Home » Maqaallo »

SHUHADDADII SHAAMO …… … Qalinkii Abukar Albadri

MAQAAL

SHUHADDADII SHAAMO …… … Qalinkii Abukar Albadri

Ma cabiri karo dareenkeyga, kamana sheekeyn karo waxa dhacay, laakiin waxaan doonayaa inaan dabka uurkeyga ku shidan banaanka u soo saaro si ay ii yara deyso alhumadda aan ka qaaday masiibadda loo huwiyey ummadda Soomaaliyeed. Ugu Horeyn Assalaamu Caleykum,

Salaam kaddib,waxaan tacsi tiiraanyo leh u gudbinayaa waalidiintii iyo eheladdii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, waxaana ka tacsiyeynayaa Xasuuqii Shaamo ee indhaha tiray shacab weynaha Soomaaliyeed.
Gaar ahaan waalidiintii, xaasaskii, Caruurtii iyo asxaabtii ay ka tageen Shuhadadii Shaamo waxaan leeyahay Allaah samir iyo iimaan Jamiil ah ha idin ka siiyo, wiilashiinii shahaadadii ay qaadanayeen haddii loo quuriwaayey Ilaah ayaa mid ka sharaf badan siiyey oo waa Shuhado Allaah haka aqbalee.
Haddii aan u soo noqodo qormadeyda,

Dhabtii waan tiiraanyoonayaa, waan wadne garaacmayaa, waxaan ku jiraan xaalad qalqal, was waas iyo walaahoow is biirsaday ah.

Waxaan la ilmeynayaa haddimadii xasuuqii shaamo ee uur ku taalada aan tirmin abid nagu reebay aniga iyo ummadda Soomaaliyeedba.

Walaalayaal geeridu waa xaq, Ilaahna qofka sida uu doono ayuu u dilaa, waana xaq soore. Laakiin Xasuuqii Shamo oo kale, inuu ka soo fulo maskax qof diin Islaam u nisbo sheeganaya waa urugo xanuun badan.
Waxaa middaas ka sii daran qofkaasi wuxuu aaminsanaa inuu u dhimanayey danta dadka Soomaaliyeed iyo diinta islaamka. Dembigiisa waxaa dusha saaranaya SHEEKHII xumahaas caqiido ahaan u baray qofkaas dhalinyarada ahaa.

Tani way qorneyd, sidaas darteed baan marka ugu horeysa waxaan Mahad iyo Shukri u soo jeedinayaa Allaah SW, si kastoo uu noo dilo iyo xanuun kasta ee ay leedahayba waan ku mahdineynaa Allaah.

Aan u soo daadego wixii aan ka oran lahaa Gummaadkii qaangaarka ahaa ee loo geystay aqoonyahankii Ummadda Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Dhabtii xanuun aad u badan, oo wadne garaac wata ayuu qof walba oo damiir lihi ku dhaliyey xasuuqa Shaamo, waxaana ugu magac daray aniga “MAALINTII DHIIGGA”.

Ma jiro qof damiirkiisa u adkeysan karay oo aan ka aheyn qof dugaagoobay oo aan wax naxariis ah laheyn. Kaliya waxay aheyd argagax la laba laabay.

Mar qur ah ayuu wadnaha i gariiray kaddib markii Saxafi aan saaxiib nahay iga soo wacay meesha uu gummaadka ka dhacay, uuna iguna yiri “Saaxiibkaa Xasan Subeyr Ilaah ha u naxariisto”. Malaha Naxdin way ka weyneyd oo sas ayaa ii wehliyey sida aan noqday. Waayo Xasan Subeyr saacado yar hortood ayaan taleefoon ku sheekeysanay.
Waxaan la soo booday “Maxaa ku dhacay” wuxuu saaxiibkey iigu Jawaabay, “Qaraxa ayuu ku dhintay” waxaan waydiiyey, “Qaraxa Muxuu ahaa” wuxuu si hal haleel ah iigu yiri “Xafladdii waa la qarxiyey, dadkiina waa la baabi’iyey, qof haray ma jiro” Kaddibna taleefoonka ayuu igu damiyey.

