Home » Warar »

Ardeyda soomaaliyeed ee turkiga oo dooratay guddoomiye

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Xaflad si weyn loo soo agaasimay ee ka dhacday dalka turkiga gaar ahaan magaalada İstanbul, xafladaas ee ka soo wada qeyb galen dhamaan ardayda soomaaliyeed iyo soomaalida ku nool dalka turkiga soomaalida ka soo qeyb gashay xafladaasi ayaa ka kala yimid gobolada turkiga. Ardeyda ayaa ah kuwa u taagan mar waliba isku keenida ardeyda iyo sare u qaadiga waxbarasha iyo isku duubnida ardeyda .

Ardeyda somaaliyeed ayaa waxa ay doorteen gudoomiye matalaya dhammaan ardeyda soomaaliyeed ee wax ku barta dalka turkiga, doorashadaas ayaa waxa lagu doortay in uu gudoomiye noqdo Xuseen Cismaan sheekh oo ku magac dheer Xuseen Dheere.

Xafladaas ee ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin kala duwan, waxaan ka mid ahaa
Safiirka soomaaliya ee u fadhiya dalka suudaan Prof. Mahdi Abuubakar oo halkaas qudbad aad u qiimo badan ka jeediyay, waxa kaloo ka soo qeyb galay qunsulka dalka soomaaliya u fadhiya turkiga dhalashadiisuna ee tahay turki Mr. Sermet Cetin halkaasi ka soo jeediyay qudbad uu ku taageersan yahay ururka cusub ee ardeyda soomaaliya ee turkiga. Waxa kaloo ka hadlay u qaabilsanahay arimaha ganacsiga safaaarada soomaaliya Cabdifataax Warsame Barre iyo gudoomiya ururka dhalinyarada soomaaliyyed
Dr. Cabdiladhiif Xuseen Maxamed.

Waxa kaloo ka soo qeybgalayaasha jaaliyadda soomaaliyeed ee turkiga
qudbad ee ku taageerayaan ururka ardeyda soomaaliyeed ka soo jeediyay halkaas Abukar Cali Gacal .ahna sarkaal sare ee ka shaqeyn jiray wasaaradda arrimaha dibada ee soomaaliya, Waxa isagana si kooban halkaas ooga hadlay guddoomiyaha cusub ee ardayda loo doortay oo qudban gaaban ka jeediyay sida uu u arko xilka loo dhiibay iyo siduu u gudan doono xilkiisa.

waxool2

Gabagabadii xafladda ayaa waxaa wasiirka tacliinta sare ee dowladda soomoaliya Prof: Ibraahim cadoow halkaas tahniyad iyo baraarujin ooga jeediyay qadka telefonka ardayda soomaaliyeed iyo guddoomiya cusub ee la doortay. İyadoo sidoo kale astaanta calanka soomaaliyeed iyo dhaqankaba meesha lagu soo bandhigay dhamaan umadda muslimiinta gaar ahaan kuwa Soomaaliyeedna u rajeeyay ciid wanaagsan iyo nabad waarta.

Qore: Hanat Osman
hanatos@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.