Home » Maqaallo »

Xasuuqii Hotel Shaamoow Gabal Dumay Dheh | Muxyadiin Ciid

XASUUQII HOTEL SHAAMOOW GABAL DUMAY DHEH

INNAA LILAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJACUUN

03/12/2009, Waa maalin murugo iyo xanuun kasii saa’ida kii umada Soomaaliyeed la daalaa dhaceysay in mudo ah la soo darsay, waa maalin gacan cadawi gawrac arxandaro ah u geysatay Caqli, Aqoon iyo iimaan saalax ah, adoomo eebihii abuurtay uu ku maneystay, waa maalin caloolxumo iyo carwasaad u dhimanayo Ruuxii Soomaali, Muslim ama Ibnu aadamba ah, ee daawaday muuqaaladii naxdinta lahaa ee Shaashadaha Caalamku kasoo tabinayeen dhacdadii Bahalnimada aheyd ee lagu xasuuqayay dadka muslimka ah ee Soomaaliyeed.

Waxa ay aheyd subax waraabayaashii caadeystay cabida dhiiga iyo cunista hilibka Shacabka Soomaaliyeed ee masaakiinta, u soo hubqaateen Hotel Shaamoow ayagoo hamuun qaba, amintiiba horaradaasi waxa ay afka la heleen hilbo qof damiir lehi afkiisa u quureen, ayagoo haliilaya waxaa goys danbeedyadooda jiririqsigoodu ka baxayay dhalaan mudo tacab iyo tabar ay duldhigeen waalidiin ayaguba naftooda ilaaway, si ay indhaha ugu furan ubadkooda naxariis iyo naruuro danbe ay uga fadhiyaan.

Qowlalada Waraabayaashaa subaxnimadii shaley waxaa ka tifiq lahaa dhiiga waalidiin ay kuraydoodiina raamsanayeen, qaniiyooyinkii iyo miciyihii ay ku dhigeen Allaha u naxariistee Qamar Aadan Cali, Ibraahim Xassan Cadow iyo Axmed Cabdullaahi Waayeel, ayaan iyadana wax la ilaawi karo aheyn.

Yeeydaas dad qaadka ah inta ay cagta marisay kolkii ay cartantayna waxaa loola cararay Cusbitaalada anoo caafimaad qab iyo ayaga oo caalka dugaagaas ka bogsada Allaha Casiiska ah uga tuugaya.

Hadaba tani waxa ay digniin u tahay dhamaan umada Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan, hadii aysan ka gilgilan foolxumadan iyo xasuuqa ceynkan oo kale ah, waxa iman doonta xili taariikhda lagu xuso dadka iyo dalka Soomaaliyeedba.

Dadka ay manta waxyeeladu soo gaartay, ayagu galbade, rabina guri ka kheyrbadan ka ay ka tageen ha ugu badalo, balse su’aashu waxa ay ku hartay, kuwa manta nool ee ayaguna sugaya, in sidaas oo kale loo kawaamo, hilibkoodana dariiqyada loo waro.

Gunaanadku waxa uu yahay eeboow dadkeenii Soomaaliyeed Xaqa tus, kana yeel kuwo u hiiliya, doqonta iyo damiirlaawahana dibindaabyadooda ka badbaadi.

Muxyadiin Ciid
alcarab1@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Xasuuqii Hotel Shaamoow Gabal Dumay Dheh | Muxyadiin Ciid "

  1. calool xumo iyo ciil badanaa waa dad yeey ah oo damiir laheeyn callooshood u shaqeeystayaal ah ka makhantahay soomalinimada islaanimada iyo biniaadinimaba
    ,laakiin la yaab malahoo waa kuwaa ogeeyd oo qabiil aan khiimo laheeyn u baabiyey ciidii soomaliyeed.wey oo wey ,waxaan khalad ibnu aadan ka weeyn waa danbi aan ka galnay dhulkeenii iyo kharankeenii waa halaag xag alla ah anagan keensanay…illahoow noo gargaar…