Anigii waxaan galay naxdin iyo Jahwareer, waxaan wac wacay asxaabtayda kale ee goobta Joogtay.
Durba saxafi kale oo aan saaxiib nahay ayaa teleefoonka iga qabtay. Waxaan weydiiyey “Maxaa dhacay saaxiib”. Markaas ayuu iigu jawaabay, “Sow tan Ummaddii Soomaaliyeed maanta Daruur mugdi ah la huwiyey” wuxuuna ii sii raaciyey, “Ibrahim Xasan Cadow, Axmed C/Laahi Waayeel iyo Qamar Aadan Cali way dhinteen, Xasan Subeyr iyo Maxamed Amiin sidoo kale, Dr. Shahiidna waan arkay meydkiisa, intaas ayaan hubaa hadda, laakiin wuu yar yahay qof badbaaday” ayuu ii raaciyey.

Waxaa ii cadaatay inuu gummaad dhacay. Lana gummaaday ardaydii iyo macalimiintoodii. Waxaan kaloo dareemayey inuu walaahoow darani meesha ka jiro, laakiin maanan fahmi Karin sida ay wax u jiraan iyo xasuuqa nooca uu u dhacay iyo baaxaddiisaba.

In yar kaddib waxaa I soo wacay saaxiibkey goobta joogay wuxuuna igu yiri, “Waxaan FTP-ga kuu soo saarnay sawiradii xasuuqa ee bal eeg” inaanan eegin ayaa ii roonayd, laakiin nasiib darradeydee waan eegay, waa asxaabteydii oo hilbahoodii iyo dhiigoodii ay ku milmeen kuraastii iyo saqafkii guriga ee qaraxa soo riday.

Malyuumaad su’aalood ayaan is weydiiyey durba. Waxaa su’aalahaasi ka mid ahaa, ninkan dadka xasuuqay ee isagana is dilay ma Muslim buu ahaa? Haddiise uu ahaa muxuu ku doortay inuu si bareer ah cadaab ugu diyaar garoobo oo dad muslimiin ah, dan yar ah, masaakiin ah xasuuqo, isagiina is dilo?

Waxaan is weydiiyey haddii uu diyaar u yahay inuu dhinto muxuu bistoolad u soo qaadan waayey oo wasiirka uu maagan yahay u dili waayey isagana markaas hala dilo haddii la rabee? Kaddib ayaan isu jawaabay.

Waxaan is dhahay, Qofkani haddii uu Muslim ahaa asal ahaan, qofka caqiiqadan qaldan ee naxdinta ku dhisan ku soo shubay baan Muslim aheyn, xaqiiqdiina waan ka badin waayey inuu qofkaasi raad ku leeyahay feker ka soo jeeda cadowga Ummadda Soomaaliyeed iyo Islaamkaba.

Gummaadka shaamo aan inyar ka iftiimiyo waxa uu ummadda Soomaaliyeed dhaxalsiiyey.

1. Sas iyo walbahaar ayuu dhammaan ummadda ku beeray oo meelihii ay is lahaayeen waa lagu badbaadayaa ayaa lagu xasuuqay.

2. Wuxuu furay albaab qaldan oo ah in maanta xitaa ardayda Iskuulaadka ay halis u yihiin in la isku qarxiyo oo aysan ammaan ku heysan iskuulkooda,iyagoo loo arkayo in lagu jihaadayo.

3. Wuxuu gebi ahaanba niyad jebiyey dadkii Soomaaliyeed ee qurbaha ku baaba’sanaa ee mar uun inay dalkoodii dib ugu soo laabtaan doonayey, si ay meel nabad ah oo aan lagu canaadeyn ugu cibaadeystaan.

4. Wuxuu burburiyey Hankii ummadda ee ahaa inay wax uun qabsadaan xitaa haddii ay webiyo dhiig ah dhex dureerayaan.

Haddaba, tani ma ahan arrin sahlan. Waa maskax aad looga soo shaqeeyey oo la gaarsiiyey inay ka nixi wayso heerka daruufeed ee ummaddu ay gaarsiisan tahay maanta. Laakiin mid baan leeyahay.

