Home » Warar »

Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif oo Xiran Tuutaha Milatariga lana Hadley qaar ka mid ah Ciidamadiisa

Sheekh Shariif oo Xiran Tuutaha Milatariga lana Hadley qaar ka mid ah Ciidamadiisa

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta booqasho ku tagay Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley oo koonfurta Muqdisho ku yaalla, waxaana uu halkaas kula hadlay Ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Waxaa ammaankooda sugayay Degmooyinkaasi ka hor intii uusan Madaxweyne Sheekh Shariif socdaalka ku tagin ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo ku hubeysan gaadiid dagaal oo ay ka mid yihiin Taangiyo.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa booqday aagagga ay ciidamada Dowladda KMG ah kaga jiraan degmada Dharkeynley, gaar ahaan deegaanka Xoosh halkaasoo uu kula hadlay ciidamadii hore ee Xoogga Dalka Soomaaliya, isagoo u jeediyay hadallo kala duwan.

“Waxaan idinkaga mahadcelinayaan sida aad diyaarka ugu tihiin inaad dalkiinna ka difaacdaan cadowga, dowladduna waxay idiin ballanqaadaysaa inay ilaalin doonto xuquuqdiidna aadna heli doonaan Mushaaraadkiinna” ayuu yiri Madaxweyne Shariif.

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale sheegay in dowladdu ay dhawaan qaadi doonto talaabooyin ay ku xaqiijinayno amaanka guud ee dalka, gaar ahaan Muqdisho, isagoo sheegay in ciidamadu ay yihiin xoogga keliya ee ay haysato xukuumadda.

d21

Booqashada Madaxweynaha ayaa ku dhamaatay si nabad ah, iyadoo aanay jirin wax dagaallo ah oo dhacay, sidoo kale ciidamo fara badan oo lagu daadiyay labada degmo oo daris ah ayaa xayiray isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Ciidamadii Dowladda KMG ah iyo kuwa AMSIOM ayaa dib ugu laabtay maanta duhurkii xeryihii ay markii hore kasoo baxeen, waxaana dib u furmay gacansiga degmooyinka Dharkeynley iyo Wadajir iyo isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Waxaa la arkaayay Madaxweynaha oo libisan dareyska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, wuxuuna amray Ciidamada inay shacabka difaacaan, oo ay la dagaalamaan kuwa diidan in dalka Soomaaliya nabad ka dhalato.

Sidoo kale waxaa halkaasi goobjoog ka ahaa Xildhibaan Cumar Maxamed Maxamuud Filish, Gudoomiyaha Degmada Wadajir Axmad Xasan Cadow (Daaci), Xaaji Cabdulle Macalin Gudoomiyaha Dharkaylay iyo Mas’uuliyiin kale
oo ka socotay labadaasi degmo, iyadoo halkaasi hadalo ka jeediyeen qaarkood Mas’uuliyiintaasi.

Ciidamada Dowladda oo isugu jira Ciidamdii hore ee Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa dhawaan tababaro ku soo kala qaatay dalal dibadda ah oo ay ka mid yihiin Uganda iyo Jabuuti , waxaa ciidamadaan maanta loo sameeyay Martiqaad wayn iyadoo Xoolo halkaasi loogu qalay, waxayna balanqaadeen saraakiisha Ciidamadaan hogaamisa inay difaacayaan Dowladda islamarkaana ay la wareegi doonaan ammaanka guud ee dalka Soomaaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif oo Xiran Tuutaha Milatariga lana Hadley qaar ka mid ah Ciidamadiisa "

  1. DHAQANMAAL says:

    Waan idin salaamay salaanta islaamka .
    Walow aanan aanan ka tirsanayn Somalia hadana waa dad aanu wadaagno . DIIN.AF.DHAQAN.oo ay ii tahay murugo iyo xanuun dhibaatada haysata shacabka reer koonfureed oo aad mar mar moodayso inay rabaan dhibaatadan.Markaa waxaan leeyahay sheekh shariif ama tuute ha xidho ama dhar caadiya ha xidhee waxa uu madaxda u yahay waa kuwiinan qooraya waa saaqid waa jaahil waa waa markaa hadii mid ka mid ah laydinka doortana la mid buu noqonayaa. markaa reer konfureed DIINTI DHAQANKII SOMAALIYEED IYO DADNIMADIIBA waxaad ku rideen God madow bal ku dayda kuwa jaarka idinla ah ee aad wadaagtaan calanka iyo lacagta ee Puntland wax kala qaata isna dhegaysta hadii kale Qaraxaa iyo Qayladaa ku jira inta idiinka hadhay nolosha aduunka ilahayse waxaan ka baryaya inuu idinka qaado dhibaatada Aamiin.
    Somaliland ilahay ha u siyaadiyo Nabada Iyo Nolosha

  2. Run-sheeg says:

    To Abdushakuur cabullahi
    waxaa tahay jaahil dhago weyn oo nacas ah waryaa ma ogid miyaa in ninka quraanka yaqaan uu yahay hogaanka ISLAAMka waxaa maskaxda iyo maanka kaa galay waxa ay gaaladu dowlad u yaqaanaan, jaahilyahoow aan alifka loo dhigin

  3. Abdifatah says:

    Asc, walaalayaal anigu waan ka daalay hadalka Somalia. Waxaan iska sugayaa marka somalia oo dhan la wada qabsado..Bal fekera! Maanta waxaa la diley dad waxgarad ah oo wadanka wax ka bedeli karey. Yaa waxan ka dambeeya?? Reer galbeed??

  4. Somalidii waxay dagaal kula jirtaa aqoon yahanada, waxayna rabaan dad aan aqoon lahayn in ay Somaliyaa xukumaan, haddaba aniga waxaan halkan uga baaqaayaa Sheikh Sharif in uu iskaga tago Madaxnimada uusan cilmiga u lahayn waxaa taas u daliil ah dharka askarta uu labistey.

  5. Abdinoor says:

    hore ayaa loo yiray dhado roob noqonweyday. waxaan filayaa inay san aheyn markii ugu horeeysay ee Shariif uu kulabisto dharka tuutaha ah ee ay xidhaan ciidamada,waxaa quman in uu isaga tago kursiga wax nabad sugayo halkaa majoogaane.haddi ay isaga latahay intuute laxirto wax lagu hanan kara waxaa tuutayaal xernaa hortii boqolaal sarkaa oo xoogna wax kumuquunin kariwaayey.
    marka Shariif waxaan leenahay culeeys yuuna kugudili tuutaha kii xukumi lahaa matihide?

  6. Abdishakur abdulahi says:

    asc.haddii sh/shariif tuute xirto & haddi kale waa isku mid oo wax ay soo siyaadinayso majirta. Shariif waa shariifkiisii, waana Macalin dugsi oo dugsigii ka saaqiday ! waxaase cajiib ah nin macalin dugsi ah oo madax weyne noqday! waligiisna aan shaqo dawladeed hore u qaban haba yaraatee, marka tuutuhu wax mabadalee aqoonta ayaa wax badasha, meeshan (mudqisho)mataal & maamul midna mataalo.wadmadsan tahiin