Home » Maqaallo »

Hotel Shaamow iyo Musiibada ka dhacday.! Maxaa kaa baxay? | Ibrahim Dauud

Hotel Shaamow iyo Musiibada ka dhacday.! Maxaa kaa baxay?

Abaarihii 11:00 pm ee xilliga magaaladda Nairobi ayay aheyd markii aan TV-ga Al-Jazeera English ku arkay war dag-dag ah kuna saabsan Qarax ka dhacay Hotel Shaamo ee magaalada Mogadishu, Qaraxa oo ahaa mid culus ayna ku dhinteen dad Muhiim ah ayaan kadib raadiyay warar kalle oo dheerad ah iyo sida ay wax u dhaceen ugu horeentii waxa ii xaqiiqowday in dhibaato xun ay meesha ka dhacday.

Koonfurta Somalia gaar ahaan Magaaladda Mogadishu waa goobaha ugu daran ee dadka aanan waxba galabtan lagu dhibaateeyo, Mogadishu Waxaa iska caadi ah Dilka, Dhibaateenta shacabka iyo Barakinta iyadoo cid wax ka qaban kartana aysan jirin.

Yaa Maamula Mogadishu?

Mogadishu Waxaa wada maamula, Dowladda Shariifka uu Madaxwaynaha ka yahay, Ciidanka ka socda Midowga Africa ee AMISOM, Ururuka Al-shabaab iyo Xisbul Islaam iyadoo inta badan magaaladda dadkii daganaa dhaawac, Dil iyo Barakin la isugu daray marka cidda la maamulayo yee tahay? Maxaa la isku heestaa?.

AMISOM dalka Somalia miyay leeyihiin? Dowladda Somalia halkeey ka talisaa ilaa hadda maxay shacabka u qabatay oo aan lugooyo aheyn? Al-shabaab cadowga iyo sakooyaha midkeey jecelyihiin? Xisbul Islaam ujeedka iyo Qorshaha ay wataan muxuu yahay? Kooxahan aan isku ujeedka aheyd ee shacabka ku kor dagaalamaya faa’iidada ay shacabka ku soo kordhiyeen maxay tahay?….. su’aalahan iyo kuwo kale oo badan ayaa maskaxdeyda ku wareegaya walina aan jawaab u la’ahay..

Hotel Shaamoow iyo wixii ka dhacay?

Hotel Shamoow waxa uu ka midyahay Hoteeladda soo caan baxay wixii ka danbeeyay sanadkii 1991 oo ay burburtay dowladii Somalia, Hotel Shamo waxa uu deegaan ahaan ka tirsanyahay Xaafada Buula Xuubeey ee Degmada Madiina iyadoo Hotel-ka uu u dhowyahay KM5 ama dhismaha Zope.

Hotel-ka oo inta badan Xaflado, Aroosyo iyo Munaasabado lagu qaban jiray, balse xilliyadan Hotel-ka Waxaa isticmaala ama deegan uu u yahay dadka Ajaanibta ah, Wariyaasha, iyo Madaxda Dowladda Somalia.

Arday ka qalin jabisay Jaamacada Banaadir oo ka Qalin jabisay Kuliyada Caafimaadka in ka badana 6 sano soo waday halganka waxbarashada ayaa Hotel Shamoow Xafladan Qalin Jabin ah ay ku yeesheen ayna ka soo qeebgaleen qeebaha kala duwan ee bulshada iyo madax ka tirsan Dowladda Somalia uu halkaasi isku qarxiyay Shaqsi naftiisa waxyaabaha Qarxiya ku soo xiray.

Ma xaqbaa in Arday 6 sano wax soo baranayay micno daro lagu dilo? Ma Xaqbaa naf aanan waxba Galabsan in la dilo? Balse Somalia su’aalaha aan is waydiinayo jawaabtooda way sahlantahay in aad ka hesho.

Prof. Ibraahim Adow, Dr Qamar Adan iyo Mohamed Adan oo ahaa 3 Wasiir oo dowladda Somalia ka wada tirsan waxay ahaayeen shaqiyaad Muhiim ah waxtarna u lahaa shacabka Somaliyeed. Waxay naftooda u hureen in shacabkooda ay horumar gaaraan, waxay Raaxada aduunka ka doorteen in Bulshada Somaliyeed wax loo qabto. Balse ugu danbeentii waxay ku dhinteen iyagoo ku jira shaqo Qaran waxaana dilashay gacan ka xaq daran.

Allaha u naxariistee Ibraahim Adow oo ahaa Professor iyo Shiekh Diinta aqoon badan u leh ayaa ka mid ahaa dadka Qaraxa ku dhintay, Ibraahim Adow waa Hoghayihii arrimaha dibada ee Midowgii Maxaakimta sidoo kalle wuxuu ka mid ahaa Wadaadadii Dhaxdhaxaadinta ka waday Dowlada Somalia, AMISOM iyo kooxaha ka soo horjeeda Dowlada balse ugu danbeentii la diiday in warkooda la diido.

Wixii ka dhacay Hotel Shaamow iyo kuwii ka danbeey waa danbiilayal, balse Somalia Waxaa ka jira sharcdi daro qof walba oo danbiila ahna cid la xisaabtanto ma jirto.

Wariyaasha Somaaliyeed iyo Dhibaatada heesata.

Wariyaasha oo inta badan ah dad la baacsado ayaa haddana Somalia xilliyadii danbe waxay noqotay goobaha ugu xun ee aduunka wariyaasha lagu wax yeeleeyo iyadoo Somalia wariyaasha lagu dilay 2 sano ee ugu danbeeysay ay sii badanayaa.

Wariyasha Somalia dhibaatada heesata in aan meeshan ooga hadlo ma jecli balse waxaan ka xumahay wariyaasha ku dhintay Qaraxa iyagoo oo waajibkooda gudanaya.

Gunaanad.

Dhibaatada lagu hayo shacabka Somaliyeed oo maalinba maalinta ka danbeeysa sii kordhaya ayaa ah rajada xumada ugu daran ee shacabka Somaliyeed heesata.

Qof walba oo rajo ka lahaa dalka marka uu arko dhibaato noocan oo kalla ah waxaa ku dhacaya niyad jab, dhibaatada iyo fidnada Somalia xilligan ka socoto waa mid sabab u noqon karta in dalka ay gaalo la wareegaan.

Wali waxaa jirta Rajo… Somalia waxa ay ku soo laaban doontaa Somaliyadii la aqoon jiray.. kuwa dulmiga wada Alle ayaa naga qaban doono. Yaan la quusan.

Walaalkaa Ibraahim Da’ud Abdalle

sayfudiin@gmail.com

Nairobi-Kenya

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Hotel Shaamow iyo Musiibada ka dhacday.! Maxaa kaa baxay? | Ibrahim Dauud "

  1. inaali laahi wa inaa illayhi raajicuun
    waa musiib aad ufaal xun waan ka xumahay
    masiibadaas meeshaas ka dhacday waxaana ku kacay arxaanwayaal aan kanax muwaadiiniinta soomaaliyeed waxaan munaasiba in la iska celiyo hadaa la iska celin waxaay soo wadaan midaas midka xun waxaan madax wayna ugu baaqaa in oo waxa ka baqto falalkaas fuusha xun iyo dad waynahja soomaaliyeed waxaan kaga tacsiyeehaa dadkii meeshaa ku geeriyooday ha ahaato dhaqaatiir macalimiin wasiiro arday wariyaal waad mahadsantihiin macasalaamoo