Home » Warar »

Deeq Lacageed oo Gabdhaha Soomaaliyeed ee Holand ay gaarsiiyeen barakacayaasha ku jira Kaamka Shabeelow ee Muqdisho

Deeq lacageed gaarayso $500 qaar ka tirsan gabdhaha Jalaiyada ku dhaqan dalka holand oo la gaarisiiyey kaamka barakacayaasha reer shabelle ee Magaalada Muqdho .

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Kaalmadaan lacageed ay iska soo uruuriyeen gabdho somaliyeed oo ku dhaqan dalka holand ayaa la gaarsiiyey qaar ka mid ah barakacayaasha gurahodii uga cararay dagaalada Muqdisho ka socdo oo dadka intiisa badan ay ku tilmaamaan dagaal aan dhamaad laheyn .

Waxaa u badnaa dadkii la siiyey haween ,agoonta iyo carurta derbi jiifka ah guud ahaan waxay dhamayed kaalmaadan maanta lagarsiiyey $500 iyada oo ay kaalmadaan lacageed soo gaarsiiyeen qaar ka mid ah gabdha jaaliyadaha somaliyeed gaar ahaa gabdha dalka holand waxayna u soo wakiisheen soo gudbinta lacagtaan Gabar la yiraahdo faadumo jaamac oo iyadune soo gaarsiisay Marwo caasha cusman ugaas ( Caasha shacuur ) sidaa ayey suurta gal ku noqotay in ay maanta caasha gacanteda ku qeybiso deeqdaa sadaqada ah ee loogu tala galay bulsahda somaliyeed inteeda Jilicsan ee ay dagaalada iyo colaadaha Aafeeyeen

Munasibadii gudoonsiinta deeqdaa waxaa ka hadlay madaxa Caamka reer shabeele oo lagu Magacaabo shabeelow oo sheegay in ay ku so aaday xiligii looga baahnaa in wax la taro Bulshada jilicsan ee soomaaliyeed

Shabeelow “wax ka sugayaan umada somaliyeed ee jooga dunida dafaheeda cidii wax taraysana ay u furan tahay ka qeyb qaadashada wax u tarida bulshada Jilicsan “

Isaga oo amaan balaaran iyo duco u jeediyey intii ka qeyb qadatay soo gudbinta lacagtaan deeqda ah isaga oo u duceeyey gabdhihii muxsiniinta ahaa ee iska so uruuriyey in ilaahey deeqdii ay dhiibeen mid ka wanaagsan uu ugu bedelo halkii ay ka soo qaadeen isaga oo raaciyey in ay caruurtooda bari ilaah uga dhigo iyagana ugu naxariisteen ilaahey ha ugu naxariisto aduunyo iyo aakhiraba waxa ay heystaana alaha u barakeeyo ayuu sii raciyey isaga oo ducadii sii wata wadamada ay ku nool yihiina wuxuu alle uga baryey in barakadooda uu wafajiyo

d1

Sidoo kale waxaa ka hadashay haweeney ka mid ah kuwa danbiilaha ku xamaasha iyada oo ugu duceysay duceysay in ilaahey ka abaal mariyo

Ugu danbeyntii Marwo Caasha cusman ugaas ( Caasha Shaacuur ) “Maanta oo kale la iskama tago Masaakiintii aan maanta wax u qeybineynay waxay ahaayeen kuwo u nugul dhibka wadanka ka socdo oo aan heysan dhaqaale ku filan

Masaakiintii Caasho ayaa ku so gabagabeysay in ay ku dadaalaan sida ay hada wax ku wadaan
Waxayna sheegtay in walaalahaa oo baahi u dhimanaya aad cuntada dhereg la daadiso
Qof kasto wixii ay ilaah hortii la baxdo waa helaysaa walaalayaalow ku dadaala walaalihiin maanta qatan oo qaawan oo idin baahan ayey ku soo gabagabeysay casha cusman ugaal (caasha shacuur ) oo ka hadlaysay kaalmo lacageed oo ay maanta u qeybisay caruur agoon ah oo ku nool magaalada muqdisho

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.