Home » Warar »

Muqdisho: Dagaalo ka dhacay xaafado ka tirsan dagmooyinka Shibis, Boondheere, Maanaboolyo, shangani iyo cabdicasiis iyo Naafo la gaaarsiiyey deeq

  • Dagaal ka dhacay Muqdisho:  maanaboolyo ,shibis ,boondheere, shangani ,iyo cabdicasiis
  • Ciidanka Naafada Xoogga ee ku jirta Cusbitaal Martiini oo la gaarsiiyay deeq lacageed.
  • Ogeysiis ku socda Soomaalida Degan Birmingham-West Midlands UK

Dagaalo iyo duqeymo is dhinac socday oo galabta maqribkii ka dhacay xaafado ka tirsan dagmooyinka maanaboolyo , shibis , boondheere, shangani , iyo cabdicasiis ee gobolka Banadir .

Dagaalkaan ayaa waxaa uu u dhaxaayey ciidamda dowlada fadaralka KMG somaliya iyo kuwa xarakada Mujaahidinta Alshabaab waxaana la isu adeegsanayey rasaasta cul-culus iyo mida fudud waxaana dhinac socday duqeymo iyo madaafiic laga ridayey halka iska horimadku ka dhacayey waxaana dhacday qasaare isugu jira dhimasho iyo dhawac balse aan la ogeyn inta uu la egyahay gabalka oo dhacay owgeed .

Dagaalka galabta ayaa waxaa uu sameyn xoogan ku yeeshay dagmooyin ka tirsan waqooyiga magaalada Muqdisho ,dagaalka ayaa markiisii hore ka bilowday isgoyska 4-afarta jardino ee maanabolyo sarta royal halka loo yaqaan ilaa safaaradii talyaaniga ka dibna wuxuu ku faafay xaafadaha.

Xarakada Mujaahidiinta alshaab oo war ka soo saratay ayaa sheegtay in ay dhinca dowlada dhul ay ka qabsadeen isla markaana waxay sheegeen in uu ka dhawacmay hal askari cidamadii ka soo horjedayna waxay sheegeenin ay ka dileen ilaa 4 ka mid ah ciidamada dowlada.

Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhanka dowlada FKMG.

Dagaalkaan ayaa ahaa silsilado dagaalo ah oo isdaba joog ah mana jiraan wax wadahadal ah iyo cid ka dhaxwada wax waan waan ah, waana dagaallo geystey khasaare.

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Ciidanka Naafada Xoogga ee ku jirta Cusbitaal Martiini oo la gaarsiiyay deeq lacageed.

Waxaa maanta la gaarsiiyay deeq lacageed Naafadda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ee ku jirta Martiintiini ee magaalada Muqdisho, iyadoo deeqdaasi uu u soo diray Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Xasan Faarax Cumar oo ku nool Minneapolis ee dalka Maraykanka.

Xasan Faarax Cumar waxa uu ka mid yahay Jaaliyada Soomaaliyeed eek u dhaqan dalka Maraykanka, wuxuuna naafada Ciidanka Xoogga oo iyagu taakulayn ka hela dadka Soomaaliyeed ee Alle wax siiyay eek u dhaqan dalka Dibadiisa ama gudaha u soo dhiibay lacag dhan 150-doolar oo uu ugu talogalay sadaqo ahaan in la gaarsiiyo naafadaasi.

Lacagtaan ayaa waxaa loo soo wakiishay wakiilka Websetka Somaliweyn.com ee Muqdisho Maxamuud Axmed Xasan (Xuurshe) , wuxuuna lacagtaasi gaarsiiyay Naafadaasi ku jirta Cusbitaal Martiini.

Waxaa halkaasi ka duceeyay Afhayeenka Naafadda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ee ku jirta Martiintiini ee magaalada Muqdisho Cabdi Mahad oo Alle uga baryay inuu siiyo Badal kheyr qaba ninka lacagta u soo diray naafaddaasi.

de1

Sidoo kale wuxuu Afhayeenka sheegay in jaaliyadaha Soomaaliyeed looga fadhiyo inay ku daydaan Muwaadinkaan lacagta u soo dhiibay ee Xasan Faarax Cumar, wuxuuna ugu duceeyay inuu Alle ka hayo wax kasta oo dhibaato keeni kara.

Maxamed Axmed Xasaan (Xuurshe)
Email: xuurshe114@gmail.com

Ogeysiis ku socda Soomaalida Degan Birmingham-West Midlands UK

Ku : Dhamaan Somalida Degan Birmingham-West Midlands UK.
Ujeedo : Baroordiig

Somalida degan Birmingham iyo West Midlands ee UK, waxaa lagu wargalinaya, rag iyo dumarba in ay ka soo qeyb galaan, tacsi loo sameynayo masuliintii Qaranka, Takhatirtii, Ardeydii iyo Wariyayaasha, Shacabkii lagu xasuuqay Hotel Shamo Moqdisho.

Baroordiiq dan ka soo qeyb galkeda waxay u furantahay cid walba kalmadne ka soo jedin karto .

Baroordiig dan waxaa lagu qaban doona Hilaac restaurant ama ”Hiltop” Restaurant, maalinta axada ah oo bishu tahay 6.12.09, markay sacadu tahay 17.00 ama 5 galabnimo.

Ka soo geyb gal wanaagsan

Qaban qaabiye
Abukate Qaaray
Tel : 07983322454
Birmingham

La xiriir: nasirsaid20056@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.