Home » Warar »

Xildhibaan Shiikh Saahid: Labadeyda Maalmood mideen Dhimashada ka fakanayaa

Labadeyda Maalmood mideen Dhimashada ka fakanayaa !!!!

Sharaxa Cinwaanka:

Oraahdaan waxaa iska leh Khaliifkii Rasuulka islamarkaasna ahaa inaadeerkiis oo
haddana qabay gabadhiisii Faduma Binti Rasuul, sidaan ognhayba Cali Bin Abii
Daalib RC

wuxuu ahaa dadkii ugu cilmiga iyo Qadahaba badnaa saxaabada, sidoo kale waxayse
dadka badankiisu ogeyn in asaga iyo wiilkiisii Xasan Bin Cali Bin Abii Dalib ay
ahaayen kuwo xikmadu afkooda ka burqato, balse hadalkooda intiisa badani ay
xikmad lama ilawaan ah tahay.

Oraahdaan ayaana nooga filan xikmaddii Khaliifatu Rasuululaahi NNKH oo ah laba
beyt uu ku hal qabsan jirin Maalmihii ugu danbeysay Noloshiisa markii ay badatay
fidnadii waagaas Muslimiita ka dhex dhacday, asgoo sugi la’ kii dhurdarsaday ee
dilkiisu uu Nabigu sii sheegay NNKH, Markas ayuu dhihi jiray :

( Labadeyda Maalmood mideen dhimashada ka fakanayaa

ma mid aan la ii Qadarin mise mid la ii Qadaray !!!

Midda aan la ii qadarin ka baqan maayo

Ta la ii qadarayna taxadar ku fakan maayo!!! ) .

Hadalkaas waxaad ka arki kareysaa xikmadda uu ku dhisan yahay oo ah in aan
Ruuxna ka fakan kareynin Dhimashada oo uu Rabi Qadaray marka ay dhaceyso aan
taxadarna looga fakan kareynin, balse ay ku xiran tahay Ajal aan la baajin
kareynin uu Allaah Qoondeeyey taas oon taxadar ku fakineynin, sida uu sheegay
Xakiim Cali Bin abii Daalib.

Maalintii khamiista ay Bisha DEC ay aheyd 3 da wixii ka dhacay Hotel Shaamuu
lama celin karin oo waxay aheyd Qadar Allaah horay Qoray oon dadaal Baajin karin
se haddana waxay aheyd Qadiyad murugo leh oo qalbiyadda Ummadda Soomaaliyeed
Gilgishay.

( Waxaan Leenahay Inaalilaahi wa inaa ileyhi Raajucuun, Allaahuma laa
taxrimnaa ajrahum wa laa taftinaa bacdahun waqfirlanaa wa lahum).

Allah ayaan na leh asaga ayaanan u noqoneynaa , ilaahoow ajarkooda hanaga

xaaraantimeyn, gadaashoodna hana fidneynin ayagana danbigooda u dhaaf anangana
keena noo dhaaf.

Maka ugu horeysa waxaan halkaan uga tacsiyeynayaa Bahda Waxbarshada oo labo Nin
oo waaweyn ay ka geeriyootay Waa :

1) Pro. Ibraahim xasan Cadoow oon ku aqaanay wadanka Mareykanka siiba Magaaladda
Virginia, wuxuu ahaa nin wax weyn ka geystay waxbarashada ummada Soomaaliyeed
kadib markii uu PHD education ah ka qaatay jaamicadda American University ee
washington DC . kadib markii uu wadanka ku noqday sagaashameeyadii uuna ka mid
ahaa asaasayaashii Jaamicadda Banadir.

haatanna ugu danbeyntii uu ku howshanaa jaamicad kale ee AL-furqaan (1).

Waxaa pro. loo doortay feb,09 wasiirka hiddaha iyo Tacliinta sare oo uu ka
shaqeynaayey

ilaa uu u shahiiday khamiistii Allah yarxamuh , wuxuuna mudadaas muujiyey dadaal
aad u dheer oo uu u qabtay Ardeyda Soomaaliyeed oo uu mixnooyinkii yimid uu si
caddaalad ah ugu qeybiyey taas oon horay loo arkin iyo asagoo la xariiray
dawladihii scholarshipka Soomaaliya Siin jiray intoodii badneyd si ay
wasaaraddiisa ugu soo wareejiyaan.

