Home » Maqaallo »

Ururka Waddaniga Soomaaliyeed oo Cambaareynaya Xasuuqii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Ururka Waddaniga Soomaaliyeed oo Cambaareynaya Xasuuqii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Dhammaan Xubnaha Ururka Waddaniga Soomaaliyeed iyo taageerayaashiisa iyagoo ka xun kana tiiraanyeysan waxay halkaan cambeereyn uga soo jeedinayaan falalka Bani’aadinimada ka baxsan oo lagu bartilmaameedsaday Arday, Dhakhaatiir iMas’uuliyiin iyo Wasiiro ka tirsan Dowladda ku meelgaarka ah.

Waxaa wax laga xumaado ah in qarax lala beegsado lana xasuuqo Arday dhiganaysa xaflad qalin jabin ah iyo martidoodii oo ay ku soo casuumeen Xafladda qalin jabinta.

Arday Soomaaliyeed intii ku hartay magaalada Muqdisho oo aan barakicin, kuna soo dhabar adaygay inay waxabarashadooddii ku sii wataan xaalad qalafsan, damacsanaana inay noqdaan Takhaatiirtii Mustaqbalka Ummadda ayaa xafladoodii qalin jabinta ahayd xasuuq loogu geystay.

Ururka Waddaniga Soomaaliyeed wuxuu aaminsan yahay in ficilkii Isqarxinta uu ahaa mid looga hortagayay horukaca iyo aqoonta shacabkeena maa daama ay ahayd waxa la gumaaday bahdii waxbarashada iyo dhalinyaradii dalka iyo dadka barri wax tari lahaa.

Ururka Waddaniga soomaaliyeed wuxuu cambaareeynaya falalka noocaas ah oo lagu gumaadayo wax garadka iyo aqoonyahanada.

Haddii aan nahay Bahda UWS waxaan halkaan tacsi uga soo diraynaa ehaladii, asxaabtii, qaraabadii dhamaan intii ku geeriyootay Qaraxaas waxashnimada ah.

Waxaan Allah SWT ka beryeynaa intii dhimatay inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, inta dhaawactayna caafimaad taam ah siiyo. “Aamiin”

Waxaan Allah (SWT) ka beryeynaan inuu Ummadda Soomaaliyeed ka dul qaado dhibka ay maanta ku jiraan. “Aamiin”.

Abdullahi Jama Mohammed
Toronto, Canada
Ururka Waddaniga Soomaaliyeed
soomaalibaanahay@hotmail.com info@waddaniga.org
www.waddaniga.org

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Ururka Waddaniga Soomaaliyeed oo Cambaareynaya Xasuuqii ka dhacay Magaalada Muqdisho. "

  1. walaalo anigu waxaan ka xumahay waxan maanta muqdisho ka dhacay maaha markii ugu horeysey ee aan sheeko arintan iyada ah walaalo waxaan hore u sheekay inaan wax ii muuqdaantaasi oo aan ku sababeey xaalada soomaliye halkey maanta marayso aniga oo dhamaan weeraray argagaxisada dawlada burcad badeedka iyo dhamaanba dadka la socda arimaha soomaaliya warka faafaahin maayo lakiinse waxaan idiin sheegi lahaa waar waxan bilowbay u tahay qaska dabargoynta ceebaynta lugu hayo umada soomaaliyeed marka aynu taariikhda dib u akhrino waxyaalo badan oo dhacay ayaynu ka ogaanayna waxaana maanta ay taagantahay yaa umaqan umada soomaliyeed waxa u maqan waa wakhtigii ardayda iyo aqoonyahanada waayo intiiba waanu soo eegnay waxay tareen haba yaratee ma jirto waar hadaad maanta toosi waydaan waxaad arki doontaan waxbadan oo lala damacsanyahay umada soomaliyeed waana markii ugu danbaysay ee aan wax idiin sheego martanbana la igama yaabo inaan soo gali fikirtaha noocan oo kale wabilaahi tawfiiq