Home » Warar »

Muqdisho: Kooxda WAXOOL ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha ayaa dib boorka looga jafay

Kooxda WAXOOL ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha ayaa dib boorka looga jafay xaflad lagu qabtey maanta Hotelka Saxaafi ee magaalada Muqdisho.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Waxaa lagu qabtey magaalada Muqdisho xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay islamarkaana ay ka soo qayb galeen madaxda Isboortiga dalka Soomaaliya iyo ciyaartooyda cusub ee kooxda WAXOOL oo maanta si rasmi ah looga dhawaacay in dib boorka looga jafay .

Xaflada ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Isboortiga iyo Dhalinyarada dalka Soomaaliya Mudane Wasiir Saleebaan Colaad Rooble uuna wehliyo Gudoomiyaha Olympicada Soomaaliya Mudane Aaden Xaaji Yabarow ‘’ Wiish’’ iyo Wasiirka Wasaarada Xanaanada iyo Xoolaha dalka Soomaaliya mudane Wasiir Abuukar Mardaadi ay wehliyaan gudoomiyaha cusub ee kooxda WAXOOL oo ahaa ciyaaryahan hore oo ka tirsanaan jirey ciyaartooydii kooxda Mudane Gudoomiye Muxyadiin Jabaan iyo ciyaartooyda cusub ee kooxda Waxool iyo marti sharaf kale oo farabadan.

Ugu horeyntiina waxaa meesha ka hadlay Wasiirka Wasaarada Xanaanada iyo Xoolaha dalka Soomaaliya mudane Abuukar Mardaadi oo sheegay sida ay maanta ugu faraxsan yihiin inay dib u soo celiyaan naadigii kooxda Waxool islamarkaana maanta wixii ka dambeeyo ay ka qayb qaadan doonaan cayaaraha, wasiirka ayaa ciyaartooyda iyo maamulka kooxda WAXOOL u hambalyeeyay kulana dardaarmay inay ku dadaalaan sidii kooxda WAXOOL magaceeda mar kale uga muujin lahaayeen garoomada kubadda cagta islamarkaana u sheegay inay wasaaradooda gacan weyn ka gaysan doonto ka taageerida kooxda WAXOOl dhan walbo.

Waxaa kale oo meesha ka hadlay Gudoomiyaha cusub ee kooxda WAXOOL Mudane Muxyadiin Jabaan oo ka waramay taariikhdii kooxda WAXOOL iyo ciyaaryahanadii soo marey iyo sida ay ugu faraxsan yihiin in kooxda WAXOOL maanta xafladatan qiimaha badan loogu fadhiyo in dib loogu nooleeyo, Muxyadiin Jabaan oo ay ka muuqatey farxad iyo dib u soo xasuusasho kooxdii WAXOOL ee uu ka tirsanaan jirey ayaa balan ku qaaday inay KOOXDA WAXOOL wacdaro ka gaysan doonto tartamada loo qaban doono kooxaha dalka islamarkaana ka codsaday ciyaartooydii hore,maamuladii hore iyo taageerayaashii kooxda WAXOOL meel kasta ay joogaan inay gacan ka siiyaan sidii dhalinyarada Soomaaliyeed loogu soo jeedin lahaa dhinaca Nabadda iyo Isboortiga islamarkaana magacii KOOXDA WAXOOL kor loogu qaadi lahaa markale.

Waxaa xafladatan ka soo qayb galay oo lagu casumay Gudoomiyaha Olampicada Soomaaliyeed Mudane Aden Xaaji Yabaroow ‘’ Wiish’’ islamarkaana ka jeediyay hadalo wanaagsan cadeeyayna inuu taageersan yahay qorshaha cusub ee ay wado Wasaraada Isboortiga iyo Dhalinyarada dalka Soomaaliya ee dib loogu soo celinaayo kooxihii hore.

Gudoomiye Wiish ayaa hambalyo u wada direy kooxihii la soo celiyay dhamaantood iyo kooxda WAXOOL islamarkaana ka warbixiyay ku faraxsanaanta maanta ee uu ka soo qayb galo xaflada lagu soo noolaynaayo kooxda WAXOOL.

Tilaabada Wiish uu qaaday maanta iyo ka soo qayb galka Xafladatan ayaa noqonaysa mid wax badan ka tareysa sidii Isboortiga Soomaaliyeed loogu celin lahaa wadadii saxda ahayd kadib markii 20 sanadood lagu soo jirey maamul iyo nidaam daro.

waxool1

Xaflada oo lagu qurxiyay hal ku dhigyo lagu taageerayo soo noolaynta kooxda WAXOOL iyo sida Isboortigu Nabadda kaalin weyn ugu qaadan kara ayaa waxaa ugu dambayntii hadal kooban ka jeediyay Wasiirka Isboortiga iyo Dhalinyarada dalka Soomaaliya mudane Saleebaan Colaad Rooble.
Wasiirka ayaa ka mahadceliyay sida Wasarada Xanaanada iyo Xoolaha dalka Soomalaiya wasiirkeeda Abuukar Mardaadi iyo Maamulka Naadiga WAXOOL iyo ciyaartooydeeda maanta ugu soo bandhigeen xafladatan sida ay diyaarka ugu yihiin inay ka qayb qaataan barnaamijka lagu soo noolaynaayo kooxihii dalka Soomaaliya magaca iyo taariikhda ku lahaa iyo sida loogu baahan yahay in dhalinyarada Soomaaliyeed loogu soo jeediyo Isboortiga iyo Nabadda.

Xafladatan ayaa waxay ku dhamaatey farxad iyo iyadoo kooxda WAXOOL oo maanta si rasmi ah boorka looga jafay, waxana la filayaa todobaadka soo socda in kooxda SANCADDA dib boorka looga jafo islamarkaana lagu qabto magaalada Muqdisho horyaalkii koowaad ee kooxahii hore ee dalka Soomaaliya bartamaha bishatan ee aan ku jirto.

Kooxda WAXOOL ayaa waxaa soo marey ciyaaryahano dalka Soomaaliya si weyn looga yaqaan waxaana ka mid ahaa Muxyadiin Cambar Khamiis, Muxyadiin Jabaan iyo ciyaaryahano kale oo farabadan
Hadaba hadii aad doonaysid inaa gacan ka gaysato barnaamijka soo noolaynta kooxihii hore ee dalka Soomaaliya sida Kooxihii Jeenyo, Horseed, Madbadacada, Betroolka, Sancadda, Waxool, Halgan, Muqdisho , Gadiidka, Badda , si aad qalab isboorti ugu deeqdo iyo adigoo ku xayaysiinaayo ganacsigaada fadlan la xiriir maamulka kooxihii hore oo dhamaantood ku sugan magaalada Muqdisho ama wasaarada Isboortiga iyo Dhalinyarada dalka Soomaaliya.

W/D: Yusuf Yusuf
Sports Editor of SSPAMEDIA
mrsomalia@hotmail.com
London

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.