Home » Warar »

Midowga Ardayda G/Banaadir Oo Baaq Kasoo Saaray Qaraxii Dhowaan Ka Dhacay Hotel Shaamow iyo Ardayda Karachi oo…

  • Midowga Ardayda Gobolka Banaadir Oo Baaq Kasoo Saaray Qaraxii Dhowaan Ka Dhacay Hotel Shaamow ee Muqdisho
  • Shir-Tacsi loogu dirayo dadkii ku dhintay Qaraxii Mogadishu, oo London ku qabsoomey
  • Ururka ardeyda Jaamacada Karachi oo Canbareyey Qaraxii ismidaminta aha ee muqdisho

Midowga Ardayda Gobolka Banaadir Oo Baaq Kasoo Saaray Qaraxii Dhowaan Ka Dhacay Hotel Shaamow ee Muqdisho

Midowga ardayda Gobolka banaadir ayaa baaq kasoo saaray qaraxii dhowaan ka dhacay hotel shaamoow ee magaalada muqdisho taasoo ay ku baaqeen in aan loo joojin waxbarashada islamarkaana tacsi tiiraanyo leh u diray dhamaan qoysaskii ay baxeen ardaydii soomaaliyeed ee ka qalain jebiyey kuliyada caafimaadka uguna duceeyey kuwa buka in ALLE caafiyo

Gudoomiyaha Midowga ardayda Gobolka banaadir cabdi naasir maxamed sh,nuur oo isagoo Wadanka dibadiisa ku sugan khadka telefanka kula hadlayey warbaahinta ayaa dhibaato ka muujiyey qaraxii balaardhnaa ee loo gaystay masuuliyiinta dowlada ,ardayda iyo weliba suxufiyiinta ,isagoo tilmaamay inay aad uga xun yihiin indhaha laga rido umada soomaaliyeed islamrkaana laga laayo kuwii soo aflixiyey boqolaal arday iyo weliba ardaydii wax soo baratayba .

Sidoo kale gudoomiyaha midowga ardayda c/naasir ayaa intaasi raaciyey inaysan marba joojin doonin inay umadooda wax u bartaan islamarkaana jahliga ka qaadaan isagoo ku booriyey macalimiinta ,ardayda iyo weliba dadka ehelka u ah aqoota inaysan ka caajisin waxbarista dadkooda iyo Horumarka dalkooda.

ab2

Si kastaba ha ahaatee Hadalka Midowga ardayda Gobolka banaadir ayaa kusoo beegmaya xili 3-dii bishan aynu jirno qarax lagula eegtay arday ka qalin jebisay kuliyada caafimaadka banaadir islamrkaana ay ku qudh baxeen in ka badan 10-arday halka qaar kalena ay dhaawac kazoo gaaray la jiifaan .

Yaasiin Faytaan
Yaasiinfaytin@hotmail.com

Shir-Tacsi loogu dirayo dadkii ku dhintay Qaraxii Mogadishu, oo London ku qabsoomey

Shirweyn ey soo qaban qaabiyeen Soomaalida ku dhaqan London ayaa ku qabsoomey waqooyiga London, shirkan oo u jeedadiisu aheyd in tacsi loo diro ehlada iyo qaraabada dadkii ey ka geeriyoodeen Wasiiradadii Dakhaatiirtii iyo dadkii kale ee rayidka ahaa, Soomaalida shirkan ka soo qeyb gashey ayaa wajiyadoodu ka muuqdeen naxdin iyo murugo, dadkii ka soo qeyb galey shirka kana hadley waxaa kamid ahaa Cabduqaadir Xaaji Masale General Caare General Yusuf Axmed Khyer Safiir Cumar Gare safiir Caalin Yusuf Garaad Cabdulaahi Xaaji Bbc Halgame Xirsi Xaaji Xildhibaan Tarsan Dr Guure Sakariye Yare Ducaale Ciise Duraan madax ku xigeenka Olymic Soomaaliya,

