Home » Warar »

Banaanbax looga horjeedo xil ka qaadistii Gen. Cabdi Qaybdiid oo ka dhacay qaybo ka tirsan Magaaladda Muqdisho

Banaanbax looga horjeedo xil ka qaadistii Gen. Cabdi Qaybdiid oo ka dhacay qaybo ka tirsan Magaaladda Muqdisho

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay Dibadbax looga soo horjeedo xilka qaadistii lagu sameeyay Gen. Cabdi Qaybdiid waxayna ku qaylinayo erayo liddi ku ah Dowladda Soomaaliya, waxaana dibadbaxaan ka qeyb qadanaayay Boqolaal dad ah oo Gubaayay taayaro.

Dibadbaxa ayaa la sheegayaa inuu soo gaaray KM4 oo iyana halkaasi ay gubayeen dadka banaanbaxaayay Taayaro , waxaana laga kala cararay Isgoyska KM4, iyadoo dibadbaxayaasha ay waardiyaynayeen qaar ka mid ah Gawaarida Dagaalka oo uu lahaa Gen. Cabdi Qeybdiid.

Banaanbaxayaasha ayaa u badnaa Beesha uu ka soo jeedo Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, waxayna dadka mudahaaradka sameynayay kor u lalayeen sawrika Gen. Qaybdiid.

“In xilka laga qaado Gen. Qaybdiid ma doonayno, waa taliye muwaadin ah oo u ka shaqeeyay sidii ay dowladdu ku hormari lahayd” ayay yiraahdeen taageerayaasha taliyihii ciidanka Booliiska ee xilka laga qaaday Mr. Qeybdiid.

Dibadbaxayaasha ayaa markii dambe waxay yimaadeen ilaa Hotel Ambasdor ee magaalada Muqdisho, waxayna dadkaan ka cabanaayeen in xilka laga qaado Jen. Cabdi Qeybdiid.

som1

Dowladda Federaalka ayaa horey xilka qaadis ku sameeyey Gudoomiyhii Gobolka Banaadir Maxamed Cismaan Dhagaxtuur iyo Gudoomiye ku xigeenkiisii Cabdifitaax Shaaweeyey waxayna labadaan nin laga cabsi qabey in ay ka timaado diido ayaa maalin cad wareejiyey Xilkaas waxayna sheegeen in ay la shaqeyn doonaa Maamulka cusub mar uu ka Hadley Dhagaxtuur Munaasabadii lagu kala wareegayey Xilkaas ayaa sheegey in aad ugu faraxsan yahay iyadoo aysan dhiig ku daadan uu wareehiyo xilkaas hase yeeshee banabaxii manta ee looga soo horjeedey xilka qaadista Qaybdiid ayaa waxaa ku dhaawacmey dhowr qofood oo uu ku jirey wiilyar oo kuwa kabaha caseeya

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail Amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.