Culumadda Soomaaliyeed ee salafiga u nasab sheegatay ayaa sabab u ah waxan oo dhan. Waxaana la oran karaa ummaddii way ku qasaartay culumadaas, marka laga reebo inyar oo ay ka mid yihiin Sheekh Cumar Faaruuq, Sheekh Shariif Cabdi Nuur, iyo Sheekh Maxamed Rashaad Allaah ha u naxariistee.

Culimo! doodeyda waxaan ku leeyahay waa la idinku hungoobay, waxaa idinku hungoobay shacabka Soomaaliyeed ee maanta waayey culumo u sheegtay kooxaha dagaalamaya ee afarta ah tan qaldan iyo tan saxan. Afarta koox waxaan ula jeedaa Dowladda, Alshabaab, Xisbul Islaam iyo Ahlul Sunna.

Sababta aan ugu aaneynayo culumada in lagu hungoobay waxaa ka mid ah qodobadan soo socda.

1. Culumaddii waxay sameysteen ururo la mid ah kuwii dagaal oogayaasha iyo dhalinyaro mooryaan diimeed ah oo ka xun kuwii qabaa’ilada.

2. Waxay dadkii u xasuuqayaan hadafkooda siyaasadeed iyo damacooda shakhsiyadeed, iyagoo kitaab u tiirinaya danahooda, dadkiina ka soo qaaday sida quraansho ama aboor ku nool meel geed laga jarayo oo kale.

3. Hadeertan wadaadadii 1991 Jihaadka iclaamiyey, welina ku dheggan sheekada ah inay jihaadayaan, oo dhiig xaaraan ah u daadinaya danahooda ayaan diyaar u ahayn inay ilaah ka xishoodaan oo ummadda u turaan, kaliya waxay qiil kaaga dhigayaan “gaalaa dalka Joogta”

Gaalka Gumaadkiisa kan culumadaa ka xanuun batay xaqiiqdii oo gaalku waa cadow, wuu geystana laga filayey, laakiin shacab uu sheekhoodii u dilayo dantiisa gaarka ah si loo fasiro ma leh, waxka xanuun bandanna ma leh.

4. Waxay shacabkii gaarsiiyeen inay caqiidadoodii ka fasaadiyaan oo maanta magacyada urur diimeedyadooda dartood ayey dad u dilayaan iyagoo dhalinyarada loogu fasiray in qofkii wax ka sheega magaca urur diimeedka uu diintaba ka baxay dilkiisana banaan yahay.

5. Sheekhyada ku jira dowladda, kuwa ka soo horjeeda iyo kuwa iyaga kala taageersan ee aamusan intuba waxay ka siman yihiin inay dantooda gaar ahaaneed ay ka xigsadeen tii diinta, dadka iyo dalka, ayna ku taagan yihiin dhabbihii dagaal oogayaashii ay meesha ka saareen.

Haddaba, dagaal oogayaasha tab looga baxsado ayey dadku lahaayeen, xad aysan dhaafi karin oo lagaga ammaan helo ayaa jiraye, qofka doodeydan dhaliili doonoow, bal sheeg wax aan ka aheyn waan jihaadeynaa oo afka ah, iyo gummaadka shacabka oo lagu faano oo ay maanta hayaan culumaddii dabka qaaday. Wallee “Sheekh dembi ku faanoow, shacabkan kuma taageero, Shahiid dhiigya cab ahoow, shahaado isma aragtaan”

Bal aan is weydiinee, ma jihaadkaa fowdo ah, mise dadkan ba’a iyo hooga ay ummaddii badeen jihaadka ugu yeerayo ayaa fidno wadayaal ah? Ma is leedahay wadaadadii hana qaaday waayadan way ku hungowday ummadda mar haddii ay diinta darteed isugu tanaasuli waayeen, dadka u turi waayeen, damiir dhaama dagaal oogayaashiina yeelan waayeen, cilmigoodii diintana xushmeyn waayeen?

Waxa ugu xanuunka badan ee maanta Soomaaliya heysta waxay tahay in dhalinyaradii noloshoodii lagu soo koobay inay Janada aadaan oo macnaheedu yahay inay dadka dilaan ama la Isku qarxiyo oo xasuuqo.