dadkii ka soo qeyb galey ayaa isla gartey in si degdeg ah wax looga qabto dhaawac taagan lana mideeyo Soomaali iyadoo ey xuseen in midnimo looga bixi karo, waxaa iyaguna hadley ururada bulshada culumada dhalinyarada iyo dumarka, isku soo wada duub dadkii shirka ayaa isla gartey in la sii wadao shirarka loogu yeerayo nabada iyo midnimada waxaana , hadaladii dadka laga xusi karaa sida hadalkii Cabdulqaadir Xaaji Masale oo tilmaamey Soomaaliya in laga diley maskaxdii maantana la ciribtirayo waxgaradka harey, General Yusuf Axmed Khyer ayaa isaguna tilmaamey in Soomaaliya laga diley ubax iyo halboole muhim ah waxana uu carabka ku dhiftey in midnimo loo istaago lana ilaawo waxii dadka dhexdiisa yaaley, ugu danbeyn waxaa hadley dad-badan oo aan la soo koobi Karin shirka ayaa ku dhamaadey jawi shucuurtiisu aad u kacsan tahay iyadoo dadkii shirka joogey baaq u direen Soomaalida qurbaha iney wax u qabtaan dalkooda iyo dadkooda shirkan ayaa noqdey mid lagu mideysnaa kana qeyb galeen garabada Siyaasada isaga soo horjeedey

Sakariye Maxamed
London Uk
sakariye85@googlemail.com

Ururka ardeyda Jaamacada Karachi oo Canbareyey Qaraxii ismidaminta aha ee muqdisho

Midowga ardeyda somaliyeed ee Jamacada Karachi iyo Dhamaan ardeyda jamacada Karachi ee dalaka Pakistan Waxa ay Tacsi tiiranyo leh udirayaan Dhamaan shacabka somaliyeed iyo Qarabadii Dadkii ku Wax yeelowey Falkii Naxdinta lahaa ee loogeystey ardeydii,Dhaqatiirtii Jaamacada Badaadir,Wasiiradii ,Wariyaasha iyo Dhamaan Dadkii kale ee Rayid ahaa Halkaasi Waxyelada Kasoo Gaartey.

Waxane Wax laga Xumaado ah in ardeydii iyo Dhaqatirtii Wax Tarka u ahaa Bulshada somaliyeed ee Dagaalada iyo Jahliga afeeysay una soo Dhabar adeeygey Dhibaatooyinkii Kajirey Wadan Kudhawaad 19-sano, si shacabka somaliyeed ucaawiyaan, in manta Fal arxan daro ah oon loo aabo yeelin lagu laayo goob qura,

Waxa sidoo kale Wax Laga Naxo ah ardeydii Wax kubaraneysay dhabaatada kajirta dalka mutaqbal wanaagsan kutaameysay iyo Dhaqaatirtii Fara kutiriska ahaa in goobtii Xafladoda Qalinjabinta ay noqoto Bar tilmameyd Laguna Xasuuqo.

Ururka midowga ardeyda Jamacada Karachi waxa uu sidoo kale Tacsi udirayaa Dowlada Somaliya Wasiiradii iyo dhamaan Masuliyintii kudhimatey Falkii Ismiidaminta ahaa ee Ka dhacey Hotel-ka Shaamoo ee Magalada muqdisho,

Iyadoo La ogyahay Wax Qabadkii ay uhaayen Bulshada somaliyeed, Waxana iska muqata in Falkaan Naxdinta iyo murugada Xanbarsan uu yahay mid logu tala galey sidii loo Waxyeleyn lahaa ama loo curyaamin lahaa horey usocodka umada somaliyeed iyo Ciribtirada Shaqsiyaadka wax tarka u leh hormarka Dalka iyo dadka, arinkaani ayaa Waxaa uu yahay mid aan sal iyo raad kulaheyn diinta islaamka , dhaqanka iyo aqliga saliimka ah ee bila aadamka.

Ururka Midowga ardeyda somaliyeed iyo Dhamaan ardeyda jamacada Karachi waxey si wada jir u canbareyn dusha uga turayaan Dadkii Kadanbeyey Fadlkii Ismidaaminta ah ee lala begsadey ardeyda Jamacada Banadir iyo macalimintoda ,Wasiirada, iyo Shacabkii kale.

Waxaan Kuborineyna Dhamaan ardeydi,dhaqaatirtii iyo macalimintii in aysan ujoojin howlahoda falkani dhacey,ardeyane sii wataan Tacliintoda, dhaqatirtane ay sidoodi usii wadaan howlahii uyaheyn shacabka somaliyed marne aysan ka niyad jabin.

ab1

Waxaane ILLAH igu Baryeynaa in uu Naxaristo , Janadii Fardowso Kawarabsho Samir iyo imaane Ka siiyo Shacabka somaliyed ee ay kabaxeyn iyo in illah umada somaliyeed dhibatada iyo nabad galyo darada heysato ka dulqaado…amiin…amiin..amiin

By Mohamed Hussien Abdirahman(kalafoge)

Mohakalafoge@yahoo.com

Karachi

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.