Home » Maqaallo »

Bahda Isboortiga magaalada London Oo Tacsi U Direysa Ummadda Soomaaliyeed

Innaa Lilaahi Waa Innaa Ilaahay Raajucuun: Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada London ee dalka Ingiriiska waxay si wadajir ah tacsi ugu dirayaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodeen allaha u naxariistee Wasiirro ka tirsan Dowladda Soomaaliya, Dhaqaatiir, Wariyayaal iyo Arday ku dhintay Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Wasiirrada dhintay ayaa waxay kala yihiin Wasiirraddii Caafimaadka Qamar Aadan Cali, Wasiirkii Hidaha iyo Tacliinta sare Prof. Ibraahim Xasan Caddow, Wasiirka Waxbarashada Axmed C/llaahi Waayeel halka Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Saleebaan Colaad Rooble dhaawac ka soo gaarey qaraxa ay fuliyeen damiir lawayaasha diinta sida qaldan u adeegsada.

Waxaa nasiib xumo ah in Arday Soomaaliyeed oo ka qalan jabiyay Jaamacada Muqdisho lagu xasuuqay ismiidaaminta uu fuliyay gacan dhiigalaha naagta iska soo dhigay.Waxaan ilaaheey uga baryeynaa in jannadii ka waraabiyo annagana Samir iyo iimaan.

Docda Kale Wasiirka Isboortiga iyo Dhalinyarada dalka Soomaaliya mudane Saleebaan Colaad Rooble ayaa dhaawaca ka soo gaarey dhabarka iyo madaxa islamarkaana lagu daawaynayaa isbitaallka.

Xaalada Wasiirka Halyeey Saleebaan Colaad ayaa hada ah mid isa soo tareysa inkastoo uu aad u dhiig baxay, waxaana la filayaa sacaadaha soo socda in lagu shubo dhiig kadibna go’aanka taqaatiirta gacanta ku haysa in loo duuliyo dalka Dibadiisa si loogu soo daaweeyo hadii Allah Idmo.

Bahda Soomaalida Isboortiga oo manta iga soo wacayay meelo kale duwan ayaa muujiyay falka ka dhacay magaalada Muqdisho mid masiibo Qaran ah, islamarkaana caafimaad u rajaynaya Wasiirka iyo dadkii kale eek u dhawaacmay, tacsina u diraya dadkii Soomaaliyeed ee muhiimka ahaa ee lagu laayay magaalada Muqdisho.

Waxaan Allah uga baryaynaa inuu caafiyo dhamaantood Ammiin insha Allah.Mudane Saleebaan Colaad ayaa ah shaqsi wax badan raba inuu ka qabto Isboortiga Soomaaliyeed, kaasoo shaqada uu ilaa hada qabtey aan ku tilmaami karo inuu yahay halyeey Qaran
Geeridu waa xaq horaa loo yiri ‘’WAARIMAYSIDEE WAR HA KAAHARO’’.

W/D:YUSUF YUSUF
London
mrsomalia@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.