Allaah baan idinku dhaarshaye ma waxaan jirin qaab aan aheyn in dhiig la daadiyo oo jano lagu tagayo? Ma waxaan jirin qof raganimo muujiyo oo Allaah ka baqa dadkana u tura ee dhaho aniga dilkii iyo xasuuqii intan ayaan ku joojinayaa? Ma waxaan jirin SHEEKH wixii Allaah faray ee uu garanayey dhabta ka sheega? Ma waxaan jirin wadaad dhihi kara Hebel iyo Hebel waxaad ku dagaalameysaan xaq ma ahan? Maxaa culumaddii wada aamusiyey? Meeyeen ahlul diinkii?

Waxaan halkan ka caddeynayaa inay dhammaan ragii Soomaaliyeed ee diinta bartay, Allaahna xujada ku soo oogay ay danaha urur diimeedyada ay ka soo jeedaan darteed uga aamusan yihiin inay wax ka sheegaan xasuuqa ku dhacaya shacabka ay xaqana caddeeyaan.

Sheekhow Ama Al itixaad ka soo jeed, Al Islaax ahaaw, Al tafkiir iyo Ahlul Sunna midda aad doonto sheego, aala sheekh baan ahay niyadda ku dhiso. Wallaahi Billaahi Tallaahi ayaan ku dhaartaye Allaah SW aakhiro wuu kuu soo joojinayaa inaad maanta ummaddan muslimiinta ah ee aad sheekhoodii aheyd aad ku daawato inay xasuuqaan rag aad adinka soo abaabiseen, magacyo u bixiseen dhiiga dadkana u xalaaleyseen oo aad uga dhigteen Jihaad xaq ah.
Ugu dambeyntii, waxaan leeyahay Shuhadadii Shaamo, Shahaadadii ay doonayeen mid ka sharaf badan ayey Allaah xagiisa ka helayaan insha Allaah, shalayto iyo hoog waxay sugeysaa ninkii shirqoolkaas maleegay, Allaahna waa Shaahid oo waxba kama qarsoona.

Waxaan leeyahay:

Shuhadadii Shaamo Hotel Qabrigooda Nuur iyo Naruuro Eebahay ha ku siiyo, Qasri waasac ah oo Janadda ku abbaaran qaadir ha uga yeelo, Qiyaamahana janaddii firdowsa iyo Nabi Muxammad aktiisa ha geeyo.

Waxaan hadalkeyga ku soo gabagabeynayaa, SHEEKH DEBI KU FAAN AH IYO SHAHIID DHIIGYO CAB AHOOW, wax sheeg diideene shallaay wuu idin dambeyn, haddii aad qiyaame inuu jiro og tihiin, Allaah inuu jirana aaminsan tihiin, in Xisaab ay jirtana la idin sheegay, ummaddan aad rafaadiseen, raq iyo ruuxba gummaadeen, rabbi dartiis uga xishooda oo dilka ka dhaafa, saska aad geliseen ka joojiya. Haddii kale Duf ku baxa oo duul xumi ha idin arko.

Wixii talo iyo dhaliil ah ku soo dir …….  Abukar.albadri@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " SHUHADDADII SHAAMO …… … Qalinkii Abukar Albadri "

  1. Ssm says:

    AAWW,

    Alle ha u naxariiisto intii ku dhimatey shilkan naxdinta leh, inta dhaawacana Alle ha bogsiiyo Aamiin. qoysaskii ay ka dhinteena sabar iyo Imaan Alle ha siiyo Aamiin.
    Soomaali waxa ku dhacay waa waxay gacmaheeda ku geysatey oo ma ahan wax alle cirka ka soo riday ee ha la yiraahdo xagee uqubadan nooga timid oo dib ha loo fekero, marka qof kastoo caqli leh waxuu dareemi karaa in uqubada ayan ka dheereyn, in wax dhaaxa dhib iyo dhiig la galay, in dhib muslin lagu farxay, in culimo iyo caamo iyo aqoonyahanba ayan damcin inay ka fekeraan inay demiyaan dhibta jirto ilaa ruux walbo uu iridka uga soo galo, marka Alle ha loo noqdo oo Towba naxuus ah ha la qaato yaan hore loogu sii soconin weli dhibaatada jirta illaa alle la baryo oo meel keliya looga soo wada jeesto ma ay dhamaaneyso in Alle naxariis xagiisa ka timaado ma ogiye, marka wax cibro oo nagu filan waan helnay ee dib ha loo noqdo isku doon baa la wada saaran yahaye Allena aan barino inuu dhibta naga baxsho.

