Home » Warar »

Jaamacada Muqdisho oo la kulantay jaaliyadda Puntland ee dalka Norway.

Jaamacada Muqdisho oo la kulantay jaaliyadda Puntland ee dalka Norway.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Gudoomiyaha jaamacada Muqdisho Dr: Cali sheekh Axmad Abuubakar oo booqasho shaqo ah ku maraya qeyb ka mid wadamada yurub ayaa kulan la qaatay Odayaasha, Aqoonyahanada , Culimada , Dhalinyarada iyo qeybaha kala duwan ee jaaliayada Puntland caasisamada dalka Norway ee Oslo.

Kulankaas oo ay ujeedadiisu ahayd mahad celin jaamacadu u mahadcelineysay jaaliyadda Puntlad sidii sharafta badneyd ee jaamacada Muqdisho loogu soo dhaweeyay gobolad puntland
Afartii bishii sideedaad ee sanadkii tagay ayeey ahayd markii ay jaamacada Muqdisho farac cusub ka furtay magaalada Boosaaso.
Maamulka dowlada, Isimada , Aqoonyahanada,Culimada iyo dhamaan qeybaha bulsahada ayaa si heer sare ah u soo dhaweeyay firitaankii jaamacad iyo dhismihii kambaska jaamacad oo la ga dhisay meeshii ugu quruxda badnayd ee magaalada Boosaaso.

Dr: Cali Sheekh Axmad abuubakar ayaa ka hadlay faaidada waxbarashadu leedahay iyo sidii ey reer buntland uga faaiideysan lahaayeen fursadaas qaaliga ah. Dr: Ayaa Balan qaaday inay jaamacadu la sahaqeyn doonto wasaarada waxbarashada ee Puntland iyo bahda waxbarashada kashaqeysa reer puntlad.

Jaamacada Muqdisho ayaa sidookale u mahadceliya Xarunta Iskaashiga soomaalida Norway sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyaan jaamacado ayagoo bixiya deeq waxbarasho oo ay siiyaan arayda soomaalida ee aan awoodin inay iska bixiyaan fiiga jaamacada, iyo sidey uga qeyb qaateen qabanqaabada kulankaan.

Gudoomiyaha jaaliyada Cabdiwahaab Maxamad Saciid ayaa mahad balaaran u jeediyey jaamacada muqdisho iyo cidii ka dameysay aas aaska jaamacada, waxaakale oo u si gaar ah ugu mahad celiyay Dr: Cali kartida iyo dadaalka uu u muujiyey waxqabadka umada,Cabdiwahaab ayaa isagoo ku hadlaya magaca jaaliyada balan ku qaaday inay garba istaaganyihiin jaamacada muqdisha labadeeda faracba.

Sidoo kale odayaasha iyo aqoonyahanadii ka soo qayb galay shirkaas ayaa u mahadceliyay jaamacad a cadeeyayna inay kamid noqondoonaan si wanaagsan ula shaqeyn doonaan jaamacadaMuqdisho.

ab3

Mid ka mid ah odayaasha kulankaas joogay ayaa jaamacad siiyay dhul uu isagau gaar u leeyahay oo ku yaala mgaalada Boosaaso si jaamacadu ugu isticmaasho waxqabadka danta guud ee bulshada.

Gabagabadii kulankaas waxaa uu ahaa kulan aad u xamaasad badnaa dadkuna aad ugu faraxsanaayeen waxqabada jaamacada iyo horumarka ay gaartay.

Ugu dambayntii waxaa jaamacada iyo jaaliyaduba isku af garteen iney kawada shaqeeyaan arimaha waxbarshada ,musaalaxada iyo horumarka dalka.

Waxaa soo tebiyey
Cabdinaasir Yuusuf Macalin
cnaasir114@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.