Home » Warar »

We will not forget December 3, 2009 (Midowgga Ardeydda Soomaaliyeed ee Waqooyigga America)

North America Somali Students Union

We will not forget December 3, 2009

TACSI

Anigoo ku hadlayo magaca Ururka Midowgga Ardeydda Soomaaliyeed ee Waqooyigga America waxaan TACSI kal iyo laab ah u dirayaa dhamaan Ardeyddii, Macalimiintii, Aqoonyahaniintii, Waalidiintii iyo Masuuliyiintii ku geeriyootay Qaraxii naxariista darnaa ee loo geestay Khamiistii la soo dhaafay bishu aheyd December 3, 2009. Waxaan oroneynaa intii ku dhaawacantay “Ilaahey caafimaad deg dega ha idiin siiyo Allahuma Aamiin yaaRabi”

BAAQ DEG DEG AH

Sidoo kale waxaan ka codsanayaa dhamaan Ardeydda Soomaaliyeed ee ku nool dibadaha in ay sameeyaan dhowr shay oo muhiim u ah Taageerada dhamaan Ardeydda Soomaaliyeed ee magaaladda Muqdisho iyo dhamaan dadkii wax ay ka soo gaareen dhibkii dhacay Khamiistii Dec 3, 2009.

Meel walbo oo ay joogaan Ardeydda Soomaaliyeed in ay sameeyaan kulamo deg deg ah oo looga hadlayo dhibkii dhacay.

In la sameeyo banaanbaxyo lagu muujinayo in uu isku xiran yahay dareenka Ardeyadda Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan.

In loo aruuriyo dhaqaale (intii awooda) dadkii ay wax ka soo gaareen dhibkaas.
Waxaan ka rajeyenayaa dhamaan Jaaliyaddaha Soomaaliyeed iyo Ardeydda meelwalbo oo ay joogaan in lagu dhaqaaqo fulinta qodobadaas kor ku xusan.

Halheeskeenu waa:

Ardeydu waa walaalo, Macalimiintuna waa waalidiintii. de2

Abdulkadir Hindi

NASSU President

abdulkadirhindi@allnassu.org

www.allnassu.org

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.