Home » Warar »

Garoowe:- Talaalka Boolyada oo ka bilaamay Deegaamada Puntland Gaarahaan Caasimada Garowe

Garoowe:- Talaalka Boolyada oo ka bilaamay Deegaamada Puntland Gaarahaan Caasimada Magaalada Garowe.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Waxaa maanta deegaanada Puntland ka bilaamay talaalka Boolyada kaas oolagu dabar goynayo 6 cudur ee dilaaga ah waxaana uu si rasimi ah ugafurmay Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland,

Intaas kadib waxaa gudaha xarunta PDRC ee magaalada Garoowe ka dhacayxaflad balaaran oo ay ka soo qeybgaleen labada gole ee Dowladdapuntland, waxaa kaloo xafladaasi goobjoog ka ahaa hay’adahacaafimaadka sida WHO iyo UNICEF.

Ugu horeyn waxaa si rasmi ah u furay talaalkan maanta sida habsamadiah uga bilowday deegaanada puntland gaar ahaan magaalada Garoowe eecaasumada Puntland Wasiirka Caafimaadka DPL Dr Bashiir Cali Biixi ooisaga faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey ahmiyada laga leeyahaytalaalkani maanta ka furay deegaanada puntland gaar ah caasumadapuntland ee Garoowe,

Wasiirka Caafimaadka ayaa waxaa uu si gaar ah uga codsaday bulshadareer Garoowe in ay talaalan caruunta isla markaasna ay geeyeen goobahaugu dhow ee lagu talaalayo Caruunta isagoona xusay in talaalkani uuwax tar u yahay caruurta yar-yar iyo hooyada uurka leh isagoona kubooriyey in caruurta laga talaalo 6-da cudur ee dilaaga ah,

Sidoo kale waxaa isana halkaasi hadalo kooban ka soo jeediyey WasiirkaWaxbarashadda DPL Mudane Cabdi Faarax Juxa oo isaga ugu horeynhalkaasi amaan balaaran uga soo jeediyey wasaaradda Caafimaadka iyohay’adaha ku hawlan la dagaalan cuduradda diilaaga ah ee ku dhacaxiliyada ay soo korayaan caruurta waxaana uu xusay in wasaaraddacaafimaadka ay dardar lixaad leh ugu jirto sidii ay wax uga qabanlahayd cudaradda soo rita caruurta yar yar iyo hooyadda uurka,Xafladani oo qaatay wakhtigii loogu talogalay ayaa ugu danbeyntiiwaxaa halkaasi ka Hadley Sarkaal sare oo ka socda hay’adda WHO Dr Calioo isana tafaasiil ka bixiyey faaidada uu leeyahay talaalkani waxaanauu carabka ku dhuftay in uu maanta si weyn uga bilowday talaalkanisoomaliya gaar ahaan deegaanada puntland waxaana uu shacabka reergaroowe ka codsaday in ay caruurtooda ka talaalaan 6 cudur ee dilaagaah

ab4

Dhinaca kale markii uu soo gaboobay xafladii furitaanka Talaalka ayaawaxaa kor meer ku soo sameeyey xubno uu hor kacayo WasiirkaCaafimaadka Dr Bashiir Cali Biixi iyadoona ay ku weheliyeenkormeerkiisa Hay’adaha Caafimaad waxaana ay indho indhayn ku soosameeyeen goobihii ay ka socdeen talaalka iyo sida ugu haboon ee lootalaalayey caruurta iyo hooyadda uuka leh,

Xuseen Cabdulaahi Xasan
E-mail Xuseen339@hotmail.com
Garowe Puntland Somalia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.