Home » Warar »

Maalinta Cudurka Halista ah ee AIDS-ka iyo Muqdisho

Magaalada Muqdisho oo laga xusay Maalinta AIDS-ka Adduunka
Muqdisho oo ka baxdey Aamusnaantii Cudurka AIDS-ka

Halkan ka daawo sawirro dheeraad ah

Munaasabad lagu xusayay Maalinta AIDS-ka Adduunka oo maanta ku beegan oo ay soo agaasimeen 11-urur oo ka mid ah kuwa la dagaalama faafidda cudurka HIV/AIDS ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho. Hotelka Shamo oo lagu qabtay xafladdan ayaa lagu xardhay qoraallo looga digayo dadka faafitaanka cudurka AIDS-ka, waxaana xafladda goobjoog ka ahaa dad qaba cudurka oo ka hadlay xilliyadii ay qaadeen iyo xaaladoodu sida ay tahay.

Mas’uuliyiin ay ka mid tahay wasiirrada caafimaadka Somalia Qamar Aadan Cali ayaa kasoo qaybgalay xafladda, waxaana hadal ay jeedisay ay ku sheegtay in dowladdu ay waddo qorshayaal ay xanaaneynayso dadka qaba cudurkan ee ku sugan Somalia.

“Waxaan ku faraxsanahay in hortiinna anigoo ah gabar Soomaaliyeed oo la nool cudurka AIDS-ka, waana wax lagu farxo in maanta ay Somalia ku sugan yihiin dad sheegaya inay cudurka qabaan oo aan qarsanayn, isla markaana ka shaqeeya sidii ay u hakin lahaayeen” ayay tiri Nasteexo Faarax Cilmi oo 22-jir ahayd.

Gabadhan ayaa waxay muuqaal ahaan ahayd qof aan jir ahaan dhamaan, waxaana sidoo kale xafladda ku sugnaa dhowr qof oo isugu jiray wiilal iyo gabadho, kuwaasoo qaba cudurka, sheegayna inay leeyihiin urur la dagaalama AIDS-ka.

“Markii ugu horreysay ee cudurkan la iga helay waxay ahayd 2005, waxaana weli ku noolahay farxad iyo raynrayn, dadka waan la dhaqmaa, waan cunaa waana cabaa, mana ihi qof shaki qaba” ayay mar kale Nasteexo tiri.

Dhowr wiil oo iyaguna qaba cudurka ayaa ku sugnaa goobta ay xafladdu ka dhacday, kuwaasoo dadka la sheekeysanayay, wax la cunayay, waxna la cabayay, waxaana ay sheegeen inay la tacaalaan cudurkaan, ayna faraxsan yihiin sida dadka kale.

“Cudurkan waxaan qabay 10-sano, aad ayaanan u caafimaad qabaa, waxaan leenahay urur ka shaqeeya inuusan cudurkan ku faafin Somalia, diyaar ayaanan u nahay in cid walba oo qabta aan soo dhaweyno” ayuu yiri Maxamed Siciid oo isaguna ka mid ahaa dadkii cudurka qabay ee xafladda ka hadlay.

ays

Dr. Cismaan Xaaji Maxamuud Dufle oo ka hadlay xafladda ayaa sheegay in caalamka uu guulo la taaban karo ka gaaray cudurka, iyadoo sannad walba ay u dhiman jireen 25-Milyan, balse uu haatan aad uga hooseeyo, sidoo kale sannad walba waxaa qaadi jirtay cudurkan 2,400-kun oo qof, iyadoo sannadkan hoos loo dhigay.

Guddoomiyaha Ururka ay leeyihiin dadka qaba AIDS-ka ee Somalia C/kariim Max’ed Shariif oo aan isagu qabin cudurka ayaa sheegay in ururkan uu ka kooban 200-qof oo qaba cudurka, ayna ka shaqeeyaan sidii ay sameeyaan wacyigelinno ay dadka fiyow ugu digayaan.

