Home » Warar »

Madaxa Haweenka Xafiiska Arrimaha Bulshada madaxtooyada Soomaaliya oo Kaalmo lacageed gaarsiisay caruur Agoon ah


Nove 28, 2009: Madaxa Haweenka Xafiiska Arrimaha Bulshada madaxtooyada Soomaaliya oo manta Kaalmo lacageed gaarsiisay caruur Agoon ah.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Madaxa Haweenka Xafiiska Arrimaha Bulshada madaxtooyada Soomaaliya Drs. Xabiibo Sheekh Xuseen ayaa maanta kaalmo lacageed gaarsiisay Hooyooyin wata Caruur Agoon ah, kuwaasi oo la liita nolosha dhalaankooda.

“Kaalmadaan waxaa bixiyay Xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ugu talogalnay inay caruuta agoonta ah ay ku ciidaan” ayay tiri Xabiibo Sheekh Xuseen oo ka hadlaysay Munaasabad Haweenka wata Caruurta Agoonta ah lagu siinaayay lacagaahaasi taakulaynta ah.

Xabiibo Sheekh Xuseen waxay sheegtay inay weligaydba ku hamin jirtay inay wax tarto Agoonta Soomaaliyeed, waxayna sheegtay inay mar walba ku dadaali doonto sidii Agoonta ay u kaalmayn lahayd.

“Gabdhaha Soomaaliyeed waa inay u soo jeestaan sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen dhamayn khilaafaadka iyo Colaadaha ka jira dalka Soomaaliya” ayay tiri Xabiibo Sheekh Xuseen adaxa Haweenka Xafiiska Arrimaha Bulshada madaxtooyada Soomaaliya oo sheegtay inay gabar kasta looga baahan yahay in Ninkeeda, Walaalkeed ama Aabaheed ka dhigtaa una diidaa inay qori qaataan.

Madaxa Haweenka Xafiiska Arrimaha Bulshada madaxtooyada Soomaaliya waxay sheegtay in loo bahan yahay in iscafiyaan dadka Soomaaliyeed, islamarkaana loo dhameeyo khilaafka jira, iyadoo Ummadda Soomaliyeed Alle uga bariday inuu dhibka ka dulqaado.

gabar1
Ugu dambayntii waxaa halkaasi lagu bixiyay lacago loogu talogalay in la siiyo haweenka haysta Caruurta Agoonta ah, iyadoo kaalmooyinkaasi ay gacanteeda ku qeybisay Madaxa Haweenka Xafiiska Arrimaha Bulshada madaxtooyada Soomaaliya Xabiibo Sheekh Xuseen.

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321
0025250-995088

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.