Home » Maqaallo »

3dii,December, 2009, Farxad Murugo isku Bedeshay.

Cilmi Cusmaan Faarax ( Boodhari).

Boodhari111@hotmail.com

3dii,December, 2009, Farxad Murugo isku Bedeshay.

Ma iloobi doono.

Wixii ka dhacay Hotel Shaamow ee Magaalada Muqdisho 3dii, December, 2009 xili loo fadhiyay farxad lagu soo dhaweynayo Qalin jabinta in ka badan 15 dhaqtar oo ku dhawaad muddo 7 sano ah loo carbinayay in mar uun la arko iyagoo kaalin ka gaysanaya hagaajinta adeega caafimaad xumo ee ka jira dalkeena Soomaaliya, waxay tahay maalin xasuusteeda leh oo sinaba aan uga go’idoonin maskada malaayiin Soomaali ah.

Kooxo dhagar qabayaal ah oo u labisan sida dabiilayaasha Maafiyadda ayay u cuntami waysay inay arkaan iyagoo la samata bixinayo bulsho ay go’aansadeen inay dhibaateeyaan waxayna ku kaceen tallaabo nalka ka damisay Hooyo iyo Aabe kasta oo dhaqaale ay si dhibadan ku keeneen ku bixinayay waxbarashada dhalaankooda.

Dhacdadaan oo u muuqata mid aan ka dheerayn dhaq-dhaqaaqa Al shabaab oo dhalinyaro badan ku duufsaday casharo ay ka soo dheegteen kooxaha argagixisada kuwaas oo ay ka mid tahay Waji qarsashada marka ay galayaan fal-dambiyeed taasoo ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay ay tahay in dib loogu noqon karo bulshada iyadoo aan dambi loo raacaneynin.

Inkastoo dhalinyarada qaar la gaarsiiyey heer ay naftooda haligaan, dad badana martaan sida tan ka dhacday Hotel Shamoow ee magaalada Muqdisho oo nin ismiidaamiyay uu martay in ku dhaw 100 ruux oo ay ka mid yihiin dad waxtar u lahaa Bulshada, Marka laga yimaado dhaqaatiirtii cusbaa ee wadanka u soo bixi lahaa waxaa mashaqadaasi lagu waayay Prof: Caddow, Prof:Shahiid, DRs, Qamar, Dr Waayeel,Wariye, Xasan Subeyr ,Maxamed Aamin iyo xubno kale oo muhiim ahaa oo ka soo qaybagalay farxadii isku bedeshay murugada.

Qof kasta oo ka qaybgalay farxada lagu soo dhaweyn lahaa dhaqaatiirtada cusub waxaa uu ka baxay ama laga saaray albaabka Hotel-ka iyadoo uu ku suganyahay marxalad kale, ugu yaraan Qaracan, dhaawac iyo dhimasho.

Dilka dhaqaatiirta, suxufiyiinya iyo aqoonyahanadda waxa uu ka yahay mid fudud magaalada Muqdisho oo 3dii December, 2009, martigalisay masiibo naxdin leh, haddana mujtamaca Soomaaliyeed waxaa u nasiib daro ah inaaney ku dhiiran Karin in ay ka dhii-dhiiyaan waxyeelooyinka ay ku kacayaan, kooxaha caadada ka dhigtay gaysashada falalkan arxan darada ah ee ku soo lab-laabanaya bulshada Soomaaliyeed.

Wallow, kooxda Al shabab ay isaga bari yeeleen ku lug lahaanshaha falkaasi, si qabow, haddana dadka qaar waxay aaminsanyihiin in tani ay ka tahay dabeecad ay kaga dhuuntaan cawaaqib xumada kaga imaan karta carada ay dadweynuhu ka qaadaan falalkooda.

Hore kooxdani, waxay si cad u dafireen, xasuuqii Naafadda Isbitaalka Martiini iyo dilalkii bareerka ahaa ee ay u gaysteen agaasimeyaashii, Idaacaddaha HornAfrik iyo Shabelle.

Si kastoo ay ahaataba waxaa dhacdadaan iyo kuwa la mid ka ah ee dhaqan ahaan lagu yaqaan kooxda Al shabaab uu noqonayaan mid saameyn kulul oo waligi taagnaada ku reeba bulshada Soomaaliyeed

waxaa soo tebiyey

Mahamud Ahmed Hassan

xuurshe114@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.