Home » Warar »

tacsi ay siwadajir ah udirayaan ardayda soomaaliyeed ee wadanka bangladesh iyo Golaha Qurbajoogta jubbaland iyo…

Halkan ka daawo Aaskii wasiiradii ku dhintan Qaraxa

TACSI (INAALILAAHI WA INAA ILEEHI RAAJICUUN) tacsi ay siwadajir aha udirayaan ardayda soomaaliyeed ee wadanka bangladesh

Ururka ardayda soomaaliyeed ee wadanka Bangladesh waxay si wadajir ah tacsi ugu dirayaan maamulka ,macalamiinta jamacadda banaadir , Eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen allaha u naxariistee Madaxdii & ardaydii soomaaliyeed ee sida naxariis darada ah maantay loogu xasuuqay hotelka Shaamo ee magaalada Muqdsisho.

Ururka ardayda soomaaliyeed ee wadanka Bangladesh waxay la qeyb sanayaan bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto musiibadaan qaran ee wadatay geeridan xanuunka & murugada badan. Waxayna Alle uga baryayaan intii ku geeriyootay uu jannadiisa fardoowsa ka waraabiyo, guud ahaan ummadda Soomaaliyeedna waxaan leenahay dhaqaatiirtii iyo mutacalamiintii aan weeynay Samir iyo iimaan alle ha kasiiyo. Sidoo kale inta ku dhaawacantay musiibadaasi isqarxinta ah allah siiyo caafimaad ,

Ugu danbayntii waxaan leenahay dadka geesanaya falalka noocaan ookale ah ee sida waxuushnimada ah loo sameeyay , gaar ahaan xasuuqan ba’an in ay meel uga soo wada jeestaan shacbiga soomaaliyeed isagana qabtaan gacan bir ah si aanan udhicin waxaan ookale , ardayda soomaaliyeed meel walba ay joogaan aanan cabsi galin waxyabahan dhacay niyadana kuwada haayno in uu dalka ina sugayo aana kutagnaa si geesinimo leh uguna adeegnaa walaalaha una raadinaa xalwaara dhulkeeni hooyo……………….ALLOW JANADAADI GALI WALAALAHA GEERIYOODAY KUWA DHAAWACANA CAAFI ,, AMIIN…AMIIN…..AMIIN
W/Q: ENG.QADAR HASSAN SH. SALAD
DHAKA/BANGLADESH
la xiriir: muq_som@hotmail.com
…..
Golaha Qurbajoogta jubbaland.
Innaa Lillaahi Wa’Innaa Ileyhi raajicuun
Innaa Lillaahi Wa’Innaa Ileyhi raajicuun
Innaa Lillaahi Wa’Innaa Ileyhi raajicuun

Golaha Qurba joogta ee Jubbaland waxay tacsi u dirayaan Ummadda Soomaaliyeed.

وبشر الصابرين الذين اذا اصابتهم مصيبة قالوا انا لله وانا اليه راجعون

Inaa Lilaahi wa inaa ileehi raajicuun: Golaha Qurba joogta ee Jubbaland waxay si wadajir ah tacsi ugu dirayaan eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen allaha u naxariistee Wasiiradii, Dhakhaatiirtii, Wariyeyaashii iyo Ardaydii shaley lagu Qarxiyey Hotel Shamo ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa ayaan daro ah in ardeydii soomaaliyeed ee ka soo qalin jabisey jaamacada muqdisho in lagu xasuuqo hotel shamo, falkaas waxaa geystey damiir laawe gacan ku dhiigle sida dumurka u soo la bistey oo ay soo adeegsadeen kooxo argagaxiso ah, marna anan dooneynin hormarka ummadeena iyo dalkeenaba, waxan Ilaahey uga baryeenaa intii dhimatey in uu jannadii farwosa ka waraabiyo eheladii, qarabadii iyo dhamaan ummadda soomaaliyeedna samir iyo imaan ka siiyo Amiin.

Waxaan kaloo Ilaahey uga baryeeynaa inta dhaawaca soo gaarey in Ilaahey caafimaad dag dag ah siiyo oo dhibka soo gaarey dheef ugu badalo inshalah Amiin.
Golaha Qurbo Joogta ee Jubbaland.

Jubbalandiasporaforum@yahoo.com

waxaa soo tebiyey
khalid ali
amaar128@hotmail.com

Tacsi:

URURKA JRM TACSI U DIRAYA DHAMAAN EHELADII AY KA GEERIYOODEEN WASIIRADII ,ARDAYDII, WAALIDIINTII SIDA FOOSHA XUN LOOGU XASUUQAY HOTELKA SHAAMOW EE MAGAALADA MOGADISHI
Ururka JRM ayaa Tacsi u diraya Dhamaan , wasiiradii,ardaydii, Culimadii iyo waalidiintii ku geeriyooday xasuuqii sida arxan darada ahaa loola beegsaday qalinjabintii Ardayda Soomaliyeed ee ka dhacaysay Hotelka Shamoow ee Maagalada muqdisho.
ururka JRM ee gobolada jubooyinka ee diraya tacisadan waxay kala yihiin :
1=gudoomiyaha ururka JRM.
2=gudiga fulinta ee urukna JRM ee gobolada jubooyinka.
3=golaha dhexe ee ururka JRM ee gobolada jubooyinka.
4=golaha dhaqanka ee gobolada jubooyinka.
5=siyaasiyiinta iyo aqoonyahaniinta gobolada jubooyinka.
6-shacabka jubooyinka

Ururka JRM wuxuu leeyahay Rabbi janno fardowso haka waraabiyo Dhamaan wasiiradii, Ardaydii ,waalidiintii ku geeriyootay Falkii foosha xumaa ee lagula kacay Ardaydaas qalinjabinaysay, samir iyo iimaana eebe haka siiyo Dhamaan Eheladii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen.

waxay kaloo ururka jrm tacsidooda baaq ka dhan ah raggii ka danbeyay qaraxaas waxayna yiraahdeen waa fal si waxuushnimo leh loola beegsaday mustaqbalkii wadanka ee berrito, ayagoo u sababeeyay heerka ay maantay ka taagnaayeen Bulshada soomaliyed waxayna kaloo yiraahdeen waxay ahaayeen Ardaydaas Iftiinkii wadanka ee berrito waxna ka badali lahaa xaaladda maantay uu wadanku maraayo.

Uruka JRM wuxuu Dowladda Somaliyeed iyo caalamkaba ka codsanayaa in la daba galo dadkii ka danbeeyay soona agaasimay qaraxaasi foosha xumaa isla markaana cadaaladda la horkeeno, waxaana dhici doonta ayay yiraahdeen maalin la is waydiin doono cid kaste waxii xumaan ahayd ee ee ay geeysatay.

Urunka JRM wuxuu Ku baraarujinayaa wasiirada, Ardayda kale ee ku nool Magaalada Mugadisho in aysan joojin dadaalkooda ku aadan waxbarashada iyo shaqada ay wasiiradu u hayaan shacabkooda oo ay sii laba jibaaraan, maxaa yeelay waxaad tihiin iftiinkii wadanka ee berrito hadaad ka gaabisaana dadaalkiina mugdi kale ayuu wadanku sii gali doonaa.

waxaan ka rajaynaynaa dowlada soomaaliyeed inay soo celiso nabadgalyadii iyo kaladambeeyntii wadanka soomaaliyeed.

Dr.Liban Hussein Osman (WAAMO)
la xiriir: lios25@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.