Home » Maqaallo »

Maxaa ku jaban haddii aan ku hadlo magaca waddankayga?

Qaar weli waxba ma arkaan oo qabiilka ayaa indhaha ka xiray, qaarna xaqa ayay isku dayayaan in ay duugaan xaqdarradana garab ayay siinayaan,xaalka uu waqtigan ku jiro waddankeena wuxuu ka soo hor baxay oo lid ku noqday waxkasta oo wanaagsan, wixii dadka loogu talagaly, jacaylkii laga rabay in uu ka dhex jiro bulsho meel ku wada nool, is-aaminkii, kalsoonidii isku gargaarkii isku naxariistii is dhawrkii, waxaa cad in sababtii uu Alle dadka u abuuray la dafiray oo la diiday, sababtii adduunka loo keenay oo ahayd in laga faa´iidayso dadkana u faa´iideen aan ladhaqan galin, dulmiga la galaayo, gardarrada laga galaayo qof kale oo aan waxba galabsan wuxuu noqday caadi iyo wax aan la qarsanin, dhiigga la iska shubaayo, is liidka iyo midab takoorka, gumaadka maatada, kufsiga gabdhaha yar yar iyo hooyooyinka, ubadkii yar yaraa oo agoon lagu xukuma, isku soo duub duub xaqii ayay aasayaan xaqdarradana waa hiilinaayaan.

Kuwa sidaas yeelaayo waxay ku duulaan magac qabiil iyo magac diin laga been abuurtay, maanta oo kale ma maalintii lagu hadli lahaa baa qabiil iyo macag beel iyo reer hebel, xasuuqii foolxumada badnaa xanuunka iyo argaggaxa xambaarsanaa ee ka dhacay hoteel Shaamoow ayaa ahaa mid taabtay muslimiita iyo waddaniyiinta dhabta ah ee Soomaliyeed, waxaase wax laga sii argaggaxo ah in ay kuwa qabiilku habaabiyay ee uu indhaha ka xiray ay yiraahdaan annaga oo magaca reer hebel ku hadlaaya ayaan tacsi u diraynaa ama ka xunahay wixii ka dhacay hoteelka Shaamoow.

Maxaa naga galay oo dusha naga saaray reer hebel, qofkasta oo Soomaali ah dhibkiisa waa dhibkeena, takhaatiirtii, macallaimiintii aqoonyahanadii, dadweynihii iyo madaxdii lagu xasuuqay hoteelkii Shaamow magaca Soomaaliyeed ayay wadateen, sababtii meesha ay isugu yimaadeen ma´ahay waxaanu nahay reer hebel, waxay ka dhinteen Soomaali weyn ee kama aysan dhiman reer hebel iyo reer hebel, waxaa u aayi lahaa oo ka faa´iidaysan lahaa qof kasta oo Soomaali ah, dilkoodiina waa farriin ku socota Soomaali kasta, taas oo ah sidan kuwan u xasuuqnay ayaan adiguna kuu xasuuqi doonaa, sida kuwaan aan nolol ugu diiday ayaan adigana nolol kuugu diidanahay!

Maanta oo kale iyo maalin kastaba ma´ahan maalintii lagu hadlaayay magaca qabiilka, waxay ahayd maalintii nacalad lagu tuuri lahaa qabaiilka, qabiilka waa kii Soomaaliya isku diray oo kala qaybiyay , kii waddankeena xaalufay oo burburiyay, maanta oo kale waa maalintii aan is kaashan lahayn, gacmaha is qaban lahayn kuna fekeri lahayn sidii aan u soo af jari lahayn halaagga uu na gaarsiiyay qabiilka iyo jaahilnimada, qabiilka ayaa sabab u ahaa wixii Shaamoow ka dhacay iyo wixii 20 sano ka hor waddankeena ka bilaabatay, in magac diin qori lagu qaato waxaa ka horreeyay in magac qabiil qori lagu qaato,waana halkaas meesha ay ka bilaabatay masiibada na haysata.

Goorma ayaan wax arkaynaa, maxaa noo dhiman intaas ka badan, dalkii waa isku dumay dadkii rafaad uma harin, isku duubmi ayaa tan looga bixi karaa, haseyeeshe isku duubmi waxay ka bilaabataa in ay daacad naga noqoto muslinimada aan sheeganayno iyo in aan waddaniyiin noqono.

Waddani macnihiisu waa WALAALO AYAANU NAHAY WAXAANA NAGA DHAXEEYA JACAYL IYO IS TIXGALIN

Zahra Abdi Hersi, xubin sare ururka waddaniga Soomaaliyeed.
soomaalibaanahay@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.