Home » Maqaallo »

Faallo: OCHA ayaa dalbanaysa Lacag dhan $689 oo Milyan si wax looga qabto Hawlaha Samafalka Soomaaliya sanadka 2010.

OCHA ayaa dalbanaysa Lacag dhan $689 oo Milyan si wax looga qabto Hawlaha Samafalka Soomaaliya sanadka 2010.

NAIROBI:Qaramada Midoobey ayaa Bilawgii Todobaadkan waxa ay sheegtay iney raadineyso aduun dhan 689 milyan oo Doolarka Mareykanka ah si ay ugu fuliso 174 Mashruuc oo Samofala oo laga fuliyo Dalka Soomaaliya Sanadka fooda inagu soo haya ee 2010.

Qoraal ka soo baxay Hayadda QM u qaabilsan isku xirka Kaalmooyinka Baniaadanimada ee marka Magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano OCHA ayaa lagu xaqiijiyay Dalabkani iyadoo Todoobkan dabayaaqadiisa uu xafiiska OCHA Magalada Nairobi ee xarunta Dalka Kiinya oo uu xafiiskeeda Soomaaliyana ku yaallo ay qabanayso kulan lagu xoojinayo Codsigani kaasi oo lagu Casuumayo inta badan wadamada Deeqda bixiya, si loogu muujiyo baahida jirta iyo dhinacyada hawlaha Samafalka ee loo baahan yahay in wax laga qabto..

d2

OCHA ayaa waxay xaqiijisay in Lacagta ay haatan dalbanayso ay 19% ka hooseeyo Kharashkii ay dalbatay Sanadkan 2009 kaasi oo ahaa 849 Milyan oo Doolarka Mareykanka ah halka ay haatan sheegtay iney raadinayso $689 Milyan Sanadka 2010.

Tani waa Natiijo ka dhalatay in la xoojiyo baahida Gargaarka Cunada, in dib u hubin lagu sameeyo qiyaasta Dadka tabaalaysan ee la bartilmaameedsanayo iyo waliba qiyaas ka qaadashada Cunada Gargaarka ah ee loo baahan yahay.

Dhinaca hoos u dhaca Maaliyada ayaa lagu tilmaamay Horumarka isku xirka Mashaaricda iyo iyadoo si taxadar leh loo baaray fulinta Mashaariicda loo baahan yahay, sida lagu Xaqiijiyay Warbixntani.

Sida uu xaqiijiyay Xafiiska QM u qaabilsan isku xirka kaalmada Baniaadanimada qiyaastii Dad gaaraya 3.64 Milyan oo Soomaali ah kuwaasi oo noqonaya in kabadan labo meelood meel dadka ku nool gudaha Dalka Somaaliya iney wali u baahan yihiin Nolasha asaasiga ah iyo kaalmooyin Baniaadanimo, arintani ayaa waxay noqonaysaa in Dadka tabaalaysan ee ku sugan gudaha Dalka uu 13% sare u kac ku yimid tan iyo Bishii Janaayo oo ahayd wakhtigii Dawlada Madaxwayne Shariif Sheikh Axmed lagu soo yagleelay dalka Jibuuti.

Sidoo kale waxaa sare u kac ku yimid xadiga Nafaqa darrada ee Caruurta, iyadoo 5tii Caruura oo ay da’doodu ka yar tahay 5sano uu mid kamida la ildaran yahay Nafaqa darro, iyadoo 20kii Caruura oo mid kamid si xun u macluulsan yahay ama ay tabar daro hayso.

Hoos u dhaca ku yimid kharashaadkii laga heli jirey Wadamada Deeqaha bixiya ayaa sidoo kale sii xumeeyay xaalada iyadoo saamayn gurracan ku yeeshay hawlaha Samafalka ee loo baahan yahay in laga fuliya qaybaha muhiimka ah sida hawlaha Gargaarka Cunada, helitaanka Biyaha, ka shaqaynta Nadaafadda, Caafimaadka iyo Gabaadka(guryaha).

d4

Si kastaba ha ahaatee Dad farabadan oo Soomaaliyeed ayaa aaminsan in lacagaha Deeqagha ee Hayadaha QM u qaabilsan Hawlaha Baniadanimada oo ay ayada OCHA kamid tahay inaysan si wanaagsan u maamulin kharashaadka ay ka helaan Dalalka Deeqda bixiya iyadoo aysan jirin Dad matalaya Dalka Soomaaliya oo dabagal ku sameeya in lawada isticmaalay kharashaadkii Hayadaha soo gaaray iyo in si dhamaystiran loo gaarsiiyay Dadka Magacooda lagu soo qaatay oo ah Dadka u baahan garab qabashada ee ku dhibaataysan gudaha iyo dibedda Dalka Soomaaliya.

d6

Dhaliilaha Hayadaha loo jeediyo waxaa ka mida in Lacagta ay bixiyaan dalalka Deeqda Bixiya qiyaastii wax ku dhaw 50% lagu isticmaalo Magaalada Nairobi ee Caasimada Dalka Kiinya, waxaa la isweydiinayaa arinta ka dambaysa in inta badan hayadahani ay xafiisyadooda hawlaha ugu badani ka socdaan loogu hayo dalka Kiinya, iyadoo ay dalka Soomaaliya ka jiraan goobo xasiloon oo ay ku hawl gali karaan Hayadahani, iyadoo goobaahaasina ay kamid yihiin Maamulada Puntland iyo Somaliland.

d8

Ugu damabyntii waxaa haatan laga war dhawrayaa dabayaaqada Todobaadkan, iyo bal waxa ay ka yiraahdaan Wadamada Deeqda bixiya dalabkan lacageed ee ay Hayadda OCHA raadinayso si wax looga qabto hawlaha Samofalka ee dalka Somaliya sanadka 2010.

Abdiqafar Ahmed Shire (Mr. Gurxan).

Proffgurxan@hotmail.com
Proffgurxan@yahoo.com

……………

UN to Seek 689 Mln U.S. Dollars in Humanitarian Aid for Somalia

2009-11-30 Xinhua
http://english.cri.cn/6966/2009/11/30/195s532636.htm

The United Nations said Monday it would seek 689 million U.S. dollars for 174 humanitarian projects for Somalia in 2010.

A statement from the UN humanitarian agency, OCHA, said the Consolidated Appeal to be launched later this week in Nairobi reflects the most urgent needs in Somalia.

OCHA said there has been a 19 percent reduction of the amount requested from 849 million dollars in 2009 to 689 million dollars in 2010.

“This is the result of a reassessment of the food aid requirements and a revised estimate of target populations and the scale of rations required. This reduction is also the result of improved coordination structures and rigorous project vetting,” it said.

According to OCHA, some 3.64 million Somalis, more than half the population, will continue to be in need of livelihood and or humanitarian support. This is a 13 percent increase since January 2009.

Malnutrition levels have also increased, with one in five children under five years acutely malnourished and one in 20 are severely malnourished.

The low funding from key donors has also exacerbated the situation and has had a negative impact on operations of key sectors especially food aid, water sanitation and hygiene, health and shelter items.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.