Home » Warar »

Jaaliyada Soomaaliyeed ee Dalka Gariiga oo Munaasabad soo dhaweynta Ciida ah ku qabatay wadankaasi.

Jaaliyada Soomaaliyeed ee Dalka Gariiga oo Munaasabad soo dhaweynta Ciida ah ku qabatay wadankaasi.

Waxaa maanta dalka Greece kadhacay xaflad si heer sare ah loosoo agaasimey taasoo lagu maamuusaayey Munasabada Ciidul Adha iyadoo ay kasoo qeeb galeen masuulyin aad ufara badan oo ay kamid ahaayeen Madax kasoctey Baaarlamaanka dalka Greece iyo Xisbiyo, sidoo kaleed waxaa qadka telefoonka uga soo qeb galey Raisul wasarihii hore ahna safiirka ufadhiya soomaaliya midowga yurub, Nuur Xasan (Nuur Cadde)

Xafladaasi oo ay ka sooqeybgaleen Jaaliyada soomaaliyeed ee dalka gariiga ayaa waxaa ka soo qeyb galay Soomaali aad u fara badan kuwaasi oo aad ugu faraxsanaa in markii ugu horeysay ay kulan noocaasi oo kale ah isugu yimaadaan.

Danjire Nur Hassan Husein ayaa hawada usoo maryey soomaalida Greece Hanbalyo ku aadan Maaalinka Ciida, sidoo kaleed waxaa uu shegey in uu aad ugu faraxsanyahay dadka soomaaliyeed ee gariiga iney ku guuleysteen iney far qur ah ahaadaan taasna ayu tahay mid kudayasho mudan.

Danjire Nuur cadde ayaa ku aamaanay abaabulkaasi Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee Giriiga Ilyaas Cali Xasan oo ahaa maskaxdii kadanbeeysay abaabulka xafladaasi oo sidoo kale ay kazoo qeyb galeen masuuliyiin kasocday baarlmanka wadanka Gariiga’

Mr. George Mafrikos oo ah xildhibaan Katirsan baarlamanka islamrkaana kamid ahaa shaqsiyaadkii halkaasi kahadlay ayaa sheegay in uu ugu hanbalyeeynaayo umada soomaaliyeed ee islaamka ah Malmaha barakaysan ee Ciida islamrkaana ay ku amaanayaan sida ay isgu duubanyihiin.

Ugudanbeyntii Gudoomiye Ilyaas oo halkaasi kahadlay ayaa isna hanbalyo u diray umada islaamka gaar ahaan Soomaalida

La xiriir
Mohamed Abdulahi
suxufi@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.