    AAWW.

  2. Shardi says:

    Ilaah ha u naxariisto intii dhimatay, inta noolna ha bogsiiyo.
    Qoraalkan waa muhiim, dhamaan dadkii ku sasay Naxdintii Qaraxa ee Dacallada dunida jooga waa inay akhriyaan maqaalkan, runtii wuxuu qaboojinayaa laabta ku gubatay calolyowga.
    Wuu Mahadsan yahay qoraaga, Somalitalk.com na sidoo kale, waan u mahadcelinayaa.

  3. faduna says:

    a/c walalayaal waxaan dhehno ma naqaan waxaan dulmiga illahay ha naqa qabto dadkii dhinteyna illahay ha naxariisto jannadii fardowsa allah ka waraabiyo.

    mida kale inaan iska duceysano ma ahee war aan yeelno ma naqaan maradaada ha kugu gubato ma ahee sidaas iyo salama

  4. AANA says:

    waxaan tacsi u dirayaa dhamaan umada soomaliyeed, eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen dhamaan intii ku dhimatay qaraxii naxariisdarad ahaa ee loogaystay birimagaydo ay ka mid ahaayeen masuuli’yiin,dhaqaatiir,arday iyo waalidiin intaba.waxaana alle ka baryayanaa in uu naxariistii janao ka waraabiyo shahadaas.cidii dhibkaa ka danbaysana waxaan alle ka baryaynaa in uu jahanabo ku abaal mariyo

  5. XABIIB says:

    RUNTII WAAN ILMEEYEY MARKII AAN QORAALKAN AKHRIYEY, WUXUUNA II TAABTAY SI AANAN MALEYN KARIN, WAXAAN IDINKAGA MAHADCELINAYAA INAAD BADISAAN QORMOOYINKA SIDAN OO KALE AH EE DADKA NIYADDA U QABOOJINAYA.
    WAXAAN U DUCEYNAYAA SHUAHADDADII SHAAMO.

  6. idris says:

    muddo labaatan sano ku dhowba dhegaheyga kama ay maqal Somalia dhawaq farax leh dhiillo mooyane.waan ka xumahay ardeydaas la laayey aad iyo aad bey ii taabaneysa.

    dhibtii loo geystey masaakiinta, dulmigii iyo boobkii, agoontii ilmeyneysey,baroordiiqdii hooyooyinka iyo dhallaanka, booligii la cunaayey,beladii ku habsatey Baydhabo iyo Banadir, arxandarradii dagaal oogeyaashii iyo ilmahooda reer mooryaan, hablihii sharaftooda la bahdiley, madafiicdii lala dhacayey biri-ma-geydada dad baa ku faraxsanaa oon dhegna jalaq u siineyn,iyagoo ku faanaya halaagga ay geesten ilmahooda iyo qabiilkooda.
    beertii ay falatey soomaalida,ay dhiiga masaakiinta ku waraabisey ayey miraheeda guraneysaa.Belo aan xalkeeda la garaneyn,rag an qabiil lahayn oo af duuban ayaa Alle ku cadaabey Sommaalida si looga jaasiyo qurunkii iyo qabiilkii la isku layn jirey. Musiibadan jihaad shuqul kuma laha waa addoomo ilaahey u soo direy iney u aar gudaan dulmanihii. Ilaahey wuu ka aar goosta ummad kasta oo dembi weyn gasha, Rabigey qofna xaqiisa ma dafiro, dulmanaha habaarkiisa si deg deg ah ayuu u ajiibaa.

    weli fari kam qotna ciqaabta Alle