ( cadaawe ) ayaa ah aabaha liibaan Cabdi oo ah bukaan jiifa ispitalka banadir waana 28 jir xaas iyo caruur lahaa isaga oo ka shaqeyn jirey ceel biyood kuyaal agagarka ispitalkii digfeer ee magaalada Muqdisho ayaa maalin maalmaha ka mid ah isaga oo matoorkii kicinaayo ayaa ayaa xabad wiifto ah dhabarka kaga dhacaday taas oo aan la garaneyn cida soo riday iyo cida lagu ridayey wax dagal ahna gobta kama socon xabaas ayaa hada waxay naafo ka dhigtay liibaan Cabdi Macalin Maxamed

Bukaanada aan dalka gudihisa waxba looga qaban Karin oo ku soo badanaya magaalooyinka ay dagaaladu ka socdaan .
Liibaan Cabdi Maxamed ( cadaawe)waa bukaan Somaliyeed oo dhawaan ay dhaawacday xabad wifto ah Liibaan hada wuxuu jiifaa isbitalka banadir waxaana dhaqaatiriku u sheegeen in aan xaaladiisa caafimaad dalka gudihiisa waxba looga qaban Karin.

wiilkaan ayaa ka so jeedo qeys danyar ah oo aan awoodin in wiilkooda ay dalka dibadiisa ku soo daweystaan wuxuuna codsaday aabaha dhalay wiilkaan oo saxaafada beesha caalamka ,ururada samafalka ,ganacsatada ,shirkadaha iyo dhamaan muslimiinta in ay gacan ka siiyaan sidii wiilkooda uu u heli lahaa gar gaar caafimad oo deg deg ah .
dhaqtaradu waxay nagu dhaheen dalka gudihisa waxba loogama qaban karo anaguna ma awodno in aan u helno cafiaad dalka bibadiisa ah hadii aan helin walaalo noo soo gurmado ayuu ku cel celiyey aabaha dhalay wiilka oo wajigiisa murugo laga dheehan karey .

w14

liibaan haatan waa laga guraa saxarada iyo kaadida mana kala oga marka ay wax ka imanayaan ,xabadii ayaa ka waxyeeleysay xaga nerfaha qaarka danbe ayuu bareelis ka yahay wixii xudunta ka hooseeyo ayuu yiri libaan aabihii oo intaa ku sadaray in habeen kasta ay isu bedesho ilaa 5 ruux isaga oo aan hurdi Karin waxaana haaya xanun badan markastana wuxuu ku jira haar aan kala go.laheyn .

w15

Qaar ka mdi ah dhaqaatiirta fara ku tiriska ah ee ku howlan howlaha cafimaadka sida ay sheegayaan
cidii daneynyesa ama dooneysa in ay gacan ka geysato waxay kala xiriri kartaa
aabaha dhalay wiilka mobile nambar 002521/5527541 ama liibaan oo sita 002521/5145566 ama hooyada wiilka dhashay oo heysat 002521/5560527

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.