Home » Maqaallo »

Dafiraada Alshabab Dulmigay Dhigeen Dibindaabyada Caalamka Dedaal xumada Dowlada KMG ah

Waxaan halkan salaam uga gudbinayaa Dhaman ummadda somaliyed. Ugu horayn mahad allaah ayay u sugnaatay {swt} nnkh nabigena muxamad {scw}. Marka xiga waxan leyahay allaha unaxariisto umadi lagu halaagay hotel shamow samir iyo iiman allaha kasiiyo eheladooda iyo ummadda somaliyed dhaman. Aqristayasha sharafta lahow qormadan yar waxan uga hadlayaa qarixi hotel shamow iyo waliba dowrka dowlada {kmg} iyo koxaha wadanka kajiro iyo waliba tan caalamka. Hadan u kala qaado mid mid.

Kooxda ALSHABAB: sida lawada ogsonyahay waa koox ama urur lagu yaqaan falkasta oo guracan lagaso bilaabo 2004_2009 waxa dhacay shirqoolo wawayn taasoo ay inta badan shegten ururka lamagac baxay alshabab. Waxay gumaden: culimo_udiin, saraakil, aqonyahano, dhaqaatir, suxufiyin, xubno firfirconaa oo katirsanaa dowlada kmg iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Waxana leenahay awalba way shegan jirene miyay laxumatay tii shamow

Waxaa hada ka hor wax xaday nin tuuga ka dib ayaa lagu ogaaday markaasaa la dhahay dhaaro wuu dhaartay markaasaa nin ogaa waxa uu waydiiyay maxaad u dhaartay waxuu dhahay tuugo qaado oo ha dhaaran ma qiro ayaad i leedahay masiibada meesha ka dhacday iyo sida ay gebi ahaan dalka iyo dadka u saamaysay ayaa ku keliftay inay inkiraan oo dhahaan maanaan samayn waase wax cad inuusan is qarxin Karin qof soomaaliyeed oo aan alshabaab ka amarqaadan.

waxaad kale oo ogaataan waxa jirta maalin allaah hortiisa qof walba wuxu sameeyay lagu waydiin doono inkiraadna majirto maalinkaas. Koxdaas {alshabab} waa dad kushaqaynaya fikir shisheye oo waliba madaxdoodu ay qandaras ku soo qaaten gumaadka ummada abriyada ah walina lama arag nin madax ah oo katirsan alshabab oo isqarxiyay.
Maxayelay ilaa malinka aan maqalnay magaca alshabab madaxdi axiligas wali way jogan ilaa qar mooyane taasi waxayn dhalisay inay ku adeegtan ilmo yar yar oo aan qaan gaarin ilaa heer ay dhahan abahaa waa murtad ee soo dil. Xizbul islaam: urukan waa urur hada magicisa kaliya jiro sida umuu qatana wuu kala dhantalmay waana kaqayb dhibatada baxada leh ee kajirta gayigeena.
Xizbul islaam dadkii qaxay oo niyadu udhisan tahay rajana kaqabo inay ku soo noqdan guryohoodi ayay iclaamiyen dagalka aan ujed lahay taasana keentay meeshay yaalaan mantay madaxdii xizbul islaam {labadii xaqdarro kuheshiiya xaqa ayaa qabti} waxan leeyahay. Xizbul islaamow dadka dhinac karaaca oo downlada wax laqaybsada {cimri tagay ceeb laguma sagootiyee}.

DOWLADA KMG. downlada kmg waxay kaliidataa laamaha amniga iyo sirdonka. Inkastoo wixi qoran aan ladhafi karin hadana dadaal ayaa samee ayaa layiri. Inkastoo madaxda dowladu ay ubaahan yihiin in fursad lasiiyo ay wax kuqabtan hadana way hadal macanyihin mase waxqabad badna laakiin wax noo dhama mahayno ayada un allaha inoo wanajiyo. CAALAMKA. dowladaha daneeya arimaha somaliya xilwayn iskama saaraan dhibatada kajirta somaliya.

Maxaayelay maalinkasta waxan maqalnaa intaasoo milyon ayaa loogu deqay dowlada kmg ama gar gar ummada ah mana aragno wax qabad dhab ah marka waa: {qawda maqashii waxna ha uqaban}.
SHACABKA. Shacabku wuxu noqday. {Meshii labo dibi ku dagaalantaa cawska ayaa kudhamada} waxan lenahay. Shacabyahow baraaruga. Waxaan filayaa shacabku ay naceen kooxahaan falalka guracan kadhex wado. Waxaa la ogyahay xilligii maxkamadihii kaalinta ay kaqaten shacabku culayskii h/kooxeedyada.

Murti somaliyed ayaa ahayd: {hadaa dhimanaysid dharerka waa layska duwaa} waxan ulajedaa maanta 100%100 waa laga soo horjeda dhibatada kooxahan ay dadka kuhayan iyo fikirkodaba {alshabab & xizbul islaam} waa inaan dibad baxyo dhigno karti mujinaa illeen nama daynayaane Arxan laawayashan. Qofkastow dhacdadi ugu dambaysay ku tusaalo qado ee khamisti. Waxaan leenahay idaacadaha tv_yada iwm. Aan si toos ah uga hadalno dhibatada wadanka kajirta qaasatan dabar gaynta ay nagu hayaan kooxahaan qaswada yaasha ah ee aan qadaraaskodu dhamadka lahayn. {wixii aad qarsati wayku qarsadaane} waa inaa melkasta oo aan jogno hadaa nahay soomaali kahadalnaa idaacaduhuna ay xaqiiqda dhabta ah shegan. Allow dulmigiyo xanuunka balayada naga dulqadoo allaw allaw dalka noo hagaaji aamin aamin aamin .

Waxaa qoray
C/karin m. Daahir {kaarim}
kaarim22@hotmail.com

Waxaa soo tebiyey
cabdisalaad420@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Dafiraada Alshabab Dulmigay Dhigeen Dibindaabyada Caalamka Dedaal xumada Dowlada KMG ah "

  1. wadanka says:

    alshabaab waa urur islaami ah oo wadani ah oo dalkooda ka difaacay cadowga soojireenka ah ee somalia hadaba maxay eersadeen wanaaga ay umadooda u qabteen? waxa dadka dilla ee aqoonyahanadooda laaya waa cadowga soo jireenka ah ee somalida ay leedahay ninka qoraalkan qoray waxaa ka muuqata caadifad caadifada wax laguma dhiso mana mudna in wuxuu soo dhoodhoobay laga hadlo alshabaab guul ayaan leeyahay waa mujaahidiin wadanka kheyr iyo barwaaqo ka dhigay qaraxa lagu eedeynayo cida ka danbeysa waa lawada garanayaa hala iska celiyo