2) Macaalii wasiir Ahmed Abdulaahi waayeel oon is naqaanay ilaa jaamicaddii
lafoole 1981, kadibna aan ka wada shaqeynay Manaahijta, Madbacadda qaranka khaas
ahaan Najmatu Oktoobar oo ahaa wargeyskii xiddigta oktoobar oo sidoo kale Af
carabi ku so bixi jiray, wuxuu kaloo wariye ka haa qeybta Afka Carabiga ee
wasaaradda warfaafinta.

Kadibna Burburkii Dawladdii wuxuu ahaa aabayaashii Waxbarashada ee dadaalka
dheeraadka muujiyey ee Aasaasay Dugsiga Caana noqday ee AL-Shaafici kaas oo soo
saaray Ardey fara badan !!! Allaah ha kuu naxariisto Axmed Abdulaahi nin Qayim
ah ayuu ahaa oo leh aKhlaaq aan la kobi karin.

( Labadeyda Maalmood mideen dhimashada ka fakanayaa

ma mid aan la ii Qadarin mise mid la ii Qadaray !!!

Midda aan la ii qadarin ka baqan maayo

Ta la ii qadarayna taxadar ku fakan maayo!!! ) .

Waxaan kaloo halkaa ugu tacsiyeynayaa bahda Caafimaadka siiba :

1) Macaalii wasiir Drs: Qamar aadan oo runtii intey saaxadda imid Howlo waaweyn
ka qabatay arrimaha caafimaadka, aad iyo aadna u dardargalisy,Allaah ha u
naxariisto Marwo Wasiirad Drs: Qamar Aadan.

2) Dr. Shahiid oo ka mid ahaa Aasaasayaashii Jaamicadda Banaadir oo lotkii
labaad ee Dhakhaatiir Caafimaad u soo saaray ummadda DR. magaciisii ayaa Allah u
qaaday waa Shahiid dhab ah Allaah asaga iyo macallimiintii kale ee Bushkuleeti
iyo bashiir alaah ha u booga dhayo.

Sidoo kale waxaan Tacsi taas la mid ah u dirayaa Dhakhaatiirtii Cusbeyd ee qalin
jabin rabtay iyo waalidiintoodii halkaas ku geeriyooday dhamaantood Allaahna ha
u wada naxariisto.

Waxaan tacsideyda ku soo gabagabeynayaa wariyayaashii Soomaaliyeed ee meeshaas
naftooda ku waayy sida wariyihii AL-Carabiyah iyo kuwii Gudaha ee halkaas ku
dhaawacmay dhamaantood Allaah ha u booga dhayo.

Sidoo kale Macaalii wasiir Suleymaan Colaad Rooble iyo dhamaan Dhaawacyadii
lageeyey Naroobi Allaah ha caafimaadiyo boogahoodana ha dhayo Amiin Aamiin.

( Labadeyda Maalmood mideen dhimashada ka fakanayaa

ma mid aan la ii Qadarin mise mid la ii Qadaray !!!

Midda aan la ii qadarin ka baqan maayo

Ta la ii qadarayna taxadar ku fakan maayo!!! ) .

fii Amaani laah.

SHIIKH SAAHID MOHAMED YUSUF

EASTLEIGH,NAIROBI KIINYA

sahid_yusuf@yahoo.com

(1) JAAMICADDA AL-FURQAAN IN LA DHAMEYSTIRAY MA OGI.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Xildhibaan Shiikh Saahid: Labadeyda Maalmood mideen Dhimashada ka fakanayaa "

  1. towfiq ahmed nur says:

    ina lilaahi wainaa ilaahi rajucuun alaha samar iyo imaan nagasiiyo dhamaan waxii ku geeriyooday hotel shamow waxii ka danbeeyay ilahay ha soo hanuuniyo wabilaahi towfiq

  2. c.casiis says:

    ilahay naxariistii jano haka waraabsho danbigodina hadhaafo iyaga iyo waxi islam ah ee dhintayba