Dhanka kale, ciyaar lagu xusayay maalinta AIDS-ka Adduunka ayaa waxay ka dhacday garoonka Dugsiga sare ee Booliiska, taasoo u dhexeysay Kooxaha Batroolka iyo Dowladda Hoose, waxaana furtay Qamar Aadan Cali iyadoo ku dhamaatay 2-1 ay guushu ku raacday kooxda Batroolka.waxaa halkaa ku sugnaa Sarkaal sare oo ka tirsan Hayadda SCAC oo lagu magacaabo Cabdi Cabdulaahi Wayeel

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

JAWHAR::: Waraysi: Gabar Soomaaliyeed oo Qabtey AIDS & ka Akhri Halkan 2004


Hay’adda OSPAD oo Madal ku saabsan Cudurka AIDS-ka u qabatey qaybaha Bulshada

Halkan ka daawo sawiro kale…

Waxaa Deegaanka Buula xuubeey ee Magaaladda Muqdisho lagu soo gabagabeeyey Madal H=hal Maalin ah ku saabsan Cudurka AIDS-ka waxaa soo qaban qaabisey Hayadda OSPAD oo inta badan isku howsha ka hortaga Cudurka AIDS-ka Waxaana gacan ku siiyey Hayadda UNICEF waxaana ka qaybgaley Dad gaaraya 100 xubnodd oo ka kala socdey qaybaha kala duwan ee Bulshada Gaar ahaan dadka ku jira xeryaha qaxootiga ee Magaalada Muqdisho oo kala ah Culama’udiin, Odayaasha dhaqanka, Dhalinyaro, Haweenka iyo dad Xirfadlayaal Caafimaad waxaana lagu baranayey Casharo la xiriira Cudurka Aids-ka sida loola dhaqmo dadka la nool Cudurkaas iyo siyaabaha looga hortago waxaana Casharada Madasha jeedinayey Macalin Abuukar Shiikh oo ku dheeradey heerkarkii uu soo marey Cudurkaas waxayna Madashaan ku soo beegantay iyadoo 1-da December la xusayey maalinta AIDS-ka adduunka, waxaana ka qaybgalayaashu halkaasi ku soo bandhigeen aaraa la xiriirta cudurkaasi, iyadoo qaarkood ay sheegeen in ay kala ogaadeen in Cudurka AIDS-ka uu maro labo heer oo ah HIV marka dambana uu ku biyo shubto AIDS.

Qaar ka mid ah ka qaybgalayaasha oo iyagu aan waxba ka ogeyn cudurkaasi ayaa madashaasi ku ogaaday in cudurkaani yahay mid jira loona baahan yahay in si aad ah looga taxadaro.

Madashaan halka maalin ah ayaa waxaa ka hadlay gebagabadeedii C/llaahi Xaashi Xasan oo ka socday hay’adda SCAC waxa uuna u soo jeediyey ka qaybgalashayaas in wixii ay halkaan ka barteen u gudbiyeen intii aan fursadda u helin ka qaybgalka siminaarkaan, waxaa kale oo uu sheegay in aamusnaantii cudurkaan ee Magaalada Muqdisho ay haatan ka baxday kadib markii la sameeyey urur ay ku mideysan yihiin dadka cudurkaasi qaba oo uu tiradooda ku sheegay in ay yihiin ilaa iyo 240 qofood, waxaa kale oo halkaasi ka hadlay qof qaba cudurka AIDS-ka oo isna sheegay in xiligaan uu diyaar u yahay in bulshada Soomaaliyeed uu kala qaybqaato ka hortaga cudurkaasi, maadaama uu yahay cudur aan weli daawo loo helin, waxaa kale oo ka hadlay C/nuur Cusmaan Weheliye oo madax u ah Ururka OSPAD waxa uuna caddeeyey in ururkiisu uu sii wadi doono ka wacyigelinta bulshada cudurka AIDS-ka, waxayna madashaasi ku soo gebagabowday sidii loogu talagalay

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.