Home » Warar »

Hadal wadajir ah oo lagu cambaareynayo qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Muqdisho

Dec 3, 2009: Hadal wadajir ah oo lagu cambaareynayo qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

  • Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Africa ee Soomaaliya
  • Ururka Midowga Urub
  • Urur Goboleedka IGAD
  • Jaamacadda Carabta
  • Norway
  • Qaramada Midoobay
  • Dowladda Maraykanka

Nairobi, 03 Diisembar 2009 – Ciidanka nabad ilaalinta Midowga Africa ee Soomaaliya, Ururka Midowga Urub, Urur Goboleedka IGAD, Jaamacadda Carabta, Norway, Qaramada Midoobay iyo Dowladda Maraykanka waxay si aad ah u cambaareynayaan falkii ismiidaaminta ee fuleynimada ahaa ee maanta loo geystay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Ku Meel Gaarka, ardey, wariyeyaal iyo dad kale oo rayid ah ee joogay magaalada Muqdisho.

Weerarkan bahalnimada ah wuxuu mar kale caddeynayaa in xagjireyaashu ayna sinaba ugu aabayeelin nolosha aadanaha. Maadaama ay isqarxintan lala beegsaday xaflad loo dhigay ardey ka qalinjebinaysay kulliyadda caafimaadka – kuwaasoo ah dhakhaatiirka Soomaaliyeed ee mustaqbalka – waa arrin aad u xun. Hase ahaatee, falalkan naflacaarnimad ah, kama reebayaan bulshada caalamka inay sii waddo taageerada ay siinayso dadka iyo Dowladda Federaalka Ku Meel Gaarka Soomaaliyeed, kuwaasoo ku hawlan inay waddanka dib ugu soo celiyaan nabad iyo xasillooni.

Weerarka waxaa ku dhintay saddex wasiir, waxaana si xun ugu dhaawacmay mid afaraad. Wasiirradan waxay si naftiihurenimo ah uga shaqaynayeen dibuheshiisiinta Soomaaliya. Wasiirradu waxay gudanayeen waajibaadkoodii qaran maadaama ay ka qaybgalayeen xaflad qalinjebin oo dhallinyaro Soomaaliyeed ay ugu dabbaaldegayeen guul u soo hoyatay noloshooda.

AMISOM, EU-da, IGAD, Jaamacadda Carabta, Norway, Qaramada Midoobay iyo Dowladda Maraykanku waxay tacsiyo u dirayaan qoysaskii iyo asxaabtii dadkii ku waxyeelloobay weerarkan naxdinta leh, sidoo kale waxay tacsi u dirayaan xukuumadda iyo dadka Soomaaliyeed.

Wixii war dheeraad ah fadlan kala xiriir: Susannah Price ama Donna Cusmano, saraakiisha qaabilsan isgaarsiintab guud, Xafiiska Qaramad Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya (Nairobi, Kenya)

Tel. +254 20 762 7132/7133 ama 254 733902020 ama 737400133

Fadlan eeg rugta Internet-ka (website) www.unpos.unmission.org

Joint Statement Condemning Today’s Suicide Bombing in Mogadishu

The African Union Mission in Somalia

The European Union

The InterGovernmental Authority on Development

League of Arab States

Norway

The United Nations

The United States of America

Nairobi, 03 December 2009 – The African Union Mission in Somalia, the European Union, the InterGovernmental Authority on Development, the League of Arab States, the United Nations, Norway and the United States condemn in the strongest possible terms today’s cowardly suicide bombing of TFG officials, students, journalists, and other civilians in Mogadishu.

This horrific attack is another demonstration of the extremists’ complete disregard for human life. The fact that this bombing targeted a ceremony for graduating medical students – the future doctors of Somalia – is particularly egregious. These desperate acts, however, will not deter the international community from continuing its support to the Transitional Federal Government and the Somali people who are working to restore peace and stability in Somalia.

The attack killed three ministers, and seriously wounded a fourth, who were working selflessly for reconciliation in Somalia. The Ministers were merely carrying out their civic duties in attending a graduation ceremony in which young, enterprising Somalis were marking what should have been a landmark occurrence in their young lives.

AMISOM, the EU, IGAD, LAS, Norway, the UN, and the US offer their sincere condolences to the family and friends of the victims of this cold-blooded attack, as well as to the Government and the people of Somalia.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Hadal wadajir ah oo lagu cambaareynayo qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Muqdisho "

  1. Mohamed Warsame Halene says:

    waxaan tacsi u dirayaa dhamaan eheladii ey ka geeriyoodeen birmagoytada muhimad weyn u lahaa shacabka somaliyeed oo si gardaro iyo waxuushnimo looga laayay hotel shamow. ragaan gafuurka u duubtay iney shacabka somaliyeed xasuuqaan oo isku magacaabay alshabaab ineysan guul ku gaari doonin, taarikhdana waa lala xisaabtami doonaa..